Shan xeeladood oo looga hortago daalka hurdo fiicanna lagu helo

Hurdo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sirta dareemidda firfircoonida hurdada habeenkii kadib waxaa laga yaabaa inay bilaabato maalintii. Halkaan waxaan idinkugu heynaa talooyin ku saabsan sida aad u horumarin lahayd una yareyn lahayd daalka.

Daal miyaad dareemeysaa? Kaligaa ma tihid – waxaana laga yaabaa inaad ka fakareyso sidii aad wax uga yara baddali lahayd dabeecadahaaga hurdada taasoo ah natiijadii arrinkaas ka dhalatay daraaddeed.

Badanaa, xeeladaha naloo sheego inay nagu caawin doonaan sidii aanu u dareemi lahayn kuwo ka nasiino badan sidii hore ayaa diiradda saara habeenkii, sida inaanu waqtiyo isku mid ah aanu jiifka sariirta aadno iyo inaanaan sariirta dusheeda ku daawan muuqaallo.

Laakiin hurdada wacan ee habeenkii kuma saabsana oo qura joogtaynta hurdada habeeenkii. Dhanka kale, inaad nafis dareentid maahan mar walba wax ku saabsan seexashada wacan ee habeenkii. Waxaa jira waxyaabo kale oo aad samayn karto maalintii adigoo aad usoo jeeda kuwaasi oo saamayn yeelan kara.

Halkaan waxaan idinkugu soo gudbineynaa siyaabo aad nasiino intii hore ka badan ku dareemi karto, siyaabo aad ku siyaadin karto heerarkaaga firfircoonida jirka iyo, haa, aadna dabcan ku sii horumarin karto hurdadaada kuwaasi oo aan kugu qasbeyn inaad baddasho dabeecadahaaga hurdada qudhooda.

Ka taxaddar heerarkaaga macdanta birta

Saddexdii qofba hal caalamka ideylkii ayaa la' heerar ku filan oo macdan ah. Gaar ahaan kooxaha u nugul waxaa ka mid ah dhallaanka iyo socod baradka, hablaha iyo haweenka dhalmada wada (taasoo ay ugu wacan tahay dhiig badan oo ka baxa waqtiga caadada), haweenka uurka leh, ciyaartooyda dheesha ciyaaraha dadaalka badan u baahan, dadka quuta khudaarta (gaar ahaan kuwa u go'ay khudaarta ee aan hilbaha cunin) iyo dadka sida joogtada ah dhiigga ugu deeqa dadka kale. Laakiin qof un kii uu ahaadaba uu soo afjari karaa kala dhimanaanta haysa ee iron ama cawaaqibka ka dhalan kara, dhiig la'aanta ama anaemia – oo astaamaha ayaa waxaa kujiri kara daal iyo tacaabo badan, laakiin sidoo kale dagganaan la'aan iyo soo jeedka habeenkii.

Haddii aad si joogto ah u dareemeyso daal, inkastoo aad wax ka beddesho caadooyinkaaga hurdada, waxaa laga yaabaa inay mudan tahay inaad la tashato dhakhtarkaaga si aad u tijaabiso heerarkaaga ferritin (borotiinka caawiya kaydinta birta), ama haemoglobin, oo ah maaddada safrisa oksojiinka una qeybisa jirka ideylkii.

Xitaa haddii aadan lahayn yaraanta birta, dhug u yeelashada nafaqada waxay kaa caawin kartaa inaad iska ilaaliso arrinkaas. Ilaha laga helo badi macnata horayba jirku u qaadan karo, looguna yeero heme iron, meelaha laga helo waxaa ka mid ah hilibka xoolaha, kalluunka iyo ugxaanta digaagga, halka ilo kale oo aan ahayn nooca heme (sida digirta iyo khudradda cagaaran) ay sare u qaadi karaan helitaanka walxaha jirku u baahan yahay ayadoo la cunaayo cunno uu ku badan yahay fitamiin C isla markiiba.

