Waa maxay waxa dhinac walba ka rabo wadahadallada Ukraine ee Aqalka Cad?

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Waxay ballan qaadaysaa inay noqon doonto maalin ka duwan kuwa kale ee Aqalka Cad ka dib, marka hoggaamiyeyaasha dunidu ay sameeyaan booqasho wadajir ah oo naadir ah oo wada-hadallo lagu go'aaminayo arrin adag oo ku saabsan Ukraine.
Kulankan oo markii hore loo qorsheeyay inuu noqdo kulan u dhexeeya labada madaxweyne Donald Trump iyo Volodymyr Zelensky ayaa hadda isu beddelay shir madaxeed.
Hoggaamiyeyaal ka socda UK, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Finland, Midowga Yurub (EU) iyo NATO ayaa gaaray Washington si ay uga hadlaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka saddex sano jirsaday ee Ukraine iyo Ruushka, iyo shuruudaha lagu gaari karo dhammaadkaas.
Tani waxay muujinaysaa sida ay u sarreyso khatarta iyo walaaca sii kordhaya ee Yurub ay ka qabto in Maraykanku uu u muuqdo inuu u leexday mowqif aan sidaas ugu fiicnayn Ukraine.
Maraykanka- heshiis, ama heshiis kasta
Ballanqaadkii Trump ee ololaha doorashada ayaa ahaa in uu xallin doono khilaafkan maalintiisa ugu horreysa ee xafiiska laakiin lix bilood kadib, horumar dhab ah weli ma gaarin.
Qodobbada heshiis kasta waxay u muuqdeen kuwo aan muhiimad u lahayn Trump marka loo eego heshiiska laftiisa, sidaa darteed shuruuduhu way is beddeleen muddo ka dib.
Tan iyo markii uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kula kulmay Alaska Jimcihii, Trump wuxuu u muuqdaa inuu iska fogeeyay dhaleeceyntiisa Moscow iyo hanjabaadda cunaqabateynta, wuxuuna go'aansaday inuu baddelkeedacadaadis saaro Zelensky.
Habeenimadii Axadda waxa Trump sheegay suurtaganimada in Ukriane aysan ku biiri doonin Nato iyo in ay dib u hesho Jasiirada Crimea, oo Putin uu si sharci darro ah uga qabsaday sanadkii 2014-kii.
Wakiilka Trump, Steve Witkoff, ayaa sheegay in Washington ay diyaarinayso dammaanad amni oo loo fidiyo Yurub, si looga hortagga gardarrada dambe ee Ruushka. Hase yeeshee, faahfaahinta qorshahaas weli lama caddeyn.
Ilaa iyo hadda, Mareykanka wuxuu ka meermeerayay codsiyada Yurub ee ah in uu si cad u bixiyo damaanad qaad cad oo ku saabsan amniga Ukrine.
Indhaha caalamkuna waxay maanta ku sii jeedaan Aqalka Cad, si loo arko haddii mowqifkaas dhab ahaantii is beddelay.
Ukriane in laga fogaado dhul ka tanaasulid
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Zelensky wuxuu isku arkay inuu istaago xaalad adag oo uu ku qasban yahay inuu ku adkaysto mowqifkiisa iyadoo ay isa soo taryaso dulqaad la'aanta Donald Trump, lana moodo inuu u janjeero fikirka Putin, islamarkaana horeyba ugu eedeeyey Zelensky inuu caqabad ku yahay nabadda.
Trump waxaa suuragal ah inuu u sheego Zelensky inuu oggolaado in dhul la bixiyo. Tani waxay noqon doontaa mid aad u adag in madaxweyne Zelensky aqbalo, maadaama ay micnaheedu tahay inuu ka baxo gobollada Donetsk iyo Luhansk — meelahaas oo kumanaan askari oo reer Ukraine ah ay u dhinteen si ay u difaacaan tan iyo 2022-kii.
