Maxay ka dhignayd macsalaamayntii Maxamed Saalax ee taageerayaasha Liverpool iyadoo wali su'aalo dul hoganayaan

Salaax

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mohamed Salah ayaa sameeyey wax kasta waqtigii ciyaarta kadib guushii 2–0 ee Liverpool ka gaartay Brighton kulan ka tirsanaa Premier League, isagoo sacab u tumayay dhammaan afarta dhinac ee garoonka Anfield, iyadoo taageerayaasha Liverpool ay qaadayeen heesta caanka ay ee "Boqorka Masar".

Markii uu gaaray marinka ciyaartoydu ka baxaan , wuxuu ahaa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee garoonka jooga, wuxuuna sameeyay gacan-haadis yar oo uu u diray goob ay fadhiyeen qoyskiisu.

Macsalaamayn miyey ahayd mise mid ku ekeyd waqtiga xalay bes?

Salah wuxuu maalmaha soo socda ku biiri doonaa xulka Masar ee Qaahira, iyagoo isu diyaarinaya Koobka Qaramada Afrika (AFCON) — balse fariinta ka dambeysay shirkii jaraa'id ee tababare Arne Slot kadib ciyaarta waxay ahayd mid cad.

"Ma jiro wax dhibaato ah oo aan xallinayo," ayuu yiri Slot. "Aniga ahaan, hadda wuxuu la mid yahay ciyaaryahan kasta oo kale. Ma jiro wax aan ka hadlo wixii dhacay kadib kulankii Leeds."

Hadalkiisii xanafta lahaa ee Elland Road Sabtidii hore — halkaas oo uu ku sheegay in kooxda ay "baska hoostiisa ku tuurtay" isla markaana uusan wax xiriir ah la lahayn tababarahiisa u dhashay Netherlands — Salah wuxuu sheegay in kulankan Brighton uu si weyn u noqon karo mid uu ku macasalaameeyo.

Kadib markii laga reebay liiska ciyaartoyda kulankii Champions League ee toddobaadka ay Liverpool kaga adkaatay Inter Milan, Salah wuxuu kursiga keydka ku soo bilaamay ciyaartii Birgton, isagoo beddelay Joe Gomez oo dhaawacmay daqiiqaddii 26aad.

Hadda, filashada guud waxay tahay in ciyaaryahanka 33-jirka ah uu bisha soo socota dib ugu soo laaban doono Liverpool kadib marka uu dhammeeyo waajibaadka xulka qaranka.

Sida uu qabo Maxamed Axmed Deysane oo ah fallanqeeye arrimaha ciyaaraha ah ayaa qaba inuu isagoo sacabtumaya uu taageerayaasha afarta dhinac ee garoonka uu u jeensaday ay u muuqato mid tagaya

"markii uu gacanta u taagayey tagerasha Liverpool waxaan u maleynaya in uu macsalamiinayey uusan ku soo noqonaynin Liverpool.hoos u dhaca ku yimid Mohamed Salah waxey tahay qaabka uu layimid tabaraha cusub ee Liverpool iyo ciyaartow badan oo weerar ah ayuu keynsaday" ayuu yiri Deysane.

Wadahadallo ayaa weli la qorsheynayaa inay dhex maraan labada dhinac inta Salah maqanyahay, balse toddobaad kadib wareysigii qiiro leh ee Leeds, wuxuu Salah ku jiray farxad buuxda aagga saxaafadda ee Anfield, isagoo dhex marayay wariyeyaasha lana weydiiyay inuu wareysi bixiyo.

"Laba toddobaad oo isku xiga miyaa? Maya, maya," ayuu Salah ku kaftamay.

Haddaba maxaa keenay hoos u dhaca Salah?

Deysane

Xigashada Sawirka, Deysane

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maxamed Salax iyo Liverpoolba ma ahayn sanad ciyaareed u wanaagsan marka la eego guuldarooyin ay la kulmeen iyadoo Salah ay ka muuqatay inuu la dhibaatoonayo inuu shabaqa gaaro iyo caawintii looga bartayba.

Maxaa haddaba dhaliyey hoos u dhaca Salah, falanqeeye Maxamed Axmed Deysane, wuxuu qabaa in sababta ugu weyn ay tahay isbaddelka qaab ciyaareed ee uu la yimid tababaraha Liverpool.

Si lamid ah Deysane fallanqeeyaha kale ee ciyaaraha Maxamed Cumar Baakaay, ayaa qaba in la tahay in la joogo waqtigii Salah macsalaamayn lahaa Liverpool.

"Runtii Moh SALAX waaa Laacib magac weyn usoo jiiday dalalka Afrikanka

Iyo Carabtaba Dhamantod, Waa sax In la joogo waqtigii uu ka tagi lahaa kooxda iyo UK.

Kubada Cagta Ma Laha, LAACIB SANAD KASTA GAROMADA KA MUUQDA EE Waa HAADBA HAAD KICI" ayuu yiri Baakaay.

Ma jirin dadaal uu Salah sameeyay si uu mar kale hadal u jeediyo ama si fagaare ah raalli-gelin u bixiyo, balse Slot wuxuu si cad u yiri "haa" markii la weydiiyay inuu doonayo weeraryahanka inuu kusoo laabto kooxda kadib Koobka Qaramada Afrika. Fahamka guudna wuxuu yahay in kulankoodii Jimcaha uu ahaa mid wanaagsan.

Markii la weydiiyay haddii Salah doonayo inuu sii joogo, tababaraha Reds ayaa ku daray:

"Taasi waxaan filayaa inaad horeyba u taqaan jawaabteeda. Wixii naga dhexeeyay annaga ayay naga dhex ahaanayaan. Wuxuu ku jiray liiska ciyaartoyda, wuxuuna ahaa beddelkaygii ugu horreeyay."

Markii shanaad oo xiriir ah, Salah kuma jirin safka bilowga. Hase yeeshee, markii daafaca Gomez uu dhaawacmay, Slot wuxuu u jeestay kursiga keydka, wuxuuna garoonka soo geliyay ninka 250 gool u dhaliyay Liverpool siddeedii sano ee uu kooxda joogay.

Salah ma uusan kordhin tiradiisa goolasha kulankaas, balse wuxuu caawin (assist) ka sameeyay goolkii labaad ee Hugo Ekitike daqiiqaddii 60aad.

Falanqeeyayaasha kubada cagta ayaa in badan qaba in Salax u muuqdo mid galay waayihii ka biixtaanka horyaallada Yurub, haddaba halkee laga yaaba inuu aadi karo Salah hadduu ka tagao Liverpool.

Maxamed Axmed Deysane, wuxuu qabaa in laga yaabo inuu u dhaqaaqi doono horyaaalka Sacuudiga waa haddii uu ka tago Livaerpool.

Salah ayaa kaalin sare ku lahaa koobab badan oo kooxda Liverpool ku guulaysatay muddadii uu joogay.