Muxuu yahay app-ka cusub ee Tiktok ku dhawaaqday, muxuuse kii hore kaga beddelan yahay?

Xigashada Sawirka, Reuters
TikTok ayaa la sheegay in ay qorsheynayso in ay sameyso app cusub oo loogu talagalay isticmaaleyaasha Mareykanka, ka hor inta aanay shirkadda qayb kamid ah laga iibin maalgeliyeyaasha Mareykanka, arrintaas oo ku saleysan go'aanka dowladda Mareykanka ee ah in la iibsado ama la xiro app-ka, sida ay werisay Reuters oo xogtan ka soo xigatay ilo aan la magacaabin.
Tani waxay imaaneysaa iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Jimcihii sheegay in uu bilaabi doono inuu Shiinaha kala hadlo Isniinta ama Talaadada heshiis suurtagal ah oo TikTok ku saabsan.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale shaacisay in la gaaray heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan iibka app-ka muuqaalada gaa-gaaban ee TikTok.
TikTok ayaa soo saartay qorshe ay app-ka cusub ku daah-fureyso dukaamada app-ka Mareykanka 5-ta Sebtembar, sida lagu sheegay warbixinta.
Bishii hore, Trump ayaa kordhiyay muddada kama dambaysta ah ee shirkadda ByteDance ee laga leeyahay Shiinaha loogu ogol yahay in ay ka iibsato hantida TikTok ee Mareykanka ilaa 17-ka Sebteembar.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in isticmaaleyaasha TikTok ugu dambeyn ay khasab ku noqon doonto inay soo dejistaan app-ka cusub si ay u sii wataan adeegga, inkasta oo app-ka hadda jira uu sii shaqeyn doono ilaa bisha Maarso ee sanadka dambe – hase yeeshee waqtigaas la qorsheeyay inuu is beddeli karo.
TikTok isla markiiba kama jawaabin codsi ay Reuters u dirtay si ay faallo uga bixiso arrintan, mana ay suurtagelin in Reuters si madax-bannaan u xaqiijiso warbixintaas.
Horraantii sanadkan ayaa waxaa socday qorshe lagu doonayay in lagu kala gooyo qaybta TikTok ee Mareykanka, lana abuuro shirkad cusub oo laga leeyahay Mareykanka, taas oo ay maamuli doonaan maalgeliyayaal Mareykan ah oo haysta inta badan saamiyada.
Hase yeeshee qorshahaas ayaa hakad galay ka dib markii Shiinaha uu muujiyay inuusan ansixin doonin, ka dib markii uu Trump ku dhawaaqay canshuuro culus oo la saaray badeecooyinka Shiinaha laga keeno.
Saraakiisha Maraykanka ayaa hore ugu eedeeyey shirkadda TikTok inay khatar ku tahay ammaanka qaranka ee Maraykanka.
Warbixin cusub oo horey loo shaacieyey ayaa lagu sheegay aaladda TikTok inuu halis ku yahay xogaha xasaasiga ee dalalka iyo shaqsiyaadka.

Xigashada Sawirka, X
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Horayna waddamo kale ayaa dalkooda uga mamnuucay isticmaalka aaladda ama barnaamijka TikTok ee uu Shiinaha leeyahay, ka dib marki ay ogaadeen iney xogaha shaqsiyaadka iyo tan dalalkaba u dhacdo.
Aaladda TikTok ayaa la sheegay ineysan TikTok u isticmaalin madadaalo oo keli ah balse ay jabsashada xogaha sirta u isticmaasho Beijing.
TikTok waxa uu noqoday mid ka mid ah barnaamijyada warbaahinta bulshada ee ugu caansan adduunka, in kasta oo ay jiraan walaacyo qoto dheer oo ay dalalka qaar ka qabaan xiriirka ay la leedahay dawladda Shiinaha.
Aaladan ayaa ah mid ka mida kuwa loogu isticmaalka badan yahay baraha bulshada, iyadoo la tilmaamo inay ku xiran yihiin ilaa 1.5 bilyan oo isticmaalayaal ah adduunka oo dhan.
Bulshooyinka sida weyn u isticmaala bartan waxaa ka mida Soomaalida oo siyaabo kala duwan u isticmaasha, kuwaas oo ay ka mid yihiin madadaalo iyo inay dhaqaale ka sameeyaan bartan.
Hase yeeshee dad badan oo arrimaha bulshada ku takhakhusay ayaa qaba in mararka qaar ay isticmaalayaasha adeegan ay ku dhacaan waxyaabo ka fog dhaqanka iyo anshaxaba.













