Shan qodob ka ogoow doorsahada saaka ka dhacaysa Muqdisho

Doorashada

Magaalada Muqdisho saaka waxaa ka bilowday doorasho qof iyo cod ah taas oo lagu dooranayo golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Hadaba shantaan qodob ka ogoow doorashada:

Yaa ku tartamaya doorashada?

Doorashadan waxa u tartamaya 20 urur-siyaasadeed oo ay u sharraxan yihiin 1,600 oo musharrax. Waxay ku tartamayaan 390 kursi oo yaalla degmooyinka gobolka Banaadir. Waxaana loo kala qaybiyay A oo ka kooban 27 xubnood iyo B oo ka kooban 21 xubnood.

Ururrada siyaasadda ee tratankan qaybta ka ah ayaa waxa ka mid ah xsibiga madaxweynaha talada haya JSP iyo axsaab kale oo ay k amid yihiin Ramaas, Towfiiq, Saab, SINCAD, Dadka Spp,aaliyeed oup qaar kale.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in tirada ilaa hadda qaadatay kaararka codeynta ay sii kordheyso lana filayo in ay gaarto ilaa 480-kun.

"Ilaa iyo hadda waxaan bixinay ku dhawaad 480-kun, hadda waxaan mareynaa 430-kun, maalinkii dhowr iyo labaatan kun dad ka badan ayaa qaata, tirada kor ayey u socotaa" ayuu yiri guddoomiyaha oo intaas ku daray in ay si rasmi ay u sheegi doonaan maalinta talaadada tirada qaadatay kaararka.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in ay tababareen dad gaaraya shan kun iyo labo boqol oo qof oo ka shaqeyn doona goobaha cod bixinta oo kor u dhaafaya illaa shan boqol oo goobood.

Doorka haweenka ee doorasahda

Xamdi Daahir Siyaad

Xigashada Sawirka, Xamdi Daahir Siyaad

Dhinaca kale musharrixiinta tartamaysa waxa qayb ka ah haweenka oo iyaguna doorashadan ku tartamaya. Haweenkaasi waxa ka mid ah u tartamaya golayaasha deegaanka waxaa ka mid ah Xamdi Daahir Siyaad.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xamdi oo muddooyinkii dambe Muqdisho ka waday ololaha ay ku dooneyso inay ku hesho codka dadweyna ayaa sheegtay in ay kalsooni ku qabto in la dooran doono, baqdin bandanna aysan ka qabin in bulshadu ay fahmi waayaan muhiimadda ay leedahay in gabdhuhu ka qeyb-galaan siyaasadda deegaanka.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in sharciga doorashooyinka ee Soomaaliya uu dhigayo in ururrada/xisbiyadu marka ay soo gudbinayaan liisaska musharrixiinta ay u hoggaansamaan qoonda haweenka oo ah ugu yaraan 30%, si loo dhiirrigeliyo ka qaybgalka dumarka ee siyaasadda.

xilli ka hor doorashadaba aan la helin tiro badan waxa ay Caasho Cumar Geesdiir oo ah oo ka shaqeysa arrimaha haweenka iyo xuquuqda adanaha ku sheegtay rajo xumo muujineysa haweenka soo bixi kara ay noqon doonaan lambar yar.

"Doorasho xor ah oo qof iyo cod ah tii hore kadib ayaa hadda la sameynaa,dhibaatada jirta dadka waxa ay ku wareersan yihiin in xisbi la dooranaayo iyo in qof la dooranaayo, horta wacyi gelin ayaa meesha ka maqneed, hadda natiijada la helayna marka ay dumar noqoto, runtii aad iyo aad waxa u dareemaa inuu u yarhay, dhibaatadana waxa ay tahay dumar ahaan aad ayan siyaasadda uga dib dhacsannahay", ayey tiri Caasho Geesdiir.

Amniga oo la adkeeyay

Dhinaca kale waxa aad loo adkeeyay amniga caasiamdda magaalada Muqdisho oo marar badan ay ka dhacaan falal lid ku ah nabadgalyada. Dawlddu waxa ay sheegtay in doorasahdan ay ka qayb qaadayanyaan 10,000 oo askari oo ka tirsan ciidammada booliska oo sugaya ammaanka gudaha magaalada iyo bannaankeeda.

Mucaaradka oo qaadacay doorashada

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Mucaaradka Soomaaliaya ayaa tan iyo bilowgii si weyn uga soo horjeeday doorasahda qof iyo codka ah ee hadda ka socota magaalada Muqdisho.

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland waxaa dhawaan lagu soo gunaanaday shir muddo saddex maalmood ah halkaas uga socday mucaaradka oo ka koobnaa xubnaha Madasha Samatabixinta iyo maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo markii dembe la baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Shirka oo dhinacyadu ay doodo iyo kulamo adag yeesheen ayey soo saareen war-murtiyeed ka kooban 13 qodob oo soo jeedin, baaq iyo digniinno isugu jiray.

Qodobbada ugu waaweyn oo kala ahaa kan 3-aad, 4-aad, 5-aad, 6-aad iyo 7-aad ayaa looga hadlay xaaladda dalka, doorashooyinka soo socda iyo diginin loo diray dowladda.

Sidoo kale waxaa jirtay dood ay qabeen siyaasiyiinta qaarkood oo ku aadan in xaaladda dalku ku sugan yahay aan laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah iyada oo xiriirka ka dhaxeeya maamulada qaar sida Puntland iyo Jubbaland iyo dowladda Federaalka aanu wanaagsaneyn.

Goorta lagu dhawaaqi doono natiijada

Gudiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyay waqtiga iyo nidaamka lagu shaacinayo natiijada doorashooyinka golaha deegaanka ee ka socda gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha guddiga Cabdikariin Axmed ayaa waraysi uu siiyay BBC da arrintaa ku faahfaahinaya.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo waraysi siiyay BBC-da ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dxilliga la filayo in lagu dhawaaqo natiijada doorashada.

"Sharcigu waxa uu dhigayaa in lixda suabaxnimo ay furmaan goobaha codbixinta. Waxaana ay xidhmi doonaan lixda fiidnimo. Intaas kaddib waxa keliya ee loo adeegi doonaa inta safka ku jirta xilligaas. Bisha January saddexdeed ayaa lagu dhawaaqi doonaa natiijada doorasahda. 17-ka bisha January ayayna maxakmaddu go'aankeeda doorasahda ku dhawaaqi doontaa," ayaa uu yidhi.