Mareykanka: Baaritaan sharciga socdaalka oo lagu sameeyay magaalooyinka ay Soomaalidu ku badan tahay iyo khiyaano lagu helay

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Adeegga Dhalashada iyo Socdaalka Mareykanka (USCIS), oo kaashanaya Hay'adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) iyo Xafiiska Dembi-baarista Federaalka (FBI), ayaa sameeyay hawlgalkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo lagu magacaabo Operation Twin Shield. Hawlgalkan oo lagu qabtay magaalada Minneapolis-St. Paul iyo nawaaxigeeda intii u dhaxeysay Sebteembar 19 ilaa 28, ayaa diiradda lagu saaray baaritaanada iyo ka-hortagga khiyaanooyinka la xidhiidha socdaalka.
Intii uu socday hawlgalkan, saraakiisha socdaalka waxay heleen kiisaska khiyaano looga shakisan yahay oo tiradoodu gaadhayso 275 qof.
Hawlgalku wuxuu diiradda saaray booqashooyin goobaha shaqada iyo xaqiijinta xogaha dadka codsanaya ama dalbanaya faa'iidooyinka socdaalka, kuwaas oo lagu aqoonsaday inay khataraha qaarkood buuxiyeen.
Hawlgalkani wuxuu waafaqsan yahay Amarka Madaxweynaha 14161, oo la xidhiidha ilaalinta Mareykanka laga sugo argagixisada shisheeye iyo khataraha kale ee amniga qaranka iyo badbaadada dadweynaha. Codsiyada la baaray waxaa ka mid ahaa kuwo la xiriira guur iyo qoys, oggolaanshaha shaqada, iyo codsiyo gaar ah oo la xiriira oggolaanshaha ku meelgaarka ah (parole).

Xigashada Sawirka, Getty Images
Operation Twin Shield wuxuu noqday guul weyn sida ay qortay waaxda Adeegga Dhalashada iyo Socdaalka Mareykanka.
Saraakiisha waaxdan ooo loosoo gaabiyo USCIS waxay diiradda saareen in ka badan 1,000 kiis oo lagu arkay calaamado khiyaano ama aan u qalmin sharci ahaan, waxay sameeyeen in ka badan 900 booqasho goobaha ah iyo wareysiyo fool ka fool ah, waxaana la xaqiijiyay in 275 kiis laga helay cadeymo khiyaano ah, jabinta sharciyada, ama khataro ku saabsan amniga dadweynaha ama qaranka taasoo ah 44% kiisaskii la wareystay.
USCIS waxay iskaashi dhow la yeelatay ICE iyo FBI, kuwaas oo gacan muhiim ah ka geystay hawlgalkan. Ilaa hadda, USCIS waxay soo saartay Ogeysiisyo Maxkamadeed (Notices to Appear – NTAs) ama waxay u gudbisay ICE 42 kiis, halka 4 qofna la xidhay.
USCIS waxay filaysaa in tirada kiisaska la xiro, la gudbiyo, ama la qaado tallaabo sharciyeed ay sii korodho marka baaritaannada maamulka la dhameystiro.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hawlgalku wuxuu soo bandhigay khiyaanooyin badan. Tusaale ahaan:
Qof ajnabi ah ayaa qirtay inuu shahaado dhimasho been ah ka soo qortay Kenya isagoo bixiyay $100, si uu u muujiyo in guurkii uu burburay hase yeeshee, xaaska uu sheegtay inay geeriyootay waa nooshahay, waxayna ku nooshahay Minneapolis, iyadoo ah hooyada 5 caruur ah uu isagu dhalay.
Kiis kale, qof ajnabi ah oo wiil u ah qof argagixiso ah ama looga shakisan yahay, wuxuu sidoo kale ku sugnaa dalka kadib markii uu ka dhacay waqtigii fiisaha, wuxuuna horey ugu lug lahaa khiyaano guur taasoo keentay in la diido codsiyo badan oo uu ka gudbiyay socdaalka.
Kiis kale, haweeney codsatay guur socdaal ah ayaa qiratay in guurkeedu yahay khiyaano saacado yar kadib markii ay ku dhaaratay in guurku yahay mid dhab ah xafiiska USCIS ee Minneapolis.
Kiis kale, qof ajnabi ah ayaa guur khiyaano ah kula kacay oday Mareykan ah, isagoo u geystay xadgudub iyo ka faa'iideysi.
Kuwaas waa dhowr tusaale oo ka mid ah khiyaanooyinka socdaalka ee ay USCIS la dagaallamaan maalin kasta. Sida ay sheegtay waaxdani, balse xisbiga dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa aad ugasoo horjeeda qorsheyaasha Trump ee lagu beegsanayo dadka soo galootiga ah.
Agaasimaha USCIS, Joseph B. Edlow, ayaa yidhi:
"USCIS waxay qaaday dagaal buuxa oo ka dhan ah khiyaanooyinka socdaalka. Waxaan si aan kala joogsi lahayn ula xisaabtami doonaa qof kasta oo isku daya inuu dhaawaco hufnaanta nidaamka socdaalka sharciyeed. Hawlgalkii Twin Shield wuxuu ahaa guul aad u weyn boqolaal dad ah oo khiyaano galay ayaa hadda laga qabanayaa tallaabo sharciyeed."
"Khiyaanada socdaalka waxay wiiqeysaa kalsoonida nidaamka socdaalka sharciyeed, waxayna dhib u geysaneysaa dadka u hoggaansan sharciga, iyadoo sidoo kale khatar ku ah amniga qaranka iyo bulshada. Dowlada Madaxweyne Trump, waxaan hubin doonaa inaan wax walba ogaano oo aan cidna ka tagin."
Operation Twin Shield waa markii ugu horreysay ee USCIS ay u hurto ilo iyo khayraad sidan u weyn hal gobol oo gaar ah. Si ka duwan xilligii maamulka Biden, saraakiisha USCIS hadda waxay haystaan awood buuxda oo ay ku baarayaan dadka ajnabiga ah sida uu sharcigu qabo, iyagoo raadinaya khiyaanooyinka socdaalka meel kasta oo ay ka dhacaan.













