Recep Tayyip Erdogan: Madaxweynaha aan gabbashada lahayn ee Turkiga

Xigashada Sawirka, AFP
Recep Tayyip Erdogan oo markii hore si tartiib tartiib ah oo daggan kusoo galay saaxada siyaasadda wuxuu ugu dambeyn gaaray heer aad u sarreeya, isagoo Turkiga ku sameeyay isbaddal uusan awood u yeelanin hoogaamiye kale tan iyo wixii ka dambeeyay maamulkii Mustafa Kemal Ataturk, oo loo yaqaanno inuu ahaa ninkii aasaasay Jamhuuriyadda hadda jirta.
Laakiin sannadihii dambe waxaa kasii daray hoos u dhaca dhaqaalaha waddankaas. Sicir bararka wuxuu gaaray ku dhawaad 12% lacagta Liirada ee Turkigana waxay aad uga hoos martay doolarka. Fayraska corona ayaa hadda heer aad u xun sii gaarsiiyay dhaqaalaha markii horeba liitay.
Markii uu Erdogan xukunka la wareegay bishii March ee sanadkii 2003-dii qiimaha Liiraha ee lagu kala baddasho doolarka wuxuu ahaa 1.6 - haddana wuxuu sii marayaa wax ka korreeya 8.0.
Sannadihii ugu horreeyay ee maamulkiisa waxaa la arkayay sare u kac dhaqaale iyo horumar dhinacyo kala duwan ah.
Awoodda milatariga
Bilihii lasoo dhaafay madaxweyne Erdogan wuxuu xoogga saaray inuu sare u qaado cududda milatari ee uu Turkiga ku leeyahay dibadda.
Arrintaas waxay ka careysiisay waddamo badan, oo ay ku jiraan kuwa Yurub iyo xulafada ay ka wada tirsan yihiin isbahaysiga Nato.
Milatariga waxay ku lug leeyihiin dagaallada ka socda Liibiya iyo Suuriya. Si dadbanna waxay ugu lug leeyihiin dagaalka gobolka Nagorno-Karabakh ee ay isku hayaan dalalka Armenia iyo Azerbaijan.
Ciidamo ka tirsan kuwa Turkiga ayaa dhoollatus milatari la sameeyay kuwa waddanka Azerbaijan dhowr isbuuc uun ka hor inta uusan qarxin dagaalka culus ee u dhaxeeyay Armenia iyo Azerbaijan.
Dhulka lagu dirirayo waxaa caalami ahaan loogu aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qowmiyadda la yiraahdo Turkic Azerbaijanis ayey dhaqan ahaan isu dhow yihiin Turkiga, gobolka lagu dagaallamao ee saliidda hodanka ku ahna wuxuu dhuumo saliidda dhoofiya sii marsiiyaa gudaha Turkiga.
Laakiin Ruushka ayaa isaguna muddo qarniyo ah gobolkaas ka dhigayay mid uu saameyn weyn ku leeyahay.
Marka la eego arrimaha ka taagan gobolka ay labada waddan isku heystaan oo la si guud loogu yaqaanno Caucasus, Liibiya iyo Suuriya, ujeeddooyinka uu Mr Erdogan leeyahay waxay ka hor imaanayaan danaha madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Kheyraadka gaaska ah ee ku keydsan Bariga badda Mediterranean-ka wuxuu qeyb ka yahay ujeedooyinka Mr Erdogan.
Hase yeeshee danahaas waxaa kasoo horjeeda dowladaha Qubrus iyo Giriiggac - oo labaduba xubno ka ah Midowga Yurub - taasina waxay sababtay inay digniino culus uga imaadaan dhinaca Yurub.
Erdogan wuxuu garab taagan yahay hoggaamiyeyaal qaran doon ah oo iska abaabulay waqooyiga Qubrus, kuwaasoo ku dhawaaqay jamhuuriyad iskeed ah oo uu aqoonsan yahay Turkiga oo kaliya.
Wuxuu eedeymo kulul u jeediyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo waliba su'aal galiyay caafimaadkiisa dhinaca maskaxda, maadaama uu Mr Macron gacan adag ku wajahayo saameynta ay Muslimiinta ku leeyihiin Faransiiska.
Mr Erdogan wuxuu sidoo kale muddo dheer taageersanaa kooxaha islaamiyiinta ee ka jira dalalka carabta qaar, sida ururka Ikhwaanul-Muslimiinka ee Masar. Waxaa lagu yaqaannaa inuu shacabka ku salaamo astaanta kooxdaas oo ah afarta farood.
Bishii July ee sanadkan 2020-ka wuxuu masaajid u baddalay dhismaha Hagia Sophia oo ay caan ku tahay magaalada Istanbul, kaasoo mar horay u ahaan jiray kaniisad taariikhi ah. Tallaabadaas waxay ka careysiisay dad badan oo masiixiyiin ah.
Waxaa Hagia Sophia kaniisad ahaan loo dhisay 1,500 oo sano ka hor, kaddibna waxaa masaajid ka dhigay boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee Turkiga, laakiin Ataturk ayaa markii dambe ka dhigay madxaf.
Loollanka la galiyay xisbiga talada haya
Sanadkii lasoo dhaafay, xisbiga Mr Erdogan ee AKP, ee islaamiga ah, wuxuu ku guuleystay doorashadii qaranka ee heer deegaan, laakiin waxaa looga adkaaday saddexda magaalo ee ugu waaweyn oo kala ah Istanbul, caasimadda Ankara iyo Izmir.
Guul darrada doorashada maayarka Istanbul, oo uu helay xisbiga mucaaradka ah ee CHP waxay dhibaato adag ku ahayd Mr Erdogan, oo maayarka magaaladaas soo ahaan jiray sanadihii 1990-meeyadii.
Mr Erdogan wuxuu markii ugu horreysay kasoo ifbaxay Istanbul oo hadda ay ku nool yihiin qiyaastii 16 milyan oo ruux. Magaaladaas iyo caasimadda Ankara ayaa u suuragaliyay in markii dambe uu la wareego siyaasadda waddanka oo uu muddo 4 sano ah maamulayay.
Kordhinta awoodda madaxweynaha

