Muddo dheer oo lagu raad joogay waxaa la sheegay in lagu dilay weerar duqayn ah

duqayn ka dhacday Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters

Israa'iil ayaa sheegtay inay dishay taliye sare oo ka tirsanaa Xamaas Sabtidii, kadib weerar lagu qaaday gaari ku sugnaa gudaha magaalada Qasa.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen militariga Israa'iil iyo hay'adda amniga Shin Bet ayaa ku dhawaaqay in ay "ka takhaluseen" Raed Saad,oo ahaa madaxa soo-saarka hubka ee garabka militari ee Xamaas, ee loo yaqaan Guutada Qassam, kuna sugnaa magaalada Qasa.

Raed Saad waxaa loo arkayay mid ka mid ah taliyeyaasha ugu caansan ee Qassam, wuxuuna hoggaaminayay dhowr guuto intii lagu jiray weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar ee lagu qaaday bulshooyinka Israa'iil ee bariga magaalada Qasa.

Afhayeenka difaaca madaniga ah ee ay Xamaas maamusho, Mahmoud Basal, ayaa BBC u sheegay in afar qof lagu dilay weerarka. Wuxuu intaas ku daray in dad kale oo waddada marayay ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Mas'uul maxalli ah oo ka tirsan Xamaas kuna sugan Qasa ayaa BBC u sheegay in weerarku sidoo kale dilay kaaliyihii Saad iyo mas'uul kale oo darajo ahaan hooseeyey oo lagu magacaabay Abu Imad al-Laban.

Israa'iil ayaa BBC-da ka hor istaagtay in ay si madax banaan uga warranto gudaha Qasa, sidaas darteedna mana awoodo in ay xaqiijiso faahfaahinta dhacdada.

Bayaanka wadajirka ah ee IDF iyo ISA ayaa intaas ku daray in Saad uu "mas'uul ka ahaa dhimashada askar badan" oo lagu dilay Marinka Qasa, taasoo ay ka dhasheen qalabyo qarxa.

Saad waxaa la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa golaha hoggaanka militariga ee cusub oo ka kooban shan xubnood, kuwaas oo la aasaasay tan iyo markii xabbad-joojin ay dhaqan gashay bishii Oktoobar.

Israa'iil a ayaa marar badan isku dayday inay disho.

Mid ka mid ah isku dayadii ugu caansanaa wuxuu dhacay intii lagu jiray hawlgal lama filaan ah oo ay Israa'iil ka fulisay magaalada Qasa bishii Maarso 2024, markaas oo ciidamada Israel la sheegay inay doonayeen inay qabtaan ama dilaan. Ilo-wareedyo xilligaas hadlay ayaa sheegeen in Saad uu ku sugnaa dhismaha la bartilmaameedsaday, balse uu ku guuleystay inuu baxsado daqiiqado ka hor weerarka.

Muddo dheer ayaa loo tixgelinayay inuu ka mid yahay xubnaha Xamaas ee Israa'iil aadka u doonayso, iyadoo isku dayada Israa'iil ee lagu doonayay in lagu dilo ay socdeen in ka badan labaatan sano.

Weerarkii Sabtida ayaa ka dhacay dhinaca ay Falastiiniyiintu maamulaan ee waxa loo yaqaan Khadka Jaallaha ah kaas oo kala qaybiyay Qasa tan iyo markii xabbad-joojin aan degganayn oo Maraykanku hoggaaminayay ay dhaqan gashay 10-kii Oktoobar.

duqayn ka dhacday Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ciidamada Israa'iil ayaa gacanta ku haya aagga bari ee khadkaas, kaas oo ka kooban wax yar ka badan kala bar Marinka Qaza.

Marxaladda kowaad ee qorshaha nabadda ee ka kooban 20-ka qodob ee madaxweyne Trump ayaa dalbanayey in dib loo soo celiyo dhammaan labaatanka lahayste ee nool iyo siddeed iyo labaatanka meyd ah oo lagu qafaaashaday weerarkii 7-dii October sanadkii 2023-kii kaas oo ay hoggaamisay Xamaas lagu qaaday koonfurta Israa'iil.

Qiyaastii 1,200 oo qof ayaa lagu dilay weerarka, in ka badan 250 qofna waa la qafaashay.

Dhammaantood waa la soo celiyay marka laga reebo maydka askari booliis Israa;iili ah oo lagu magacaabo Ran Gvili, oo 24 jir ahaa, kaas oo la rumeysan yahay in la dilay isagoo la dagaallamayay dagaalyahanno ka tirsan Xamaas gudaha Kibbutz Alumim.

Tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo ay Xamaas maamusho, in ka badan 70,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay hawlgallada militari ee Israel.

Diiradda diblomaasiyadeed ayaa hadda u wareegaysa marxaladda xigta ee qorshaha madaxweyne Trump, kaas oo ku baaqaya in Xamaas hubka laga dhigo, taasoo qayb ka ah waxa loo yaqaan dabarjarka xagjirnimada iyo dib-u-dhiska Qaza.

Qorshuhu wuxuu saadaalinayaa in Qasa ay maamulaan "maamul ku-meel-gaar ah oo kala-guur ah oo ay hoggaaminayaan khubaro farsamo , kana madax-bannaan siyaasadda, oo Falastiiniyiin ah," kaas oo ay kormeeri doonaan"Guddiga Nabadda" oo uu guddoomiye ka yahay Trump.

Amniga waxaa bixin doona Ciidamo Caalami ah oo Xasillinta ah, inkastoo weli aan si cad loo ogayn cidda ka qayb qaadan doonta.

Ujeeddada ugu dambaysa waa in Maamulka Falastiin ee dib loo habeeyay uu la wareego maamulka dhulka, ciidamada Israa'iilna ay ka baxaan, ka dibna "xaalado ayaa ugu dambayn suurto-gelin kara waddo la aamini karo oo ku wajahan is-maamul Falastiini ah iyo dowladnimo."

Qodobbo badan oo ka mid ah qorshahan ayaa muran ka dhaliyay gudaha Israa'iil, halkaas oo Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu si isdaba-joog ah u diiday baaqyada ku aaddan dhismaha dowlad Falastiini ah.

Trump ayaa la filayaa inuu 29-ka Diseembar kula kulmo Netanyahu dalka Maraykanka si ay uga wada hadlaan qorshahan.