Kalluumeysatada Kenya oo ka hadlay heshiiskii is weydaarsiga kalluunka iyo qaadka ee Soomaaliya iyo Kenya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Guud ahaan caalamka, kalluumaysiga ayaa la sheegaa inuu yahay mid laga helo macaash badan, iyadoo sannadkiiba ay ka soo xarooto lacag u dhiganta $6 bilyan oo doollarka Mareykanka ah.
Badda ku teedsan Geeska Afrika ayaa la tilmaamaa inay ka mid tahay meelaha ugu qanisan kalluunka qaaradda.
Hase yeeshee, ganacsatada kalluunka maxalliga ah ayaa wajahaya caqabado badan, kuwaas oo ay sheegayaan inay ka hor istaageen horumarkii ay ganacsigooda ka samayn lahaayeen.
Axmed Xasan Cali, wuxuu ka mid yahay ganacsatada kalluunka ee magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kuwaas oo kalluunka ka soo jilaabata badda Kenya, sidoo kalena ka soo iibsada Soomaaliya, una beeckeena dalkan.
“Caqabado badan baa jira oo ku xeeran kalluunka,” ayuu yiri Axmed oo intaas ku daray: “Kalluunka sida aad rabto uma helaysid, meesha aad rabto kama keeni kartid oo kamą soo jillaaban kartid, sidoo kalena ma haysanno tallaagadihii aan ku kaydin laheyn, ileen markaad keento lagaama iibsanaayo.”
Kalluumaysatada yaryar ee Soomaalida u badan ee Geeska Afrika ayaan lahayn shirkado isku xiran ama dhaqaale buuran oo ay ganacsigooda ku horumarin karaan, taas oo hoos u dhigta wax-soo-saarkooda iyo weliba awooddii ay dibadda ugu dhoofin lahaayeen kalluunka.
Axmed waxa uu ku cawday in aanay jirin shirkad xooggan oo ka caawisa sidii ay caqabadahaas uga gudbi lahaayeen “Illaa hadda maynaan arag shirkad wayn oo dadka kalluumaysatada ah intay isku keento leh waxaas baan idiin qabanaynaa,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in haddii la helo shirkado ka caawiya arrintaas la horumarin karo ganacsiga kalluunka, balse hadda ay ku shaqeeyaan “noolow oo ha dhiman”.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
“Ganacsiga kalluunka aad ayuu u liitaa, sababtuna waa in dhaqaalaha dalka uu liito,” ayuu sii raaciyay Axmed.
Kaddib sanado badan oo uu ku jiray ganacsiga kalluunka, sidoo kalena ay soo mareen isbedello kala gedisan, ayuu Axmed Xasan ku rajo wayn yahay in mustaqbal wanaagsan uu ka horreeyo. Rajadaas oo ku timid heshiiskii isfahamka ahaa ee ay dhawaan gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Sidaas oo ay tahayse Axmed iyo ganacsatada kale ee kalluunka ee Mombasa ayaa waxa ay ku doodayaan in wax badan aanan laga dareemin heshiiskii dhigayay in kalluunka Soomaaliya Kenya la keeno, Soomaaliyana ay qaadato qaadka iyo waxyaabaha kale ee loo dhoofiyo.
“Kalluunka waxaan ka soo gadannaa ganacsatada ka soo dabata badda Soomaaliya, halkan Kenyana waan ka jillaabannaa,” ayuu yiri Axmed, walow uu ku andacooday in heshiiska labada dal ay gaareen aanay weli iyagu dareemin.
“Wax ganacsigeenna ku soo kordhay ma jiraan, si rasmi ahna cid dhahaysa baddii way furan tahay oo halaga ganacsado maynaan arag, haddiise ay taas dhacdo ganacsi badan ayaa laga samayn karaa, oo qofka hadduu xorriyad haysto meel walba ayuu kalluunka ka soo jillaaban karaa, laakiin taas annaga illaa hadda ma hayno.”

Xigashada Sawirka, MADAXTOOYADA SOMALIA
Heshiiskii ay dhawaan labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku kala saxiixdeen Nairobi ee la isku weydaarsanayay ganacsiga qaadka iyo kalluunka kaddib, ayay dhawaan sidoo kale ganacsatada Soomaaliya sheegayaan in aanay weli fursad u helin in Kenya ay u dhoofiyaan kalluunkooda.
Guddoomiye ku-xigeenka Dalladda Kalluumeeysatada Soomaaliya Muuse Cabduqaadir Ducaale oo goor sii horreysay wereysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay inay jiraan caqabado ay wajahayaan.
Kalluumaysatada Soomaalida ah ayaa la sheegaa in aanay helin xogta aasaasiga ah, qalabka, aqoonta, farsamooyinka iyo suuqyada ay u baahan yihiin si ay u horumariyaan ganacsigooda. Arrimahaas oo haddii sida ay tahay ay u helaan ka caawin laheyd inay sare u qaadaan heerka nolosha qoysaskooda sidoo kalena ay xoojiyaan dhaqaalaha iyo wax-soo-saarkoodaba.
Soomaaliya oo kaliya ayay xogta tilmaamaysaa inay ka kalluumaystaan kumannaan kalluumaysato maxalli ah, kuwaas oo siyaabo kala duwan gacan uga gaysta dhaqaalaha dalka, hase yeeshee, haddii loo fidiyo tababarro wanaagsan misana ay helaan qalab tayo leh oo ay wax ku soo jillaaban karaan, kuna kaydsan karaan ayaa la sheegayaa inay taasi horumarin karto macaashka ay ka helaan ganacsigan.
Inkastoo dhanka kale ganacsatadu ay ka cawdaan shirkado shisheeye oo si sharci-darro ah uga kalluumaysta badda Geeska Afrika, kuwaas oo ay kalluumaysatadu ku andacoonayaan inay haystaan qalab casri ah oo ay mar qura ku jillaaban karaan kalluun aad u badan.
Waxay kalluumaysatadu dhanka kale ku rajo wayn yihiin in arrintaas wax laga qaban doono mustaqbalka dhaw.










