Muxuu yahay Saxaraha Galbeed ee ay Soomaaliya kasoo saartay mowqifkeeda?

Morocco

Xigashada Sawirka, AFP

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddaysay mowqifkeeda rasmiga ah ee ku saabsan arrinta Saxaraha Galbeed, iyadoo sheegtay in go'aan kasta oo dalka loo tiiriyo oo ka baxsan xiriirka rasmiga ah uusan sax ahayn.

"Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa adkaysay in Soomaaliya ay aqoonsan tahay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay No. 2797, ayna taageersan tahay dadaallada lagu gaarayo xal nabadeed oo hoos yimaada hoggaanka Qaramada Midoobay." Ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda.

Bayaanka ayaa ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh khilaafka inay galaan wadahadallo dhab ah oo toos ah oo lagu doonayo in lagu gaaro xal kama dambays ah, nabadeed, oo labada dhinacba ay isku raacsan yihiin, iyadoo la raacayo qaraarrada Qaramada Midoobay ee quseeya.

Soomaaliya waxay sidoo kale muujisay taageero xooggan oo ay u hayso Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Ergeygiisa Gaarka ah ee dib u billaabidda hannaanka siyaasadeed.

"Dowladda Soomaaliya waxay dib u xaqiijisay ballanqaadkeeda ku aaddan xoojinta iskaashiga ay la leedahay Boqortooyada Marooko, iyadoo ku salaynaysa ixtiraamka labada dhinac ee midnimada qaranka iyo madax-banaanida." Ayaa sidoo kale lagu xusay bayaanka.

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga e Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali

Bishii lasoo dhaafay, Qaramada Midoobay ayaa meel marisay qaraar ku tilmaamaya is-maamul dhab ah oo hoos yimaada madax-banaanida Marooko inuu yahay "xalka ugu suurtagalsan" ee laga gaari karo khilaafka 50-ka sano jiray ee ka taagan dhulka lagu muransan yahay.

Marooko ayaa horay u haysatay inta badan Saxaraha Galbeed, inkastoo qayb ka mid ah uu weli gacanta ku hayo Ururka Polisario Front, oo ah koox hubeysan oo doonaysa madax-banaani buuxda oo ay helaan dadka reer Saxaraawi.

Mareykanka, oo ahaa dalka soo diyaariyay hindisahan Qaramada Midoobay, ayaa hoggaamiyay 11 waddan oo u codeeyay in la meel mariyo qaraarkaas. Qaraarka ayaa sidoo kale hal sano loogu kordhiyay waqtiga howlgalka ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee gobolka, ee loo yaqaanno Minurso. Ruushka, Shiinaha, iyo Baakistaan ayaa ka aamusay, halka Aljeeriya ay ka hor timid qaraarka.

Muxuu yahay Saxaraha Galbeed?

Morocco

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Saxaraha Galbeed waa dhul ballaaran oo saxare xeeb ah, oo qani ku ah macdanta fosfateedka, cabirkiisuna yahay qiyaastii 100,000 oo mayl labo jibaaran (260,000 oo kiiloomitir laba jibaaran), waxaana maamuli jiray Isbaanishka ilaa 1975-kii. Waxaa markii dambe qabsatay (la wareegtay) Marooko.

Ururka Polisario Front, oo ay taageerto Aljeeriya, ayaa muddo dheer ka hor yimid sheegashada Marooko ee dhulka.

Kadib dagaallo qaraar oo dhacay 70-meeyadii iyo 80-meeyadii, Polisario Front iyo Marooko waxay heshiis ku kala saxiixdeen xabbad joojin marar kala duwan sanadihii 90-meeyadii, laakiin waxay ku guuldareysteen xallinta khilaafka asalka ah.

Qaramada Midoobay waxay nabad ilaaliyaal u direysay gobolka tan iyo sanadihii 1991-kii.

Afti ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay oo muddo dheer la ballanqaaday, taasoo u oggolaanaysa dadka Saxaraha Galbeed inay doortaan madax-bannaani ama xukunka Marooko, weligeed ma dhicin sababo la xiriira khilaafaadyo ku saabsan cidda xaq u leh inay cod bixiso.

Midowga Afrika wuxuu aqoonsan yahay madax-bannaanida Saxaraha Galbeed, laakiin sanadihii u dambeeyay, waddamo kala duwan ayaa taageeray mowqifka Marooko, oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Spain, Faransiiska, Jarmalka iyo Netherlands.

Marooko waxay isaga baxday ururkii ka horreeyay Midowga Afrika, Ururka Midowga Afrika (OAU), 1984-kii ka dib markii Saxaraha Galbeed loo aqoonsaday inay tahay dawlad madax-bannaan - Jamhuuriyadda Carabta ee Saxaaraawi ee Dimuqraadiga ah (SADR) - taasoo ay u aragtay inay ku xadgudubayso madax-bannaanideeda dhuleed.

Waxay dib ugu biirtay 2017-kii, waxaana tan iyo markaas ay si firfircoon u wadday dadaallo diblomaasiyadeed si ay u hesho aqoonsi ay ugu xukunto Saxaraha Galbeed, oo ay ka mid yihiin waddamada Afrika.