Cun khudaarta

Khudaarta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cunidda khudaarta ayaa lala xiriiriyay hurdo fiican
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Daraasado dhowr ah oo waaweyn ayaa lagu ogaaday in dadka waaweyn ee cuna khudaarta macaan iyo khudaarta la karsho oo badan ay sheegaan hurdo wanaagsan, halka kuwa cuna cuntada fudud iyo cabitaanno fudud ay soo tebiyaan in ay ka sii daraan. Gaar ahaan, cilmi-baaris ayaa lagu ogaaday in shakhsiyaadka cuna cunnada loogu yeero Mediterranean – oo caan ku ah heerar sare oo khudrada la karsho ah, furutada, lawska iwm, digirta iwm, haruurka iyo caanaha subagga ku jira yar yahay – ay si joogto ah u seexdaan, iyo si sidii hore ka wacan, marka loo barbar dhigo dadka aanan cunin cunnadaas. Halka, dadka seexday wax ka yar shan saacadood habeenkiiba la ogaaday inay cunaan heerar yar oo ah ah iron, zinc, selenium, phosphorus, iyo magnesium, iyo waliba fitamiin C iyo lutein, marka loo barbardhigo kuwa seexday in intaasi ka badan.

Mar walba way adag tahay in la ogaado xiriirka ka dhexeeya sababta iyo saamaynta, gaar ahaan mawduucyada aadka u dhib badan in la barto sida nafaqada iyo hurdada. Sababtan awgeed, kama cadda daraasadaha intooda badan in dadku si fiican wax u cunaan marka ay hurdo badan seexdaan, si fiican u seexdaan maaddaama ay si fiican wax u cunaan ama labadaba.

Walina, ma ahan oo kaliya in aanu ahayn kuwo intii hore ka badan loo badinaayay inay cunaan cunno aanan habbooneyn markay daallanaayeen – waxay sidoo kale wax ka baddali kartaa nooca hurdada aanu helno. Hal daraasad oo lagu sameeyay 15 nin oo da' yar gudaha Sweden ayaa lagu ogaaday in markii ay cuneen cunno leh dufan badan, cunno leh sonkor badan ay mawjadaha maskaxdoodu isbaddaleen markii ay seexdeen iyo in tayada hurdada qotada dheer ee ay seexdeen ay sii xumaatay. Markii ay u baddaleen cunnada ay cunaan mid intii hore ka caafimaad badan oo ka dufan yar, kana sonkor yar, ay huradooda qotada dheer ay sii wacnaatay.

Inkasta oo daraasadaha noocan oo kale ah ay yar yihiin ayna ugu wacan tahay culeysyada lagala kulmo soo ururinta xogta dhaqdhaqaaqa maskaxda marka qof hurdo - waxay u baahan yihiin inay tagaan shaybaarka hurdada oo la kormeero habeenkii - waxaa jira caddaymo kale oo badan oo tilmaamaya faa'iidooyinka cunto caafimaad leh ay hurdada u leedahay.

Tijaabooyin xoogaa ah oo la xakameeyay oo si aan kala sooc lahayn loo soo xushay waxay muujiyeen in inaanu cunno shan (ama toban) khudrad oo tan la karsho ah ay sare u qaadi karto hurdadeenna. Hal daraasad oo lagu sameeyay in ka badan 1,000 oo dhalinyaro ah oo cunay wax ka yar saddex xabbo oo khudaar ah maalintii, tusaale ahaan, waxay eegtay hurdadooda ka dib markii ay kordhiyeen qaadashada. Saddex bilood kadib, haween (laakiin, si xiiso leh, ragga maahan) ayaa labo jibbaar loo badinaayaa in ay sii horumariyaan astaamahooda hurdo la'aanta, waxoogaa hurdo intii hore ka wacan ayay heleen, waxayna qaateen waqti intii hore ka yar ka hor intaysan gam'in haddii ay kordhiyeen cunnadaa inta ay soo riteen ilaa lix jeerna ay ka dhigeen, marka loo barbar dhigo kuwa aanan sidaasi yeelin.

Halka, tijaabo la xakameeyay oo loo soo xushay si aan kala sooc lahayn lagu ogaaday in markii carruurta cunno gaar ah in lasiiyo lagu bilaabay taasi oo ay kujiraan khudrad cagaaran shan jeer toddobaadkii, ay sheegeen in ay dareemeen nasiino badan ayna si sidii hore ka wacan u seexdeen.

Cilmi-baadhayaashu waxay qoreen in tani ay ugu wacan yihiin heerarka sare ee fiitamiinnada ku jira khudradda cagaaran, gaar ahaan A iyo C, kuwaas oo sidoo kale ka caawiya nuugista macdanta kale ee caawin karta hurdada, sida birta.