Xigashada Sawirka, AFP
Bishii July ee sanadkii 2018-kii, wuxuu Erdogan ku guuleystay xilka madaxweynaha oo loo igmaday muddo shan sano ah kaddib markii uu cod aqlabiyad leh ku helay wareeggii koowaad ee doorashada.
Taasi waxay u sahashay inuu kordhisto awooddiisa madaxweynenimo kaddib markii uu ku guuleystay aftidii muranka badan dhalisay ee lagu baddalayay dastuurka waddankaas.
Codeyntaas oo aad u adkeyd waxay dadka taageersanaa mowqifka Erdogan ahaayeen 51%.
Awoodaha uu leeyahay hadda waxaa ka mid ah:
- Inuu toos u magacaabo madaxda dowladda, oo ay ku jiraan wasiirrada iyo madaxweyne ku xigeennada
- Inuu faragalin karo sharciga waddanka
- Inuu dalka kusoo rogi karo xaalad deg deg ah
Kordhinta awoodda madaxweynaha waxaa la socotay in isku shaandheyn badan lagu sameeyay maamulka hay'adaha dowladda.
Arrintaasi waxay timid kaddib markii afgambi dhicisoobay uu Turkiga ka dhacay sanadkii 2016-kii, kaasoo lagu sigay in xilka laga tuuro Erdogan.
Dad badan ayaa shaqada dowladda laga eryaya, kuwo kalena xabsiga ayaa loo taxaabay.

Xigashada Sawirka, AFP
Afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii wuxuu galaaftay nolosha ugu yaraan 240 ruux, sida ay saraakiisha dowladda Turkiga sheegeenna waxaa lagu dhawaaday in la dilo Mr Erdogan oo nasasho ku joogay goobta loo dalxiiska tago ee Marmaris.
Haddana sidaasoo ay tahay 12 saacadood ka dib wuxuu kusoo laabtay madaxtooyada isagoo billaabay sidii loola xisaabtami lahaa dadkii ka dambeeyay afgambiga fashilmay.
Wuxuu kasoo muuqday telefishinka Qaranka, wuxuuna isu soo baxyo taageerayaashiisa ugu sameeyay magaalada Istanbul, halkaasoo uu uga dhawaaqay inuu yahay "taliyaha guud ee milatariga".
Laakiin xanaaqa madaxweynaha waa la arkayay kaddib markii uu ku ooyay khudbad uu ka jeedinayay aaska nin saaxiib la ahaa oo lala dilay wiilkiisa.
Dadka dhaleeceeya Erdogan waxay ku eedeeyaan inuu yahay hoggaamiye gacan bir ah isticmaala, qof walba oo kasoo horjeestana aamusiiya.
Waxay tusaale ahaan usoo qaataan wiil 16 jir ah oo la xiray kaddib markii uu madaxweynaha aflagaadeeyay iyo haweeneyda ku guuleysatay tartanka quruxda Turkiga oo dhibaato la kulantay kaddib markii ay baraha bulshada ku shaacisay gabay ay ku dhaliileyso madaxweynaha Turkiga.
Aamusiinta dadka dhaliilsan

