"Waa wax wadnaha ku culus " Israa'iiliyiin kormeeray khasaare ka dhashay magaalo uu ku dhacay gantaal ka yimi Iran

xiisadda Iran iyo Israel

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Markii siiriga codka qaylo-dhaanta bixiya ka yeeray ay guud ahaan Israa'iil saqdii dhexe ee Sabtidii, Ifat Benhaim iyo qoyskeeda waxay u carareen dhanka dhulka hoose ee gurigooda.

"Waan xirnay albaabka, markaasna si lama filaan ah ayuu jug weyn u dhacay," ayay tiri. "Waxaan moodayay in gurigii oo dhan nagu dumay."

Markii ay daqiiqado yar kadib soo baxeen, waxay arkeen daaqadihii oo jajaban, bus iyo burbur daadsan qolka hore.

Jidka xaafadooda Rishon LeZion, dhanka koonfuteed ee Tel Aviv, guryo badan ayaa saqafyadu dumeen, muraayado ayaa wadadda daadsanaa, ugu yaraan ilaa soddon gaarai ayaa six un u waxyeelloobay, muraayadaha daaqadaha ayaa jajabay oo si xun u dalooshamay.

Gantaallada iran ayaa ku dhacay abaaro 05:00 waqtiga maxaliga.

Israa'iiliyiin ka hadlay burburka dhismayaash agaadhay

Waa mowjadihii lixaad weeraro habeenimo oo Iran ay qaaday iyagoo ka jawaabaya duqaymaha waaweyn ee Israa'iil ay ku hayso Iran – kuwaas oo malaayiin qof u diray inay gabaad galaan.

Labo qof ayaa ku geeriyooday Rishon LeZion, warbaahinta Israa'iil ayaa mid ku sheegtay in da'diisu ahayd 73 sano jir lagu magacaabo Israel Aloni, ugu yaraana 19 kale ayaa dhaawacmay.

Ambalaasyada iyo kooxaha gurmadka ayaa yimid wax yar kadib markii gantaalku ku dhacay aagaas . Eeyaha wax uriya ayaa la adeegsaday si loo baaro shubka iyo biraha jajabay, si loo hubiyo in aanay walxo qarxa oo aan wali qarxin ku jiran.

Hadda, Ifat, saygeeda Zion, iyo lix ehelkooda oo dhallinyaro ah ayaa bilaabay inay uruuriyaan wixii ay ka badbaadsan karaan guriga ay ku noolaayeen 29 sano — iyagoo isku dayaya inay go'aansadaan halka ay ku hoyan doonaan maalmaha soo socda.

Mid ka mid ah dariskooda oo diiday in magaciisa la sheego, ayaa sheegtay inay dooratay inay la joogto gabadheeda habeenkaas – waaba haddii ay dhacdo. Waxaa laga yaabaa inay taasi badbaadisay nolosheeda.

 Sally Ilan,
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qof kale deegaanka ah, oSally Ilan, o 48 sanno jir ah waxay gacmaha ku sidataa maacuun ka badbaaday burburka gaaray guriga waalidkeed.

"Waa gurigii ugu horreeyay ee xaafadda laga dhiso," ayay tiri iyadoo gadaasheeda tilmaameysa. "Aabbahay aad buu u jeclaa inuu dhiso."

"Afaratan sano oo xusuus ah ayaa luntay... Waa qalbi xanuun."

Guud ahaan, saddex qof ayaa lagu dilay weerarradii habeenkii oo dhan ee dalka ka dhacay — laba ayaa ku geeriyooday Rishon LeZion, midna magaalada deriska la ah ee Ramat Gan. Qiyaastii 76 qof ayaa ku dhaawacmay.

Laakiin burburka xitaa meelaha ugu daran ee la weeraray waa mid kooban marka loo eego wixii laga arkay Iiraan.

"Hawlgalka Libaaxa toosay" ee Israa'iil wuxuu bilaabmay horaantii Jimcaha iyadoo la dilay saraakiil sare oo milateri iyo saynisyahanno nukliyeer oo Iiraani ah. Tan iyo markaas, hawlgalka ayaa ballaartay, isagoo weeraray xarumaha nukliyeerka Iiraan, goobaha gantaalaha, difaacyada cirka, saldhigyada milateri, garoon diyaaradeed, iyo kaabayaal kale.

Wakiilka Iiraan ee Qaramada Midoobay ayaa habeenimadii Jimcaha sheegay in 78 qof ay ku dhinteen weeraradaas. Sabtidii, sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka Iiraan ayaa sheegay in ku dhawaad 800 qof ay dhaawacmeen.

Telefishanka dowladda Iiraan ayaa sheegay in 60 qof oo ay ku jiraan 20 carruur ah lagu dilay duqeyn Israa'iil ka geysatay dhismo dabaqyo ah oo caasimadda Tehran ku yaalla.

Magaalada Rishon LeZion, meel an ka fogayn guryaha ugu daran ee burburka soo gaaray, qof ayaa ku qoray su'aal muraayad gaari oo boor qariyey "Illaa goorma?"

Xiisada ayaa hadda socota wax ka badan 48 saacadood, laakiin waa su'aasha ay hadda adduunka intiisa badan is weydiinayaan.