Maxay SnapChat lacag ugu soo rogtay adeegyada qaar

Snapchat

Xigashada Sawirka, Getty Images

Snapchat ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabi doonto lacag inay ku so rogto kaydinta sawirada iyo muqaalada, taas oo keentay in ay ka xumaadaan isticmaalayaasha oo samaystay kayd weyn (archive) ay ku jiraan muuqaallo wakhti hore ah.

App-ka caanka ah ee fariimaha ayaa u oggolaaday isticmaaleyaasha in ay kaydiyaan waxyaabihii hore ay u soo dhigeen ee xusuusta u leh tan iyo markii la soo bandhigay barnaamijkaas 2016.

Laakiin wuxuu yiri SnapChat dadka haysta in ka badan shan gigabytes (GB) oo macluumaad xusuus ah, waxay hadda u baahan doonaan inay bixiyaan lacag si macluumaadkaas ay u sii haystaan.

Shirkadda iska leh app-ka Snap ayaa diiday inay u sheegto BBC inta uu le'eg yahay baaxadda kaydinta ay heli karaan isticmaalayaasha UK, iyadoo sheegtay isbeddelka u noqon doono mid dunida si tartiib ah ugu baahi doona.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si adag uga falceliyay, iyaga oo ku eedeeyay shirkadda inay hunguri weyn tahay.

Snap waxa ay qiratay in aanay "marnaba sahlanayn in adeegga lacag la'aanta laga gudbo oo loo gudbo adeeg la gadanayo" - laakiin waxa ay soo jeedisay in "adeeggu u qalmo kharashka" isticmaalayaasha.

"Isbeddelladani waxay noo oggolaanayaan inaan sii wadno in dhaqaale la galiyo si xusuusta aan ugu wanaajinno dhammaan bulshada nagu xiran" ayay Snap ku tiri barta blog-ka markii lagu dhawaaqayey talaabadan.

Waxa ay sheegtay in ka badan hal tirilyan oo macluumaad kayd ah in ay kaydsasdeen isticmaalayaashu tan iyo markii la soo bandhigay barnaamijka ku dhawaad toban sano ka hor.

Barnaamijku wuxuu u oggolaanayaa isticmaaleyaasha inay kaydiyaan sawirrada iyo fiidiyowyada la wadaago 24ka saacadood ee ugu horreeya ama wax ka yar, iyadoo isticmaalayaasha lagu dhiirri galinayo inay mar kale post garayn karaan ama ay soo gelin karaan taariikh dambe.

Isticmaalayaasha leh in ka badan 5GB ee macluumaadka la keydiyay waxaa lagu soo wargelin doonaa inay ka dhigtaan qorshaha kaydinta 100GB, si waafaqsan isbeddellada hadda la samayn doono.

Heerarka kaydka ee la kordhiyay ayaa noqonaya kuwo ay heli karaan isticmaalayaasha iyaga oo bixinaya Snapchat+ iyo is-diiwaangelinta Premium Snapchat.

Shirkaddu waxay sheegtay inay siin doonto 12 bilood oo kayd ah oo ku meel gaar ah kuwa ka sarreeya xadka, isticmaalayaashuna waxay ku soo dejisan karaan waxyaabaha la keydiyay qalabkooda.

Af-hayeen u hadlay shirkadda ayaa u sheegay TechCrunch qorshaheeda kaydka 100GB ee bilowga ah uu qiimihiisu noqon doono $1.99 (£1.48) bishii.

Snapchat

Xigashada Sawirka, Getty Images

Isbeddel aan laga fursan karin

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Snap waxa ay ku sheegtay barta ay ku leedahay blog-ka in qorshaheeda kaydinta aanay saamayn doonin "inta badan dadka isticmaala, kuwaas oo ay sheegtay in ay haystaan wax ka yar 5GB.

Balse tillaabadan ayaa waxaa lagu dhaleeceeyay qaar ka mid ah baraha bulshada, iyadoo dadka isticmaalayaasha ah ay wadaageen fariimaha ka yimid SnapChat ee u sheegaya in ay lacag ku bixiyaan kaydinta sawirradooda iyo fiidiyowyadooda.

Qaar ayaa sheegaya inay si lacag la'aan ah u isticmaaleen kaydinta Snap, taasoo la micno ah inay si aad ah u haystaan in ka badan 5GB oo macluumaad ah oo lagu kaydiyay goobta, markaa hadda waxay wajahayaan lacago badan

Kuwo kale waxay sheegeen in lagu qasbo inay kala doortaan bixinta isdiiwaangelinta ama lumintooda macluumaadka, ayagoo u arka "caddaalad-darro" iyo "damac" dhinaca Snap.

Snap wuxuu sheegay bishii Abriil in Snapchat uu kor u dhaafay 900 milyan oo isticmaaleyaal firfircoon bishii - halka baraha ay xafiiltamaan sida Instagram iyo TikTok ay ku faanaan balaayiin siday u kala horreeyaan.

Drew Benvie, aasaasaha iyo madaxa fulinta ee la-talinta warbaahinta bulshada Battenhall, ayaa aaminsan in ugu dambeyntii dhammaan aaladaha warbaahinta bulshada ay lacag ka qaadi doonaan waxyaabaha lagu kaydsado.

"Waddada lagu bixinayo kharashka kaydinta baraha bulshada waa lama huraan" ayuu u sheegay BBC.