Boqorka Jordan: Ciidammada Caalamiga ah nabad kuma qasbi karaan Qaza

- Author, Fergal Keane
- Role, Special correspondent
Boqor Cabdalla-ha Urdun ayaa u sheegay BBC-da in dalalku ay diidi doonaan in lagu qasbo inay "ku dabbaqaan awood" nabadeynta Qaza haddii la geeyo halkaas iyada oo lagu saleynayo qorshaha xabbad-joojinta ee Trump.
Qorshaha nabadda ee 20-qodob ah ee uu soo bandhigay Madaxweyne Trump ee Mareykanka ayaa dhigaya in dalalka Carabta iyo saaxiibada caalamiga ah ay bixiyaan ciidamo xasillooni-dejin ah oo "tababari doona una taageeri doona ciidamada booliska Falastiiniyiinta ee si rasmi ah loo hubiyay ee Qaza, isla markaana la tashan doona Urdun iyo Masar oo waayo-aragnimo ballaadhan u leh arrintan." Hamas ayaa lagu wargeliyay inay hubka dhigto isla markaana ay ka tanaasusho xukunka dhulkaas.
"Waa maxay awoodda ama hawsha ciidamada amniga ee gudaha Qaza? Waxaan rajeynaynaa inay yihiin kuwo ilaalinaya nabadda, sababtoo ah haddii ay tahay kuwo ku qasbaya nabadda, cidna ma rabto inay taabato arrintaas," ayuu yidhi Boqor Cabdalla.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC Panorama, ayuu ku sheegay in Urdun iyo Masar ay diyaar u yihiin inay tababaraan ciidamada amniga ee Falastiiniyiinta.
"Ilaalinta nabaddu waxay la macno tahay inaad halkaas ku joogto si aad u taageerto booliska deegaanka ee Falastiiniyiinta — Urdun iyo Masarna diyaar bay u yihiin inay tiro badan tababaraan, balse taasi waxay u baahan tahay waqti. Haddii aan Qaza hub la dhex marayno annagoo roondo samaynayna, taasi ma aha xaalad uu dal kasta jeclaan lahaa inuu ku lug yeesho," ayuu raaciyay.
Hadallada Boqorka ayaa ka tarjumaya walaaca Mareykanka iyo dalal kale oo ka baqaya in lagu qasbo dagaal sii socda oo u dhexeeya Xamaas iyo Israa'iil, ama Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta.
Boqor Cabdalla ayaa sheegay inuusan marnaba u diri doonin ciidamo Urduniyaan ah gudaha Qaza, sababtoo ah dalkiisu in uu "si siyaasadeed aad ugu dhow yahay xaaladdaas." In ka badan kala badh shacabka Urdun ayaa asal ahaan Falastiini ah, waxaana dalkaasi tobannaan sano gudahood u soo qaxay 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ka soo cararay dagaalladii hore ee ay la galeen Israa'iil — tiradaasna waa tan ugu badan gobolka.
Markii la weydiiyay inuu aamminsan yahay in Xamaas ay dhab ahaantii ka tanaasuli doonto door kasta oo siyaasadeed oo ay ku leedahay Qaza, wuxuu ku jawaabay: "Ma aqaano shaqsiyan, balse kuwa si dhow ula shaqeeya — Qatar iyo Masar — aad bay ugu rajo weyn yihiin in ay ballanqaadkaas fulayaan."
"Haddii aanan xal loo helin dhibaatadan, haddii aanan u helin mustaqbal Israa'iil iyo Falastiiniyiintaba, iyo xiriir cusub oo ka dhexeeya dunida Carabta iyo Islaamka iyo Israa'iil — markaas halaag ayaa inagu iman doona," ayuu yidhi Boqorka.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadaallada dhexdhexaadinta ugu waaweyn ee intii uu socday dagaalkan ayaa waxaa hormuud u ahaa Qatar iyo Masar, iyagoo la shaqeynayay Mareykanka.
Urduniyintu waxay qayb ka ahaayeen dadaal caalami ah oo lagu doonayo in gargaar loo diro Qaza iyo in la daadgureeyo carruurta buka iyo kuwa dhaawacan. Boqorku wuxuu saddex jeer duulimaadyo ku tegay hawada Qaza, isagoo halkaas ka dajiyay sahay gargaar oo lagu tuuray baarshuuddo (parachute).
"Markii aan daawaday dhulka hoose, runtii waa niyad-jab iyo argagax," ayuu yidhi Boqorka. "Burburka qaybo ka mid ah Qaza aad buu iiga yaabiyay.
Anigu isha ayaan ku arkay, mana fahmayo sida aan — anaga oo ah beesha caalamka — u oggolaaneyno in arrin sidan u dhacdo."
Boqorka ayaa ka codsaday Madaxweyne Trump inuu taageero qorshaha lagu daadgureynayo 2,000 oo carruur ah oo Falastiini ah oo si daran u xanuunsanaya oo ku sugan Qaza. Intii lagu guda jiray kulan uu Boqorku la yeeshay Trump Aqalka Cad bishii Febraayo, Madaxweyne Trump wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay "mid aad u qurux badan."
Tan iyo markaas, 253 carruur ah ayaa loo daadgureeyay Urdun. Guud ahaan, in ka badan 5,000 qof ayaa caafimaad ahaan loo daadgureeyay, badankoodna waxaa loo qaaday Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Qatar. Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), in ka badan 15,000 qof oo reer Qaza ah ayaa weli sugaya in la daadgureeyo, oo ay ku jiraan ku dhowaad 3,000 oo carruur ah.
Si carruurta iyo dadka la socda looga saaro dhulka Qaza, waa inay maraan baadhitaan amni oo dhamaystiran oo ay sameeyaan Israa'iil iyo dalalka martida loo yahay. WHO ayaa habkan ku tilmaantay mid "si xanuun badan u gaabis ah."
Kooxda milateriga Israa'iil ee maamusha gargaarka Qaza — COGAT — ayaa ku adkaysanaysa inay "mudnaan weyn" siiso fududeynta gargaarka bani'aadamnimada ee Qaza, oo ay ku jirto daadgureynta bukaannada qaba "xaalado caafimaad oo adag." Waxay ku nuuxnuuxsadeen a in lagama maarmaan ay u tahay hubinta amniga dadka maraaya dhulka Israa'iil.

