Muxuu yahay dufanka doofaarka ee laga sameeyo shidaalka diyaaradaha?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dufanka doofaarka dhintay, lo'da iyo digaagga ayaa waxaa la qorshaynayaa in loo isticmaalo oo laga sameeyo shidaalka cagaarka ah ee diyaaradaha, laakiin daraasad cusub ayaa ka digtay inay ku dambayn doonto natiijada arrintan saameyn dhanka wasakhowga hawada ah oo ka sii daran tan hadda jirta.
Dufanka xayawaanka waxaa loo arkaa inuu yahay qashin, sidaas darteed shidaalka diyaaradaha ee laga sameeyay walxahan ayaa leh raad kaarboon oo aad u hooseeya.
Baahida Shidaalka laga sameeyo haraadiga xayawaanada dhintay ayaa la filayaa in ay saddex jibaarmaan sanadka 2030-ka, iyadoo shirkadaha Duullimaadyada ay arrintan hormuud u yihiin.
Balse khubarada waxay ka baqayaan in shidaalkan oo yaraada ay ku qasbi doonto warshadaha kale inay isticmaalaan saliid laga sameeyo miraha Palm iyo matoor weyn oo qiiqa badan kaarboonka ah hawada u siidaaya.
Shirkadaha diyaaradaha waxaa saaran cadaadis ah in ay xakameeyaan qiiqa kaarboonka aadka u badan, kaas oo inta badan ka yimaada shidaalka lagu shubo matoorada diyaaradaha.
Balse daraasad ay samaysay Transport & Environment oo fadhigeedu yahay Brussels, oo ah koox olole gaadiid aan wasakheyn hawada, ayaa tilmaamtay in aanan si sahlan loo heli karin xoolo ku filan oo la qalo sannad kasta si loo daboolo baahida sii kordheysa ee shirkadaha diyaaradaha ee ku shaqeeya dufanka xoolaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Ma jiro sahayda xoolaha oo aan dhammaanayn, ama baruurta xoolaha," ayuu yiri Matt Finch oo ka socda Gaadiidka & Deegaanka.
Qarniyo badan ayaa dufanta iyo subag laga samayn jiray shumaca, saabuunta iyo waxyaalaha la isku qurxiyo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si kastaba ha ahaatee, 20kii sano ee la soo dhaafay, biodiesel-ka laga sameeyay qashinka xoolaha ama saliidaha wax lagu karsado, ayaa isticmaalkooda ku soo badnayay gudaha UK iyo meelo kale.
Guud ahaan Yurub, shidaalka laga sameeyo dufanta xayawaanka dhintay ayaa kor u kacay afartan laab tan iyo 2006, sida lagu sheegay cilmi-baarista cusub.
Inta badan aaladan waxaa loo isticmaalaa baabuurta yar iyo kuwa xamuulka qaada .
Laakiin dawladaha UK iyo Yurub ayaa hadda aad u danaynaya inay kordhiyaan isticmaalka dufanta xoolaha dhintay oo loo badalayo shidaal loo isticmaalo diyaaradaha, si aysan u badan wasakhowga hawada.
Imisa doofaar oo dhintay ayaad u baahan tahay inaad u isticmaasho diyaarad?
Sida laga soo xigtay khubarada Gaadiidka & Deegaanka, duulimaad ka yimaada Paris ilaa New York wuxuu u baahan doonaa dufunka 8,800 oo doofaar oo dhintay .
Shirkadaha diyaaradaha ayaa waxaa soo badanaya cadaadiska lagu hayo ee ah in ay yareeyaan wasakhowga ay hawada u geystaan taasi oo ku qasbaysa inay isticmaalaan waxyaabo kale.
Sanadka 203 ayaa waxaa lagu wadaa in uu kordho dalabka iyo isticmaalka shidaalka laga smaeyo dufanka xoolaha dhintay .
Xaqiiqda ah in dufanka xoolaha loo isticmaalo shidaal ahaan ayaa dad badan la yaab ku noqon doonta.












