Maxaa ka dhalan kara in Maraykanku Saxaraha Galbeed u aqoonsado dhul Morooko leedahay?

Boqor Maxamed, Trump iyo Netanyahu

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Boqor Maxamed, Trump iyo Netanyahu

Faalooyinka iyo maqaallada ay qoreen wargeysyada Morooko iyo Algeria ayaa ku kala aragti duwan in Maraykanku u aqoonsaday Saxaraha Galbeed dhul ka mid ah dalka Morooko.

Wargeysyada Morooko qaarkood ayaa soo dhaweeyey aqoosniga Maraykanka waxaanay ku tilmaameen "dhirbaaxo u dhammaysay" jabhadda Bolisario, halka qoreyaal reer Algeria ah oo taageera jabhadda Bolisario ay ku sheegeen in "arintaasi halgan hubaysan ka abuuri doonto" Saxaraha Galbeed.

"Isbedel cusub"

Cabdiraxmaaan Shaxshi oo maqaal ku qoray website-ka Express ee Morooko ayaa ku tilmaamay go'aanka Maraykanka "dhirbaaxo u dhamaynaysa" jabhadda Bolisario.

Waxaanu yidhi "kama dambaystii waxa kala daatay haykalkii aan is haysan oo ay kala tuurtay dhirbaaxadan u dhamaysay. Maraykanku wuxuu si cad ugu dhawaaqay in uu si rasmi ah u aqoonsanyahay in Saxaraha Galbeed yahay qayb ka mid ah dalka Morooko. Waxaana sidaa ku kala daatay haykalkii aan marka horeba is haysan oo aan abid dib u soo kici doonin."

Wargeyska Al-Sabaax ee ka soo baxa Morooko ayaa isna faafiyey khariidad uu baahiyey danjiraha Maraykanka u fadhiya Morooko David Fisher oo "muujinaysa khariidadda Morooko oo ay ku jiraan gobollada koonfureed oo si rasmi ah uu ugu jiro gobolka Saxaraha Galbeed ee ay xukuumadda Maraykanku sida rasmiga ah u aqoonsatay".

Wargeysku wuxuu intaa ku daray hadal uu ka soo xigtay safiirka oo shir jaraa'id qabtay oo uu ku tilmaamay go'aanka dalkiisa "mid taariikhi ah oo Maraykanku ku aqoonsaday in gobolkaas Saxarahu si buuxda uga mid yahay dalka Morooko."

Website-ka jariidadda 24 ee Morooko ka soo baxda ayaa isana ka soo xigtay wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Afrika, Naasir Buriida, in uu yidhi "aqoonsiga Maraykanka ee ah in gobolkaas gebi ahaantiiba ka mid yahay dalka Morooko faa'iido uma laha oo keliya arinta Saxaraha Galbeed ee xataa wuxuu u danaynayaa qadiyadda Falastiin."

"Go'aan xikmad leh"

Yuunus Daafaqiir oo maqaal ku qoray wargeyska Al-Axdaas ee Morooko ka soo baxa ayaa isna sheegay in waxa haatan dhacay yahay "soo noqoshada xidhiidhkii diblomaasiyadeed" ee Morooko iyo Israel kaas oo aan lid ku ahayn "xuquuqda lama taabtaanka ah ee shacabka Falastiin."

Waxaanu intaa ku daray "dhamaanteen waynu diidannahay in heshii lala galo dhaqdhaqaaqa Sahyuuniyadda laakiin waa in aynu siyaasad ahaan kala saarnaa ururkaas iyo dawladda Israel. Waxaanu leenahay waa 'Israel' mase aha 'Sahyuuniyadda' sababta oo ah Israel oo dhami ma wada aha Sahyuuniyad, ilaa haatanna muu dhicin isku milan toos ah oo ay aydhiyoolajiyad ahaan is dhex galeen dhaqdhaqaaqa Sahyuuniyadda iyo dawladda Israel".

Awsi Al-Xasan oo isna maqaal ku qoray website-ka Express ee Morooko ayaa sheegay in go'aanka Rabaad yahay "go'aan xikmad leh oo lagama maarmaan u ah nabad caddaalad ku dhisan oo dhamaystiran."

Waxaanu qabaa in go'aankaasi "yahay mid taariikhi ah oo taageeraya sidii nabad cadaalad ku dhisan looga dhalin lahaa Bariga Dhexe, sidoo kalena dhiiri gelinaya wadahadallada Israel iyo Falastiiniyiin halkii uu ka sii jiitami lahaa hadal dhiillo leh iyo qudh baxa dadku. Waa hindise leh dhadhan cadaaladeed oo ay boqortooyadu ku midaysay dhulkeeda go'aankaa Maraykanka ee aqoonsaday in Saxaraha Galbeed yahay dhul gebi ahaantiiba ka mid ah Morooko."

"Yoolku maaha in la soo celiyo xidhiidhka Israel, sababta o ah marka horeba maslaxadda ayaa xidhiidhka caalamiga ah sal u ah maantana ma jirto cadaawad joogto ah ama saaxiibnimo joogto ah laakiin waxa mar walba joogtada ahi waa danaha. Suurto gal maaha in danta dawladaha iyo shucuubtu ay had iyo goor lid ku ahaato nabadda si looga hor tago masiibooyinka, saboolnimada iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee is daba joogga ah" ayuu yidhi.

Askarta jabhadda Bolisario

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Askarta jabhadda Bolisario

"Gacan bidixayn aan midho dhali doonin"

Dhanka kale wargeysyada ka soo baxa Algeria ayaa dhaleeceeyey go'aanka Morooko xidhiidhka diblomaasiyadeed kula yeelanayso Israel iyo sidoo kale aqoonsiga Maraykanka ee ah in Saxaraha Galbeed yahay qayb ka mid ah dhulka Morooko.

Waraysi uu siiyey wakaaladda wararka Khabar Press, ayaa wasiirka isgaadhsiinta ahna af-hayeena rasmiga ah ee xukuumadda Algeria, Cammaar Belxiimar, ku yidhi "gacan bidixaynta qiraysa gumaysiga ka jira Saxaraha Galbeed ee madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Donald Trump uu ku doonayo in uu ku xalaaleeyo gumaysiga dhulka Falastiin waa wax aan midho dhali doonin, sababta oo ah rabitaanka shacabka ayaa had iyo goor dumiya derbiyada gumaysiga."

Naasir Xamadaadoosh ayaa isna maqaal uu qoray wuxu ku yidhi go'aankaa wadajirka ah ee Morooko iyo Maraykanku waa "in cadaadis la saaro [Saxaraha Galbeed] oo la dala'sado sharciga caalamiga ah iyo sidoo kale in la wiiqo sharciyadda Saxaraha Galbeed oo weliba la dhaawaco dareenka dadka Saxaraha Galbeed."

Waxaanu intaa ku daray "fashilaadda xalka siyaasadeed waxa weeyi in fakaag loo bannaynayo xal milatari. Dadka Saxaraha Galbeedna fursad kale oo aan ahayn in ay hubka qaataan uma banaana haatan sababta oo ah waxa jira mabd'a siyaasadeed oo odhanaya: Dalalka dhiig baa lagu dhisaa, xorriyaddana waa la soo dhacsadaa ee la isma siiyo".