Samee jimicsiga gaaban (xitaa haddii ay fiidkii tahay)

Jimicsi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inkastoo xiriir gaaban oo u dhexeeya jimicsiga jirka iyo hurdada wali daraasad lagu samaynaayo, jimicsi, guud ahaan, wuxuu u muuqdaa inuu nagu caawiyo inaanu seexano muddo intii hore ka dheer oo kafiican – mana ahan inaad samayso in badan sida laga yaabo inaad ku fakareyso.

Mid ka mid ah falanqeynadii awooda lahaa ee meta ee 2015 oo ka tirsanayd 66 daraasadood, tusaale ahaan, waxaa lagu ogaaday xitaa in maalmo yar jimicsi la samaayay ay ku caawisay dad inay durba hurdo la dhacaan ayna muddo intii hore ka badan seexdaan , halka jimicsashadu si intii hore ka joogto badan sidoo kale ay u horumarisay tayada hurdada.

Saamaynadu inta badan way yaraayeen, laakiin way ka waynaayeen intii hore dadka qaba cabashooyinka hurdada. Si kale haddii loo dhigo, dadka waaweyn ee hurdadooda la halgama waxay si gaar ah uga faa'iidaysan karaan jimicsiga ilaa ay dhididaan.

Jimicsi joogto ah waxay sii horumarin kartaa tayada hurdadeenna.

Daraasado kale ayaa tilmaamay in jimicsiyadu aysan ahayn kuwo xooggan, ama ay ahaadaan maalin kasto kuwo la sameeyo, si isbaddal wacni u yimaado. Dib u eegid kale ayaa lagu ogaaday in jimicsashada saddex jeer toddobaadkii ay natiijooyin wacan u lahayd hurdada marka loo barbar dhigo maalin kasta (ama toddobaadii hal jeer). Darnaan dhexdhexaad ah jimicsi leh waxay sare u qaadi kartaa seexashada in badan marka loo barbardhigo darnaan sarreysa, iyo in xataa 10 daqiiqo maalintii oo jimicsi ah uu wax weyn tari karo. Dib u eegid kale oo lagu sameeyay cilmi barista ayaa tilmaantay in jimicsiga fiidkii ah, ilaa labo saacadood ka hor intaan sariirta la tagin, ma carqaladeyso hurdada – waana war wacan oo loogu tala galay dadkeena aanan waqti kale u haysan inay la qaataan tababareyaasha.

Horumarinta hurdada ma ahan sida qura ee jimicsi laga yaabo inuu nooga dhigo kuwa dareema kuwo intii hore ka nasiino badan, si kasto oo ay ahaataba. Cilmi-baaris ayaa lagu ogaaday in samaynta jimicsi ay naga dhigto kuwo loo badinaayo inay dareemaan inay intii hore ka firfircoon oo xataa la dhihi karo sidii hore ka wacan ayay u seexdeen xalay – ayadoo aan loo eegeyn siday hurdadeennu u fiicnayd runtii.

Iska yareynta (ama dhimitaanka) khamriga iyo tubaakada/sigaarka

Waxay taasi kasoo muuqataa liiska dad badan go'aanadooda Sanadka Cusub, laakiin kuweenna sida joogtada ah u caba khamriga iyo biirka ama sigaarka dhuuqna, si lama filaan ah u dhimitaanka waxay noqon kartaa wax ay adag tahay in la laasimo . Taas waxaa malaha ugu wacan yoolasha qaabka ku salaysan – kuwa la gaari karo ee guushana si sahlan loo cabbiri karo, sida la qabsashada dabeecad cusub ama bilaabitaanka isbaddal wacan – way ka guul badan yihiin kuwa diiradda saara ka caagidda. Sannadkaan, inkastoo, laga yaabo in adigu aad dooneyso inaad isku daydo inaad bilowdo dabeecad qamri cabid ama sigaar dhuuqid adoo ay kaaga dhigan tahay siyaab leh lagu dareemo nasiino intii hore ka badan.

Sigaar-cabid waxaa lala xiriirshay waqti intii hore ka adag in la maro ka hor intaan la gam'in iyo in wax loo soo celin karo si sidii hore ka yar, oo ah hurdo mowjad yara hooseysa leh.

