Maxay yihiin dhacdooyinka anfariirka leh ee ay la kulmeen haweenkii Daalibaan ka soo horjeestay?

Xigashada Sawirka, Parwana Ibrahimkhail Nijrabi
Kadib markii Daalibaan ay xadideen awooda haweenka Afqaanistaan ee dhinacyada shaqada, waxbarashada iyo u bixidda bannaanka ama fagaarayaasha, haweenka qaar ayaa markiiba diiday tallaabooyinkaan cusub, iyaga oo isugu soo baxay wadooyinka si ay uga mudaaharaadaan arrimahaan.
Laakiin wax yar ka dib, dadkii isugu soo baxay caasimadda Kabul iyo magaalooyinka kale oo waaweyn si ay u dalbadaan "cunto, shaqo iyo xorriyad" waxay dareemeen culeys badan.
Dibad-baxayaasha ayaa BBC-da u sheegay in la garaacay, lagu xad-gudbay, xabsiga loo taxaabay iyo in xitaa loogu hanjabay in la dilayo.
Waxaan la hadalnay saddex haween ah oo ka horyimid xukuumadda Daalibaan ka dib markii ay bilowday inay xaddido xorriyadda haweenka ka dib qabsashadii Daalibaan 15-kii Agoosto 2021.
Haween socod ku maray Kabul

Xigashada Sawirka, Getty
Markii maleeshiyadka Daalibaan ay la wareegeen Kabul 15 -kii bishii Agoosto 2021, Sakiya nolosheeda waxaa u bilowday burbur.
Waxay ahayd qof nolosha qoyskeeda maareysa ka hor intaysan Daalibaan ku soo laaban xukunka, laakiin si dhakhso ah ayay shaqadeedii u wayday ka dib markii ay dalka qabsadeen.
Markii Sakiya oo isticmaaleysa magac been abuur ah ay ku biirtay mudaaharaad bishii Diseembar 2022, waxay ahayd fursaddeedii ugu horreysay oo ay ku muujiso caradeeda ku aaddan luminta xuquuqda shaqo iyo tii waxbarasho.
Dibad-baxayaashu xilligaas waxay doonayeen in ay ku muddaharaadaan jaamacadda Kabul, oo ay u doorteen in ay ku muujiyaan dareenkooda, calaamad-na uga dhigaan in ay la’yihiin mid ka mid ah waxyaabaha nolosha muhiimka u ah sida waxbarashada", laakiin waa la joojiyay ka hor inta aysan gaarin halkii ay u socdeen.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sakiya ayaa si weyn ugu qeylineysay xilligaa halku dhigyo ay ku muujinaysay waxa ay diiddanyihiin iyo waxa ay dalbanayaan, balse ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa Talibaan ayaa soo afjary qorshihii dibadbaxayaasha.
"Mid ka mid ah ayaa qorigiisa si toos ah afkayga ugu taagay, wuxuuna iigu hanjabay inuu isla markiiba idili doono, haddaanan aamusin," ayay tiri Sakiya.
Sakiya waxay aragtay mudaaharaadayaal kale oo la qabqbatay isla markaana gaari lagu guray.
"Waan iska caabiyay, gacmahayga way qalloocinayeen," ayay tiri. "Waxaa i jiiday Daalibaankii oo doonayay inay baabuurkooda isaaraan aniga iyo dad kale oo mudaaharaadayay oo doonayay inay iga sii daayaan iyaga."
Ugu dambeyntii, Sakiya waxay ku guuleysatay inay baxsato, laakiin wixii ay aragtay maalintaas ayaa ku reebay cabsi mustaqbalkeeda.
"Rabshaduhu kama dhacayaan albaabbada xiran mar dambe," ayay tiri, "waxa ay ka dhacayeen waddooyinka caasimadda Kabul iyadoo si buuxda loo arkayo."
Xarig iyo feer ayaa la isugu daray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweeney aan ugu yeernay Maryan oo aan ahayn magaceeda saxda ah iyo 23-jir ardayad ah oo iyanah lagu magacaabo Parwana Ibrahimkhail Nijrabi ayaa ka mid ahaa dibad-baxayaal badan oo reer Afgaanistaan ah oo la xiray ka dib markii Daalibaan ay la wareegeen dalka.
Maryan iyada oo garoob ah ayay kaligeed maarenaysay nolosha carruurteeda, aad ayayna uga argagaxday in aanay awoodin in ay masruufto qoyskeeda markii ay Daalibaan soo saareen sharciyo xaddidaya awoodda haweenka ee shaqada.
Waxay ka qaybgashay mudaaharaad bishii Diseembar 2022-kii. Kadib markay aragtay mudaaharaadayaal kale oo la xirayo, waxay isku dayday inay cararto laakiin si dhaqso ah uguma suurta gelin.
"Si xoog ah ayaa la iiga soo saaray gaari yar, waxay baareen boorsadaydii waxayna heleen teleefankayga," ayay tiri.
Markii ay diiday in saraakiisha Daalibaan ay siiso lambar sireedka teleefoonkeeda, waxay sheegtay in mid ka mid ah uu feer xoogan ku dhuftay, iyadoo u maleyneysay in wax culus dhegta kaga habsadeen. Kadib waxay baareen telefoonkii muuqaaladii iyo sawiradii ku jiray.
"Way caroodeen oo way i qabteen iyagoo timaha iga jiiday," ayay tiri. "Waxay qabteen gacmaha iyo lugaha waxayna igu tuureen meel."
"Waxay ahaayeen kuwo rabshad badan, waxayna si isdaba joog ah iigu yeerayeen dhillo," Maryan oo sii wadata hadalkeeda, ayaa tiri, "Waxay igu xireen katiinado, waxayna madax ii galiyeen bac madow, waan neefsan waayay."