Xigashada Sawirka, AFP
Mr Erdogan wuxuu awoodda qaranka Turkiga la wareegay sanadkii 2003-dii, wuxuuna 11 sano ahaa Ra'iisul Wasaare ka hor inta uusan noqonin madaxweynihii ugu horreeyay ee laga doortay Turkiga bishii August ee sanadkii 2014-kii. Xilkaas wuxuu ujeedadiisu ahaa mid maqaar saar ah.
Tan iyo markii uu dhacay afgambigii fashilmay, in ka badan 50,000 oo ruux ayaa la xiray, waxaana ka mid ahaa askar badan, suxufiyiin, qareenno, saraakiil boolis ah, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Kurdiyiin ah.
Shaqada dowladda waxaa laga eryay qiyaastii 150,000 oo shaqaale ahaa, waxaana soo baxayay warar ku saabsan in xisbiga talada haya uu dad badan u gooddiyay.
Mr Erdogan wuxuu sheegay in afgambigaas uu soo abaabulay Fethullah Gulen, oo ah wadaad dibad joog ku ah waddanka Mareykanka, horayna xulafo ula ahaa Erdogan qudhiisa.
Ficillada ay sameeyaan maamulka Erdogan kuma eka oo kaliya xuduudaha Turkiga. Ilaaladiisa gaarka ah waxay wariyeyaal ku dhibaateeyeen gudaha waddanka Mareykanka. Q#oraa u dhashay waddanka Jarmalka ayaa dalkiisa lagu baaray kaddib markii lagu eedeeyay inuu telefishin ku aflagaadeeyay Mr Erdogan.
Sida uu awoodda ku qabsaday
Recep Tayyip Erdogan, oo dhashay bishii February ee sanadkii 1954-kii, waa wiilka nin ka mid ahaa ilaalada xeebaha, oo ka howlgali jiray xeebta uu Turkiga ku leeyahay Badda Madow.
Markii ay da'diisa gaartay 13 sano, aabihiis wuxuu go'aansaday inuu u guuro magaalada Istanbul, isagoo markaas rajeynayay in shantiisa carruurta ah ay yeeshaan mustaqbal fiican.
Isagoo dhalinyaro ah ayuu Erdogan iibin jiray liin bambeelmo iyo rooti si uu lacag dheeraad ah u helo.
Isbuul islaami ah ayuu wax ku bartay ka hor inta uusan cilmiga maamulka uga qalin jabinin jaamacadda Marmara ee magaalada Istanbul. Wuxuu sidoo kale ciyaari jiray kubadda cagta ee mushaarka lagu qaato.

Xigashada Sawirka, Reuters
Intii u dhaxeysay 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii - Wuxuu ku jiray ururrada Islaamiga ah, wuxuuna xubin ka ahaa xisbiga Necmettin Erbakan
1994-kii ilaa 1998-kii - Wuxuu ahaa Duqa magaalada Istanbul, ilaa markii ay milatariga awoodda xoog ku qabsadeen islamarkaana la mamnuucay xisbigiisa.
Sanadkii 1999 - wuxuu xabsi ku jiray muddo afar bilood ah kaddib markii uu meel fagaaro ah ka aqriyay gabay qarannimo doon ah oo beydadka ku jira uu ka mid ahaa: "Masaajidyada waa xeryaheenna milatari"
Bishii August ee sanadkii 2001 - Wuxuu aasaasay xisbiga AKP isagoo garab ka helaya Abdullah Gul oo markaas ay isbahaysanayeen
2002 ilaa 2003 - AKP wuxuu ku guuleystay aqlabiyadda doorashada baarlamaanka, Erdogan ayaana loo magacaabay Ra'iisul Wasaare
Bishii June 2013 - Wuxuu ciidamada amniga u adeegsaday mudaharaadeyaal isku dayayay inay beerta cagaaran ee Gezi Park ka hor istaagaan mashruuc dhisme ah oo ay dowladda ka sameyneysay
Bishii December 2013 - Fadeexad weyn oo musuqmaasuq ah ayaa kusoo baxday dowladdiisa - saddex wiil oo ay dhaleen wasiirro ayaa la xiray, Erdogan wuxuu arrintaas ku eedeeyay Gulen kooxdiisa
Bishii August 2014 - Wuxuu noqday madaxweyne kaddib markii ay Turkiga ka dhacday doorashadii ugu horreysay abid ee toos loogu dooranayo madaxweyne
Bishii July 2016 - Wuxuu ka badbaaday afgambi milatari oo looga sameeyay ciidanka dhexdooda
Bishii April 2017 - Wuxuu guul ka gaaray aftadi qaran oo uu ku kordhisanayay awoodaha madaxweynaha










