Maraykanka iyo shiinaha oo heshiis ka gaadhaya TikTok

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mas'uuliyiin Maraykan ah iyo kuwa Shiine ah ayaa Isniintii sheegay in ay gaadheen heshiis hordhac ah oo uu Maraykanku kula wareegayo aalladda muuqaallada gaagaaban ee TikTok ee uu shiinuhu leeyahay. Warku waxa uu intaasi ku daray in uu jiri doono wicitaan dhinaca taleefanka ah oo Jimcaha ahdhex mari doona Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.
Wadahadallo socday bilo socday oo dhex marayay dalalka hoggaamiyaha dhaqaalaha caalamka ayaa ku saabsanaa heshiis suurtagal ah oo laga gaadho barta caanka ah ee TikTok oo ay adeegsadaan 170 milyan oo Maraykan ah.
Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli muddooyinkii la soo dhaafay ay dunida aybo badna ka dhaceen dagaal-ganacsiyeed ballaadhan oo gilgilay suuqyada caalamiga ah.
Kaddib kulan ka dhacay magaalada Madrid oo la qaatay masuuliyiin Shiine ah, Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Scott Bessent ayaa sheegay in ay soo dhammaatay muddadii ay bartan bulsho ee TikTok ay carqaladaynaysay dalka Maraykanka. Waxa se uu diiday in uu ka hadlo wuu diiday inuu ka hadlo waxyaabaha gaarka ah ee heshiiskaasi ku saabsan.
Bessent wuxuu sheegay in marka la shaaciyo shuruudaha ganacsiga ee heshiiskan, uu ilaalin doono dhinacyada dhaqanka ee TikTok ee gorgortanlayda Shiinaha ay danaynayaan.
"Waxay xiiseynayaan in App-kani uu sii ahaado mid leh qaabka Shiinahu u qaabeeyeen, kaas oo ay u maleynayaan inuu yahay mid fudud. Annagu dan kama lihin astaamaha Shiinaha. Waxaan daneyneynaa amniga qaranka," Bessent ayaa u sheegay weriyeyaasha dhammaadka laba maalmood oo wadahadallo ah.
Trump, markii la weydiiyay in Shiinahau uu shirkaddan saami ku yeelan doono, waxa uu wariyayaasha u sheegay "Ma aanan go'aansan taas laakiin waxay ila tahay aniga, waxaana la hadlayaa Madaxweyne Xi Jimcaha, si loo xaqiijiyo taas."
Waa markii labaad ee sanadkan oo labada dhinac ay sheegeen inay ku dhow yihiin heshiis TikTok. Ogeysiiskii hore ee Maarso ugu dambeyntii ma rumoobin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Heshiis kastaa waxa laga yaabaa in uu u baahdo oggolaanshaha Congress-ka, kaas oo meel mariyay sharci 2024-tii oo u baahan in baadhis dheeri ah lagu sameeyo maaddaama cabsi laga qabo in xogta TikTok ee Maraykanka ay heli karto dawladda Shiinahu. Arrinta walaaca laga qabo ayaa ah suurtagalnimada Beijing in ay basaasto Maraykanka ama ay sameeyaan hawlgallo saameyn leh iyada oo loo marayo appkaasi.
Maamulka madaxweyne Trump ayaa si isdaba joog ah u diiday in app-kaas la xidho. Trump waxa uu ku ammaanay bartan bulsho ee Shiinuuhu leeyahay in ay ka caawisay in uu ku guuleysto dib-u-doorashadii sannadkii la soo dhaafay. Bartiisa gaarka ahna waxa ku xidhan15 milyan oo qof. Aqalka Cad ayaa bishii hore bilaabay akoon rasmi ah oo TikTok ah.
"Heshiis ayaa sidoo kale laga gaadhay shirkadaha "qaar" oo dhalinyarada dalkeenna ay aad u doonayeen. Aad bay u farxi doonaan! Madaxweyne Xi ayaan la hadli doonaa Jimcaha. Xidhiidhku weli waa mid aad u xooggan!!!" Trump ayaa ku qoray bartiisa Truth Social.
Trump iyo Xi oo wada hadli doona

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump ayaa si isdaba joog ah u muujiyay xiisaha uu u qabo kulan uu la yeesho madaxweyne Xi, Shiinahuna waxa ay isku dayayaan in ay Trump ku soo dhoweeyaan Beijing shir-madaxeed halkaasi ka dhacaya. Bessent waxa uu sheegay in ay ku loo badinayo madaxdu ay ka hadlaan kulankooda xiga inta lagu guda jiro wicitaanka dhex mari dioona maalinta Jimcaha.
Ilwareed oo ka ag dhow wadaxaajoodka ayaa sheegtay in kooxda Maraykanku ay dhinaca Shiinaha u sheegtay in kulan kasta oo suurtagal ah aanu miiska saarnaan doonin haddii labada dhinac ay ku guuldareystaan in ay heshiis ka gaadhaan TikTok.
Wadahadaladu waxa ay dhaceen iyada oo Washington ay dalbanayso in xulafadeeda ay Shiinaha saaraan canshuur ka dhan ah alaabaha laga soo dhoofiyo Shiinaha, sabab la xidhiidha iibsiga saliidda Ruushka ee Shiinaha, taas oo Beijing ay Isniintii sheegtay in ay ahayd isku day carqaladayn ah. Bessent waxa uu sheegay in arrinta Ruushka si kooban looga hadlay.
Beijing ayaa si gaar ah ugu dhawaaqday Isniintii in baaritaan hordhac ah lagu sameeyay Nvidia (NVDA.O), oo laga helay in shirkadda chip-ka mobayllada la geliyo ee Maraykanka ay ku xadgudubtay sharciga. Bessent waxa uu sheegay in ku dhawaaqida Nvidia ay timid wakhti aan munaasib ahayn.
Baadhitaanka ayaa si weyn loogu arkaa in uu yahay tallaabo aargudasho ah oo looga soo horjeedo xannibaadaha Washington ee ku saabsan waaxda chip-ka ee Shiinaha.