Wareysi ay siisay barnaamijka Panorama, Boqoradda Urdun Rania ayaa si adag u dhaleeceysay beesha caalamka, iyadoo sheegtay inay ku guuldarreysteen joojinta dagaalkaas muddo laba sano ah.
"Ma garanaysaa waxa ay la mid tahay inaad waalid ahaato labadii sano ee la soo dhaafay? Inaad daawato carruurtaada oo dhiban, gaajeysan, cabsi darteed u gariiraya, adiguna aadan waxba ka qaban karin, adigoo og in dunida oo dhan ay daawanayso oo aysan waxba qabanayn. Riyo xun oo noocaas ah waa riyada ugu xun ee waalid kasta, balse riyadaas waxay noqotay xaqiiq nololeed oo maalinle ah oo Falastiiniyiintu ku nool yihiin labadii sano ee la soo dhaafay."
Boqoradda, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ammaantay Madaxweyne Trump dadaalkiisa uu ugu jiro xabbad-joojinta u dhaxaysa Israa'iil iyo Xamaas. Waxay sheegtay in uu adeegsaday awoodda diblomaasiyadeed, milatari, iyo dhaqaale ee Mareykanka si uu cadaadis ugu saaro Israa'iil.
"Waa in la siiyo xaqiisa — Trump waa madaxweynihii ugu horreeyay muddo dheer oo dhab ahaantii cadaadis saaray Israa'iil. Hore, markay Israa'iil xadkeeda dhaafto, madaxweynaha Mareykanka wuxuu kaliya odhan jiray dhowr eray oo canaan ah ama digniin fudud ayuu siin jiray. Laakiin Madaxweyne Trump wuxuu dhab ahaantii ku guuleystay inuu ku qanciyo [Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin] Netanyahu inuu aqbalo xabbad-joojin. Waxaan rajeynayaa inuu sii wado ka qaybqaadashada geeddi-socodkan."

Israa'iil ayaa marar badan ku eedeysay Xamaas inay sii dheereyneyso dagaalka, iyadoo diidday in ay sii deyso maxaabiista Israa'iiliyiinta ah, waxayna ku sheegtay ururka — oo ay UK, Mareykanka iyo Midowga Yurub ku dareen liiska argagixisada — inuu shacabka Qaza u adeegsanayo gaashaa ahaan. Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamulaan Xamaas ee Qaza, in ka badan 68,000 qof ayaa lagu dilay tan iyo markii Israa'iil duullaanka ku qaaday Qaza.
Duullaanka Israa'iil wuxuu ka dhashay weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas, kaas oo lagu dilay in ka badan 1,200 qof, badankood Israa'iiliyiin rayid ah, halka 251 qofna loo kaxeeyay Qaza oo lagu haysto.
Tan iyo markaas, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa soo saartay amarro qabasho oo lagu eedeynayo dambiyo dagaal oo ka dhan ah Mr Netanyahu iyo wasiirkii difaaca hore Yoav Gallant, iyo sidoo kale taliyihii milateriga Xamaas, Maxamed Deif, inkastoo Xamaas ay markii dambe xaqiijisay in Deif lagu dilay duqeyn cirka ah.
Saxiixa heshiiska xabbad-joojinta ee Trump ayaa sidoo kale horseeday in la sii daayo 20 maxbuus oo Israa'iiliyiin ah oo nool oo laga soo qabtay Qaza, iyadoo dadaallo socda lagu doonayo in dib loogu helo meydadka kuwii dhintay. Israa'iil ayaa sii daysay 250 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dilal iyo weerarro dhimasho leh oo ka dhan ah Israa'iiliyiinta, iyo ku dhowaad 1,700 qof oo reer Qaza ah oo Israa'iil ku haysay xabsi iyadoo aan lagu soo oogin wax dacwad ah.
Markii la weydiiyay Boqorad Rania haddii ay rumaysan tahay in nabad waarta la gaari karo, waxay sheegtay in rajadaas aanay ahayn riyo aan dhab ahayn, balse ay tahay qaab iska-caabin ah.
"Runtii waxaan aaminsanahay in Falastiiniyiinta iyo Israa'iiliyiintu ay ku wada noolaan karaan si nabad ah," ayay tiri. "Hadda waxaa jira nacayb badan, cadho, murugo, iyo niyad jab u dhexeeya labada shacab taas oo ka dhigaysa mid adag inay iyagu keliya nabad dhistaan. Ma ahi qof riyoonaya, balse waxaan aaminsanahay in taageerada beesha caalamka ay tahay jidka kaliya ee suuragalka ah.
Labadii sano ee la soo dhaafay, rajadu marar badan waxay u muuqatay mid aan la taaban karin. Inaad doorato inaad rajayso ma sahlana… waa culays, waa murugo, balse waa jidka kaliya ee aanan ku khiyaanaynin Falastiiniyiinta, halgankooda, ama bini'aadantinimadeenna."
Warbixintan waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay Alice Doyard, Suha Kawar, David McIlveen, iyo Liam Connell.













