Tobanka dal ee lagu leeyahay deynta ugu badan qaaradda Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caqabada ugu weyn ee haysata dalal badan oo Afrikan ah waa deynta guud. Hoggaamiyayaasha qaaradda ayaa taas u raadinaya xal-waara oo wax logoa qabto dhibaatada sida xowliga ah ku socota.
Bishii May sanadkii hore ee 2024, Midowga Afrika ayaa ku qabtay magaalada Lome ee dalka Togo, shirkii ugu horreeyay abid ee ku saabsan deynta lagu leeyahay qaarada, halkaas oo laga sheegay in dalal ka badan 20 waddan oo Afrikaan ah ay halis ugu jiraan qalalaase la xiriira deynta lagu leeyahay.
Sida uu sheegay Clever Gatete oo ka tirsan guddiga dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (ECA), deynta lagu leeyahay Afrika ayaa gaartay qiyaastii $1.86 tirilyan sanadkii la soo dhaafay ee 2024, taas oo ah in ay korortay wax ka yar toban sano hal tirilyan oo doolar.
Intii u dhexeysay 2015 iyo 2024, saamiga deynta iyo wax-soo-saarka guud ee Afrika ayaa ka kacay 44.4% oo gaaray 66.7%, sida ay sheegtay hay'ada lacagta adduunka ee IMF.
Xogta ku saabsan kororka deynta ee Oktoobar 2025 waxay muujinaysaa in dalalka ugu kororka badan ay kala yihiin Sudan oo korortay 272%, Senegal waxay korortay 128%, Zambia waxay korortay 115% iyo Cape Verde waxay deyntoodu korortay 111%.
25 khabiir oo madaxbannaan kuwaas oo Koonfur Afrika ay magacawday ayaa ku taliyay in si wadajir ah loo dhimo deynta, lana kordhiyo maalgashiga si loo xoojiyo horumarka qaaradda.
Dalalka Afrika ee lagu leeyahay deynta ugu badan

Xigashada Sawirka, Reuters
Dalalka Afrika ee lagu leeyahay deynta ugu badan marka la fiiryo wax-soosaarkooda gudaha GDP waxaa ka mid ah.
Sudan – 253%
Suudaan, oo dagaal sokeeye uu ka jiro dalkeeda, ayaa ku jirta xaalad dhaqaale oo aad u adag. Deynta lagu leeyahay dalka ayaa gaartay 253%, inta badanna waa deyn ay ku leeyihiin dalalka Khaliijka iyo xubnaha Paris Club.
2. Senegal – 119%
Senegal waxaa lagu leeyahay deyn ku dhow $ 47.2 bilyan, taas oo u dhiganta 119% GDP. Warbixinta ayaa lagu sheegay in deynta ay ku leeyihiin dalka hay'ado kala duwan, taasoo ka dhigaysa in dalka uu ku jiro kaalinta labaad dalalka deynta lagu leeyahay ee qaaradda.
3. Zambia – 115%
Dhammaadka sanadkii hore ee 2024, deymaha Zambia lagu leeyahay waxay ahaayeen $21.4 bilyan sida ay sheegtay IMF, waxaa la filayay in ay hoos u dhacdo oo gaarto 91.1% GDP sannadkan 2025, Balse weli waxa uu dalka ka mid yahay kuwa deynta ugu badan lagu leeyahay.
4. Cape Verde – 109.4%
Inkasta oo deynta lagu leeyahay Cape Verde ay hoos uga dhacday oo ay gaartay 127.5% sanadkii 2022-kii hadana weli way ka sarreysaa heerkii la rabay, waxayna gaartay 109.4% GDP sannadka 2024.
5. Republic of Congo – 93.6%
Deynta Congo hoos ayey u sii dhacday, balse weli waa mid sarreysa oo gaareysa 93.6%. Ku dhowaad kala bar dakhliga dawladda ayaa lagu bixiyay adeegga deynta sannadka hore ee 2024.

Xigashada Sawirka, Getty Images
6. Mozambique – Over 100%
Dhammaadka sanadkii hore ee 2024, deyntu lagu leeyahay Mozambique waxay gaartay $16.238 bilyan. Bishii Marso ee sanadkan 2025, dawladda ayaa ku dhawaaqday in aysan bixin karin deynta waxayna IMF xaqiijisay in deyntu ay dhaaftay 100% marka loo eego GDP dalka.
7. Egypt – 83%
Masar waxay bixisay $21.3 bilyan oo ah lacagaha deynta lixdii bilood ee hore ee sannad-maaliyadeedka 2024/2025, taasoo culeys ku noqotay lacagaha dalka ugu keydsan sarifka.
8. Malawi – 88%
Malawi waxaa lagu leeyahay deyn ku dhow $10.3 bilyan, oo u dhiganta 88% marka loo fiiriyo GDP, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah waddamada lagu leeyahay deynta ugu badan.
9. Mauritius – 88%
Inkasta oo ay ka mid tahay Mauritius, waddamada ugu horumarsan qaaradda, haddana waxaa lagu leeyahay deyn gaareysa 88% GDP.
10. Guinea-Bissau – 82.3%
Guinea-Bissau waa dalka mushkilad siyaasadeed ay ka jirto, waxaa lagu leeyahay deyn gaareysa 82.3%. Deynta gudaha dalka looga leeyahay ayaa ah 55.5%.