Tani sidoo kale waxay u oggolaan lahayd Ruushka inuu gacanta ku dhigo dhul baaxad weyn, kaas oo uu mustaqbalka u adeegsan karo inuu weeraro kale ka sii wado.
Markaa Zelensky ma aqbali karo heshiisyada dhulka iyada oo aan la helin dammaanad ammaan oo xooggan oo bilaaban doonta haddii Ruushku mar kale soo weeraro. Kuwaas waxaa bixin kara Nato, laakiin Trump wuxuu caddeeyay in Ukraine aysan ku biiri doonin isbahaysiga.
Yurub – ballanqaadka Mareykanka ee amniga Ukraine
Hogaamiyeyaasha Yurub waxay isku dayi doonaan inay ku cadaadiyaan Trump inuu faahfaahiyo waxa dammaanad-qaadyada amni ee Mareykanku u fidin karo Ukraine ay dhab ahaantii noqon karaan.
Hadallada guud ee aan caddayn ee Mareykanku ka sheegay arrintan ayaa cabsi ku abuurtay Yurubiyiin badan, kuwaasoo aaminsan in ilaalinta Ukraine laga soo weeraro mar kale – gaar ahaan Ruushka – ay ku xirnaan doonto ballanqaad dhab ah oo Mareykanku bixiyo.
Waxaa sidoo kale jirta walaac ku saabsan in Mareykanku laga yaabo inuu ku adkeysto in Ukraine ay dhul siiso Ruushka si loo gaaro nabad. Qaaradda Yurub waxay leedahay taariikh dheer oo dagaallo dhiig badan ku daatay, hogaamiyeyaashuna waxay doonayaan inay ka fogaadaan xaalad cusub oo lagu qasbayo in xuduudaha waddan madax-bannaan la beddelo si xoog ah.
Cabsidani waxay sharaxaysaa sababta go'aanka lama filaanka ah ee ay madax badan ugu bexeen Aqalka Cad xilli dambe, ay u yahay mid aan horey u dhicin.
Toddobaadkii hore, kulan muuqaal ah oo u dhexeeyey Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ka horreeyey shirkii Alaska ayaa u muuqday inuu adkeeyey dhaleeceynta Trump ee Ruushka; balse hadda oo uu mar kale u janjeero dhinaca Moscow, hogaamiyeyaasha Yurub waxay isku dayi doonaan inay ku adkeeyaan Trump in walaaca ay ka qabaan amniga mustaqbalka ee qaaradda aysan is beddelin.
Ruushka – dhul badan oo Ukraine ah
Ma jiri doono wakiil Ruush ah oo jooga Aqalka Cad maanta. Laakiin taas laga yaabee inaysan waxba ka beddelin xaaladda: waxa muuqata in Putin uu saameyn ku yeeshay Trump toddobaadkii hore, taasoo Moscow ku qancin karta in aragtideeda si buuxda loogu meteli doono shirka.
Trump hore ayuu u sheegay in Ukraine aysan ku biiri doonin NATO – waana arrin Ruushku doonayo in si cad loogu celiyo oo si rasmi ah loo ansixiyo. Sidoo kale, Ruushku wuxuu doonayaa inuu si buuxda ula wareego Donbas, taasoo ka dhigan in Kyiv ay ka tanaasusho dhulka ay weli gacanta ku hayso ee gobollada Donetsk iyo Luhansk.
Waxaa laga yaabaa in tan ugu muhiimsan ay tahay in Moscow ay ku guuleysatay inay Trump ka dhaadhiciso in hadda ay tahay in Zelensky uu qaato mas'uuliyadda dhamaystirka heshiiska nabadeed – iyadoo si fiican loo ogyahay inuusan oggolaan karin in dhul si toos ah loogu wareejiyo Ruushka. Guul uu Ruushku gaaro waxa ay noqonaysaa in khilaafkani uu horseedo in Trump uu ka tago miiska wada xaajoodka iyo in uu ka tago Ukraine iyo reer Yurub si ay naftooda u difaacaan.













