Maxay tahay sababta dhaqaalaha Afrika uu u kobcayo balse saboolnimadu aanay u yaraanayn?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Labadii tobnaad ee sano ee la soo dhaafay, Afrika waxay noqotay mid ka mid ah gobollada dunida ugu badan kobaca dhaqaalaha , iyadoo celceliska kororka wax-soo-saarka guud uu gaadhay boqolkiiba 3.5 ilaa 4.5 sannadkii. Iyadoo hadda la galayo sannadka 2026, rajada kobaca ayaa weli ah mid wanaagsan.
Warbixin uu Baanka Adduunku soo saaray 2024 ayaa muujinaysa in waddamada Afrika ee ka hooseysa Saxaraha uu kobocoodu boqolkiiba 3.8 sannadkaas, waxaana la filayaa in kobocu gaaro inta u dhexeysa boqolkiiba 4.1 ilaa 4.3 muddada 2026–2027. Hase yeeshee, tirooyinkan guud ee dhaqaale ma muujinayaan xaqiiqada nolosha dadka badankood.
In ka badan 460 milyan oo Afrikaan ah ayaa weli ku nool saboolnimo aad u daran, iyagoo ku nool dakhli aan ka badnayn 2.15 doolar maalintii—taas oo ka badan tiradii jirtay 15 sano ka hor, inkastoo uu jiray koboc dhaqaale.
Xitaa dalalka lagu tilmaamo kuwa waxqabadkoodu wanaagsan yahay, sida Tansaaniya, Rwanda iyo Itoobiya, kobocu waxa uu inta badan ka muuqdaa kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada gaadiidka, maalgelinta magaalooyinka iyo ballaarinta waaxda maaliyadda.
Laakiin qoysaska saboolka ah, qiimaha nolosha oo kacaya, sicir-barar, mushaharka oo hooseeya iyo shaqooyin aan xasilloonayn ayaa dhibaatooyin keena.
Kororka tirada dadka iyo qiimaha nolosha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caqabadda ugu horreysa ayaa ah in koboca dhaqaale ee Afrika aanu dhalin shaqooyin macno leh. Baanka Adduunku wuxuu muujinayaa in koboc kasta oo boqolkiiba hal ah oo ku yimaadda wax-soo-saarka guud ee Afrika, saboolnimadu ay hoos u dhacdo celcelis ahaan boqolkiiba hal, halka celceliska caalamka uu ka badan yahay boqolkiiba 2.5.
Tani waxay tilmaamaysaa in dhaqaalaha qaaradda inta badan uu ku tiirsan yahay waaxyo aan shaqooyin badan abuureyn, sida qodista macdanta, hawlaha dawladda, ama macaamillada waaweyn ee maaliyadeed.
Dhanka kale, waaxyaha shaqaalaha ugu badan qaata—sida beeraha—ayaa weli leh wax-soo-saar hoose, tiknoolajiyad casri ahna ma haystaan, sidoo kalena ma leh qiime-darin sare oo dakhli u keenta beeralayda. Inkasta oo beeruhu ay bixiyaan in ka badan boqolkiiba 55 shaqooyinka Afrika, haddana waxay ku biiriyaan wax ka yar boqolkiiba 20 wax-soo-saarka guud ee dalal badan.
Deymo culus iyo ku-tiirsanaanta lacagaha qalaad

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Caqabad kale ayaa ah in dalal badan oo Afrikaan ah ay si weyn ugu tiirsan yihiin lacagaha ka imanaya dibadda, halkii ay ka horumarin lahaayeen wax-soo-saarka gudaha. Tirakoobyada Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ee 2025 ayaa muujinaya in in ka badan 20 dal oo qaaradda ka mid ah ay ku sugan yihiin khatar ah in ay gebi ahaanba musalafaan ama ay durba wajahayaan culays dhinaca daymaha oo aad u daran.
Dalalka qaar, in ka badan boqolkiiba 40 dakhliga dawladdu wuxuu ku baxaa bixinta lacagaha dulsaarka ah iyo soo celinta deymaha, halkii lagu maalgelin lahaa adeegyada bulshada ama wax-soo-saarka gudaha. Tusaale ahaan, Ghana waxay sannadkii 2024-kii ku bixisay in ka badan boqolkiiba 50 dakhligeeda gudaha bixinta deymaha, taasi oo ku qasabtay in la sameeyo dib-u-habayn dhaqaale oo ballaaran.
Bariga Afrika, dalal badan oo ay ka mid yihiin Tansaaniya, Kenya iyo Uganda, ayaa si weyn ugu tiirsan gargaar ama lacago amaah ah oo shuruudo fudud leh si ay u badhitaaraan miisaaniyadahooda. Sannad-miisaaniyadeedkii 2024/25, Tansaaniya waxay ku tiirsaneyd lacagaha dibadda ku dhowaad rubuc ka mid ah miisaaniyaddeeda.
Sinnaanta dakhliga iyo maamulka lacagaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sababta ugu dambeysa ee sii xoojisa dhibaatada ayaa ah maamul-xumada iyo sida kheyraadka loo qeybsado. Warbixinno uu Baanka Horumarinta Afrika soo saaray ayaa muujinaya in in ka badan boqolkiiba 65 hantida qaaradda laga sameeyo ay gacanta u gasho boqolkiiba 10 dadka ugu hodansan.
Tani waxay ka dhigan tahay in xitaa marka dhaqaaluhu kobco, qaybsiga hantida aan loo sinnayn. La'aanta nidaamyo canshuureed oo adag, ku-tagrifalka dakhliga, musuqmaasuqa, iyo eexda siyaasadeed ayaa sabab u noqda in lacagaha la helo aanay faa'iido u noqon inta badan bulshada.
Intaa waxaa dheer, siyaasado badan oo dhaqaale oo Afrika laga hirgeliyo waxay ku dhisan yihiin qorshayaal waqti gaaban ah, halkii laga hirgelin lahaa istaraatiijiyad wax-soo-saar oo gudaha ah oo socota 20 sano ama ka badan.
Way adagtahay in saboolnimada la yareeyo iyada oo aan la helin dhaqaale warshadaysan, hannan waxtar leh oo dhanka beeraha ah, waxbarasho xirfadeed oo dhalinyarada lagu diyaariyo, iyo nidaamyo bulsho oo ilaaliya dadka saboolka ah.
Xitaa marka dowladuhu diyaariyaan qorshayaal wanaagsan, fulintooda waxaa inta badan caqabad ku noqda isbeddellada siyaasadeed, ribada deymaha, ama yaraanta kheyraadka.
Si kale haddii loo dhigo: dhaqaaluhu wuu koraa dusha sare, balse wuu simbiriiraxdaa













