Dal Afrikaan ah oo musharraxiinta madaxtinnimada ku soo rogay $100,000

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka reer Guinea ayaa si lama filaan ah uga falceliyay ka dib markii lagu dhawaaqay in musharrixiinta madaxtinnimada ay ku qasban yihiin inay bixiyaan lacag dhigaal ah oo dhan 875 milyan oo faranka Guinea ah oo u dhiganta 100,000 oo giniga Ingiriiska ah si ay ugu tartamaan doorashada bisha December, taasoo la filayo in madaxda militariga ay xukunka ku wareejiyaan dadka rayidka ah.
Guinea waxa ay ku jirtay xukun milatari tan iyo markii Colonel Mamady Doumbouya uu xukunka kula wareegay afgambi sanadkii 2021-kii.
Doorashada ayaa ku socota dastuur cusub oo u oggolaanaya Doumbouya inuu u tartamo Madaxweyne, inkastoo uusan shaacin inuu ku guuleysan doono.
In kasta oo deebaajigii hore uu ahaa mid aad u sarreeya (800 milyan oo faran), falanqeeyeyaasha qaar ayaa rajaynayay in la dhimo si loogu dhiirrigeliyo dad badan inay u tartamaan doorashooyinkan taariikhiga ah.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
"Lacagtan waa mid aad u badan," ayuu yiri Kabinet Fofana oo ah falanqeeye siyaasadeed oo BBC-da la hadlay. "Go'aankani wuxuu xoojinayaa dhaleeceynta sii kordheysa ee loo jeedinayo jihada guud ee doorashooyinka."
Musharrixiinta hela in ka badan 5% codadka wareegga koowaad ee doorashada ayaa dib loogu celin doonaa dhigaalkooda.
Maamulka ayaa sheegay in lacagtan faraha badan ay lagama maarmaan tahay si loo xaqiijiyo in kaliya musharraxiin la aamini karo ay ka qeybgalaan doorashada.
Laakiin musharraxa madaxweynaha Faya Millimono ayaa sheegay in damiinashadu ay markii hore aad u hooseysay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Ilaa 2005, deebaajiga ma dhaafin 50 milyan [Guinean francs], waallidan waxay soo bilaabatay 2010, markii loo arkay inay lagama maarmaan tahay in la joojiyo musharraxiinta qaarkood, lacagta waxay ka baxday 50 milyan ilaa 400 milyan, maantana waxaan ka hadlaynaa 900 milyan.
Kharashaadka ka qaybgalka doorashada ayaa ah kuwa ugu sarreeya gobolka.
Sanadkii 2022-kii, guddiga doorashada Nigeria ayaa dejiyay canshuur dhan 100 milyan oo naira ($67,000 oo u dhiganta heerka hadda la joogo, taas oo ahayd in ka badan $200,000), taasoo keentay dhaleeceyn ballaaran.
Cameroon, deebaajigu waa $53,000 iyo Ivory Coast $90,000.
Hay'adda doorashada ayaa sidoo kale dejisay xadka kharashka ololaha doorashada oo dhan 40 bilyan oo faran Guinea ah ($4.6 milyan; £3.5 milyan) musharrax kasta.
Mid ka mid ah musharrixiinta ayaa aaminsan in caddadkaas "u soo diraan calaamad cad: kaliya kuwa hodanka ah ama kuwa horey uga faa'iidaystey kheyraadka gobolka ayaa si dhab ah u ordi kara."
Ilaa hadda, ku dhawaad konton musharrax oo ka kala socda xisbiyo siyaasadeed iyo 16 musharrax oo madax bannaan ayaa la ansixiyay.
Axsaabta mucaaradka ah ee Guinean People's Rally (RPG Arc-en-Ciel) oo uu hogaamiyo madaxweynihii hore Alpha Condé, iyo midowga ciidamada dimoqraadiga ee Guinea (UFDG) oo uu hoggaamiyo ra'iisul wasaarihii hore Cellou Dalein Diallo, ayaan ku jirin liiska ku meel gaarka ah, laakiin wali waxay heystaan waqti ay isku diiwaan geliyaan.

Xigashada Sawirka, EPA
Mid ka mid ah musharrixiinta ayaa aaminsan in lacagtan "ay si cad u gudbineyso calaamad ah: kaliya kuwa hodanka ah ama kuwa horey uga faa'iideystey kheyraadka gobolka ayaa si dhab ah u geli kara tartanka."
Ilaa hadda, ku dhowaad konton musharax oo ka kala socda xisbiyo siyaasadeed iyo 16 musharrax oo madax bannaan ayaa la ansixiyay.
Axsaabta mucaaradka ah ee Guinean People's Rally (RPG Arc-en-Ciel) oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Alpha Condé, iyo Midowga ciidamada dimoqraadiga ee Guinea (UFDG) oo uu hoggaamiyo ra'iisul wasaarihii hore Cellou Dalein Diallo, ayaan ku jirin liiska ku meel gaarka ah, laakiin wali waxay heystaan waqti ay isku diiwaan geliyaan.
Guinea waxa ay ku socotaa doorasho uusan ka qeyb galeyn Condé, kaas oo ay xilka ka tuureen Doumbouya, Diallo, ama Ra'iisul Wasaarihii hore ee Sidya Touré ee Midowga Ciidamada Jamhuuriga (UFR).
Saddexdan hoggaamiye ayaa hadda ku nool dalka dibaddiisa.













