Dhibaatada keenta dhicinta ee haween badani aysan ku baraarugsanayn

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa jira dhibaatooyin caafimaad oo haweenku la kulmaan inta ay uurka leeyihiin iyo xilliga dhalmada, kuwaas oo u muuqda kuwo yar, balse marar badan isu beddela halis weyn oo ku timaadda qoyska.
Mid ka mid ah dhibaatooyinkaas waa is-waafaqsanaan la'aanta RH (RH incompatibility) waa xaalad dhacda marka dhiigga hooyada iyo kan ilmaha aanay is qaadan, sida ay BBC-da u sheegtay Dr. Bahijja Faruk oo ah dhakhtar ku takhasusay umulisonimada.
Waxay sheegtay in dhibaatadani ay keento dhicin soo noqnoqota, dhalashada carruur daciif ah ama xanuunsan, ama xitaa dhimashada ilmaha ka hor ama ka dib dhalmada.
Waxay intaas ku dartay, "bulshooyinkeenna oo aqoonta caafimaadku ku yar tahay, gaar ahaan arrinta RH, haween badan ayaa wajahaya uur-la'aan iyaga oo aan ogeyn sababta dhabta ah ee dhibaatada."
Waa maxay iswaafiqid la'aanta RH?
Dr. Bahijja waxay sharraxday in RH uu yahay walax kiimiko ah oo ku jirta dhiigga aadanaha. Waxay tiri wuxuu leeyahay laba nooc:
RH togan (RH+)
RH taban (RH−)
Sidaas darteed, marka dhiigga hooyada uurka leh iyo kan ilmaha aanu iswaafaqin, waxaa loo yaqaannaa kala duwanaanshaha RH.
Haddii haweeneydu leedahay dhiig RH- taban ah, ninkeeduna yahay RH+ togan, ilmaha ay dhasho wuxuu qaadan karaa dhiigga aabbaha. Tani waxay keeni kartaa dhibaato, sababtoo ah dhiigga hooyadu ma la jaanqaadayo dhiigga ilmaha. Taas micnaheedu waa in dhiigga RH-taban aanu la jaanqaadi karin dhiigga RH togan.
Sababtaas awgeed, jirka hooyadu wuxuu u qaadan karaa dhiigga ilmaha cadaw, wuxuuna sameeyaa unugyo difaac (antibodies) weerara dhiigga ilmaha, taasoo keeni karta:
- Dhiig-bax gudaha ah
- In koritaanka ilmaha aanu caadi ahayn
- Cagaarshow darran
- Ama dhimashada ilmaha inta uu caloosha ku jiro
Maxaa sababa is qaadan waaga dhiigga?
Dhakhtarku wuxuu sheegay in dhibaatadani dhacdo marka dhiigga hooyada RH-taban uu ku qasmo dhiigga ilmaha RH togan, taasoo dhici karta xilliyada:
- Dhicis
- Dhalmo
- Uur meel khaldan ku jira (ectopic pregnancy)
- Baadhitaanno ama daaweyn lagu sameeyo irbado iwm
Sida ay isku-waafaqsanaan la'aanta RH u saameyso uurka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dr. Bahijja waxay tiri dhibaatadani waxay saameyn kartaa uurka siyaabo kala duwan.
Saameynta ay ku yeelato ilmaha:
- Dhiigga ilmaha oo si daran u dhaawacma ilaa dhimasho
- Cagaarshow aad u daran
- Dhiig-yari (anemia)
- Hydrops fetalis waa xaalad halis ah oo dareere ku ururo ugu yaraan laba meelood oo jirka ilmaha ah, sida laabta, agagaarka wadnaha, ama maqaarka hoostiisa
- Koritaanka ilmaha oo gaabis noqda
- Dhimashada ilmaha inta lagu jiro ama ka dib dhalmada
- Saameynta ay ku yeelato hooyada:
- Kaadi badnaan
- Calool-xanuun joogto ah
- Uur muddo dheer jira oo aan dhalmo ku dhammaan
- Walbahaar iyo cabsi
"Toban sano ayaan reer lahaa, lix jeerna waa lay furay"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maryam waxay ninkeeda guursatay toban sano ka hor, rabitaankeeda keliya wuxuu ahaa inay dhasho oo ay ilmaheeda gacmaheeda ku qabsato, balse riyadeeda weli ma rumoobin.
Intii ay guurka ku jirtay, Maryam lix jeer ayay uur yeelatay, dhammaantoodna way dhicisay, iyada oo aan marnaba fahmin sababta.
"Sanadkii ugu horreeyay ayaan uur yeeshay," ayay tidhi Maryam. "Laakiin labo bilood ma uusan gaadhin. Waxaan u maleeyay inay tahay dhibaato ku meel gaadh ah. Markii dambe mar kale ayaan uur yeeshay, shan jeerna way dhicis ayay noqdeen."
Sanadihii way socdeen, welwelkeedii wuu batay, daawooyin iyo ducooyin badanna way sameysay, balse waxba isma beddelin, marka laga reebo calool-xanuun joogto ah.
Markii dambe, kadib dhicis kale, saaxiibteed ayaa u sheegtay arrinta isku-waafaq la'aanta RH. Taasi waxay ku dhalisay inay ninkeeda la hadasho, kadibna ay aadaan isbitaal weyn si loo baadho.
"Isbitaalku aad buu qaali u ahaa, balse waxay naga wacyigeliyeen dhibaatadan, waxayna noo sheegeen tallaallada ay tahay in haweeneyda RH-taban ah la siiyo kadib uur ama dhalmo, arrin aanan waligay maqal ama helin," ayay tidhi.
Waxay sheegtay inay hadda rajaynayso in wax walba ay hagaagi doonaan mustaqbalka.
Waa maxay tallaalka Anti-D (RhoGAM)?
Waa maxay tallaalka Anti-D (RhoGAM)?
Dhakhtarku wuxuu sheegay in tallaalka la siiyo haweeneyda RH-taban leh marka ay uur yeelato, dhasho, ama ay dhicis ku dhacdo, si looga hortago dhicis kale mustaqbalka, lagu magacaabo Anti-D (RhoGAM).
Haddii haweeneydu aysan helin tallaalkan, jirkeedu wuxuu sameyn karaa unugyo difaac ah.
Unugyadan difaaca ah waxay ku jiraa dhiigga, waxayna:
Weeraraan dhiigga ilmaha haddii uur kale dhaco
Waxyeelleeyaan dhiigga ilmaha ka hor inta uusan si fiican u koraan
Goorta tallaalka la bixiyo:
Kadib dhicis
Illaa 72 saacadood gudahood kadib dhalmada, haddii ilmuhu yahay RH togan
Marka la sameeyo qalliin ama wax sababi kara dhiig-bax
Usbuuca 28-aad ee uurka (si ka hortag ah)













