Carabta iyo Israa'iil: Heshiisyadii Trump ee "halisuhu ku gadaaman yihiin" ee Bariga Dhexe

Xigashada Sawirka, EPA
Wargeyska Financial Times ayaa faallo uu qoray kaga hadlay heshiisyada uu galay ee Bariga Dhexe ee madaxweynaha Maraykanka ee xilkiisu dhamaanayo, Donald Trump, oo kii ugu dambeeyey ahaa in uu aqoonsaday in Saxaraha Galbeed uu yahay qayb ka mid yahay dalka Morooko.
Wargeysku wuxuu heshiisyadaa Trump ee Bariga Dhexe ku tilmaamay kuwo "haliso ku gedaaman yihiin" waxaanu sheegay in aqoonsiga Maraykanka ee ah in Saxaraha Galbeed ka mid yahay Morooko aanu nabadda faahinayn hase yeeshee uu kicinayo dagaal.
Wargeysku wuxu ku tilmaamay heshiiskii u dambeeyey ee Trump kii ugu la yaabka badanaa, xataa marka lagu eego aragtida Madaxweynaha qudhiisa. Sababta oo ah Morooko in ay xidhiidh la yeelato Israel waxay ku bedelatay in Maraykanku aqoonsado in gobolka Saxaraha Galbeed ee la isku haystaa ka mid yahay Morooko.
Financial Times waxay sheegtay in heshiiskaa Morooko ka mid yahay heshiisyo xidhiidh ahaa oo dawlado Carbeed xidhiidh kula yeesheen Israel oo Maraykanku ka dambeeyey. Dhamaantood na waxay wax bay dhaafsadeen dawladahaasi xidhiidhka. Sudan waxa laga saaray liiska dawladaha gunneeya aragagixisada, halka Trump sidoo kale u ogolaaday Imaaraatka iyo Baxarayn in ay iibsadaan diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee Maraykanku sameeyo ee F-35.
Hase yeeshee Morooko waxay iyaduna heshay in Maraykanku u aqoonsado inuu ka mid yahay dalka Morooko gobolka la isku haystay tan iyo waagii gumaysigii Spain ka kacay sannadkii 1975.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gobolkaas waxay Morooko isku haysteen Jabhadda Bolisaariyo oo doonaysa in Saxaraha Galbeed noqdo dawlad madax bannaan.
Morooko ayaa Qaramada Midoobay ka codsatay sannakdii 1991 in laga qabto Saxaraha Galbeed afti ay dadku aayahooda kaga tashanayaan. Hase yeeshee in Maraykanku u aqoonsado dhul ka mid ah Morooko ayaa dhabar jab ku ah aragtida dunidu ku midaysan tahay ee ku waajahan qadiyaddaas, sida wargeysku qabo. Waxaanu Midowga Yurub shaaciyey in uu gobolkaa u aqoonsanaan doono gobol lagu muransan yahay.
Aqoonsigaa Maraykanku wuxuu Morooko u fududayn doonaa in ay gacan bir ah ku qabato gobolkaas oo ay ku tomato xuquuqda aadanaha ee gobolkaas. Sidoo kale wuxuu hurin doonaa xasilooni darro hor leh oo gobolkaas ka dhalata oo markiisa horeba ay ka taagan yihiin qulqulatooyinka hubaysan eek a jira Liibiya iyo Maali sida wargeysku sheegay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Financial Times wuxuu qabaa in ictiraafka Maryakanka ee ah in gobolkaasi ka mid yahay Morooko yahay go'aan aan masuuliyadi ku dheehnayn oo Trump qaatay. In xataa lala xidhiidhiyo istiraatijiyadda xal la aqbali karo oo lagu maareeyo khilaafa Falastiin iyo Israel waa arrin liidata.
Heshiisyada Trump, sida wargeysku qabo, waay ku salaysan yihiin aragti ah in labada dhinac wax kasta helo dhinac kalena wax kasta waayo. Sidii uu u aqoonsaday Quddus in ay noqoto caasimadda Israel iyo in buuralayda Golan ee Suuriya uu u aqoonsaday dhul Israel leedahay oo kale.










