Dhegeyso: Jawaabta ay xildhibaanada Puntland ka bixiyeen xarigga la taliyaha Deni oo Muqdisho lagu xiray

Qoraalka Codka, Dhegeyso: Jawaabta ay xildhibaanada Puntland ka bixiyeen xarigga la taliyaha Deni
Dhegeyso: Jawaabta ay xildhibaanada Puntland ka bixiyeen xarigga la taliyaha Deni oo Muqdisho lagu xiray

Maamulka Puntland ayaa cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen "afduub" loo geystay mid ka mid ah la-taliyayaasha madaxweynaha Puntland oo la yiraahdo Axmed Cabdi Hurre.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ay ka kaxaysteen Airport Hotel ee Muqdisho, halkaas oo uu ku sugnaa la taliyaha Siciid Deni.

Dhacdadaas ayey xildhibaanno goobta kula sugnaa sheegeen in gacan loogu qaaday.

Xariggan ayaa ku soo beegmay ayadoo la filayo in maanta ay xildhibaannada baarlamaanku u codeeyaan qodobbo ka mid ah dastuurka, talaabadaas oo Puntland ay ka hor timid.

Dhanka kale qoraal ay booliska Soomaaliya ku baahiyeen baraha bulshada ayay ku sheegeen in Axmed Hurre oo lagu xiray muqdisho uu Amniga Khatar ku ahaa, baarisna ay ku socoto.

BBC waxay isku dayday inay faahfaahin dheeraad ah ka hesho booliska hase yeeshee nooma aysan suurto galin.

Haddaba waxaan la xiriirnay mid ka mid ah xildhibaannadii la joogay Hurre, si gaar ahna BBC-du waxay la xiiriirtay Xildhibaan Saddaam Maxamuud Cabdi oo u warramay Xuseen Xasan.