Xigashada Sawirka, Parwana Ibrahimkhail Nijrabi
Nolosha xabsiga
Maryan, Parwana iyo Sakiya waxay si buuxda uga warqabeen cawaaqibka ka dhalan kara mudaharaadka dadweynaha.
Parwana ayaa sheegtay in aysan waligeed fileyn in Daalibaan ay ula dhaqmaan sida bini’aadamka oo kale. Laakiin waxay sheegtay inay wali la yaabban tahay sida ay ula dhaqmeen.
Cuntodeedii ugu horreysay intii ay xabsiga ku jirtay ayaa naxdin ku reebtay.
"Waxaan dareemay wax af leh oo xoqaya ilkaheyga," ayay tiri. "Markii aan eegay, waxay ahayd ciddi - waan tuuray."
Cuntadii xigtay, waxay ka heshay timo iyo dhagaxyo.
Parwana ayaa sheegtay in loo sheegay in dhagax lagu dili doono, taas oo keentay in ay habeenkii oo dhan ay soo jeeddo oo oohin iyo riyo ku soo jeeddo.
Qaarkood waxaa lagu eedeyay in ay kor u qaadi jireen anshax-xumada, dhilleysiga iyo fidinta dhaqanka reer galbeedka.
Maryan ayaa dhowr maalmood lagu haayay meel gaar ah, waxaana la weydiiyay su'aallo, xilli madaxa wax loo geliyay.
"Waxa aan maqli karay dhowr qof, mid ayaa i laadayay oo iweyddiinayay yaa ku siiyay lacagta aad ku abaabushay mudaaharaadka," ayay tiri. Midka kale ayaa ifeeray oo igu oronayay yaad u shaqaysaa,”?
Maryan waxa ay sheegtay in ay u sheegtay in ay ahayd garoob laga dhintay oo u baahan shaqo si ay caruurteeda u quudiso, balse waxa ay sheegtay in jawaabaha ay bixisay ay kala kulantay dhib.
Ka sii deynta xabsiga
Parwana iyo Maryan ayaa labadoodaba si gooni gooni ah loo sii daayay ka dib markii ay soo farageliyeen hay'adaha xuquuqul insaanka iyo odayaasha deegaanka, haddana kuma noola Afgaanistaan.
Labaduba waxa ay sheegeen in lagu qasbay in ay saxeexaan qiraal ay ku sheegayaan danbigooda oo ay u balan qaadeen in aanay ka qayb qaadanayn wax mudaaharaad ah oo looga soo horjeedo Taalibaan mar kale.
Eheladooda ragga ah ayaa sidoo kale saxiixay waraaqo rasmi ah oo ay ku ballanqaadayaan in haweenku aysan ka qayb qaadan doonin mudaaharaad dambe.
Eedeymahan waxaan u gudbinay Zabihullah Mujahid, oo ah afhayeenka xukuumadda Daalibaan, kaas oo xaqiijiyay in haween mudaaharaadayay la xiray balse uu beeniyay in si xun loola dhaqmay.
“Qaar ka mid ah haweenka la soo qabtay waxay ku howlanaayeen falal lidi ku ah dowladnimada iyo ammaanka shacabka” ayuu yiri.
Wuxuu ku gacan sayray sheegashooyinka haweenka wuxuuna beeniyay in jirdil loo gaystay: "Ma jirto wax garaacis ah oo ka dhacay xabsiyada Imaarada Islaamiga ah, cuntadoodana sidoo kale waxaa ansixiyay kooxahayada caafimaadka." ayuu hadalkiisa raaciyay Zabihullah Mujahid.