Carruurta cunta cunno kadib markii ay soo toosaan waxay helaan dareen wax dhug u yeelasho oo sarreeya, xasuus iyo shaqo fulineed.

Cabitaanka khamriga sidoo kale wuxuu u muuqdaa inuu keeno hurdo xun, inkastoo ay jirto digniin. Qaadashada ilaa laba ama saddex cabitaan ka hor wakhtiga jiifka waxaa laga yaabaa inay ina dareensiiso hurdo liidaanyo ah oo intii hore ka badan, laakiin marka hore oo kaliya weeye: haddii aanu kusii socono sidaas saddex maalmood (ama ka badan), saamaynta natiijo xun ayaa soo baxaysa, ayadoo cabitaanka joogtada ah lala xiriirshay halis intii hore ka weyn oo hurdo la'aan ah.

Cilmi baaris kale ayaa lagu ogaaday in xataa waxa ugu yar sida hal dhalo oo qamri ah sariirta intaan la tagin ka hor ay wax ka baddasho hannaanka noolaha ee la xiriira hurdada, ayadoo dadka caba khamriga ay hurdo la dhacaan in ka badan inta dadka kale oo dhanka degdegga ah aadna ay hurdo wacan u heelaan marka dadka kale loo barbar dhigo nuska hore ee habeenka, laakiin way soo kacaan in badan nuska labaad ee habeenkii oo waxay helaan hurdo tan dadka kale ka yar oo ah tan indhaha si degdeg ah loo dhaqdhaqaajiyo. Cabitaanka ayaa sidoo kale wax u dhimi kara garaaca dhiigga jirkeena wareegaya, dhimitaanka inta muddo la hurdayo ee wadarta guud ee aanu heli karno iyo samaynta wixii hurdo la'aan ah ee la xiriira neefsashada, sida neefsiga oo la joojiyo haddana cabbaar kadib dib loo bilaabo inta la hurdo, iyo waxyaabo kasii daran.

Quraacda ha ka boodin

Quraac

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Inaad quraac cunto waxay kaa celin kartaa daalka kaana caawin kartaa kordhinta garaadkaaga

Sida ay BBC horayba u tebisay, marka laga hadlaayo su'aasha ah in cunitaanka quraacda ay gacan ka geysato dhimitaanka miisaanka (ama sii waditaanka miisaan caafimaad leh), caddeynta ayaa isku qasan. Mid ka mid ah tixaneyaasha tijaabooyin la xakameeyay oo si kala sooc aan lahayn loo soo xushay, tusaale, waxaa lagu ogaaday in aanay jirin saameyn cad oo dhanka cunidda (ama cunid la'aanta) quraacda ah oo ku imaanaysa natiijooyinka sida cufka jirka.

Cunista quraacdu waxay kaa caawin kartaa inaad la dagaallanto daalka waxayna kaa caawinaysaa kor u qaadidda hawlaha garashadaada (Dhibcaha: Sawirrada Getty)

Faa'iidada quraacda ayaa sidii hore ka cad, si kastaba ha ahaatee, marka ay timaaddo saamaynta suurtagalka ah ee cuntadu ku yeelan karto dareenka miyir-qabka iyo firfircoonaanta.

Haddaba dib u eegid oo lagu sameeyay daraasado dhan 43 waxaa lagu ogaaday in cunitaanka quraacda sare u qaadi karo xasuusteenna iyo wax dhug u yeelashadeenna – oo halka saamaynadaa ay ahaayeen kuwo guud ahaan yar, waxay sidoo kale ahaayeen joogto. Arrinkaas ayaa sidoo kalena lagu arkay carruurta, ayadoo tijaabooyin loo soo xushay si aan kala sooc lahayn oo la xakameeyay lagu ogaaday in carruurta cunta cunto markii ay soo toosaan ay wax dhug u yeelashadoodu kororto, iyo xasuusta iyo shaqo qabashada.

Cilmi-baaris kale ayaa lagu ogaaday in cunista quraacdu ay kaa caawin karto inaad dareento daal intii hore ka yar.

Hal daraasad oo ay sameeyeen 127 arday oo dhigta dugsi caafimaad, tusaale, waxaa lagu ogaaday in kuwa cunay quraac ay soo tebiyeen daal intii hore ka yar marka loo barbar dhigo kuwa ka booday.

Cunista waqtiyo joogto ah ayaa sidoo kale laga yaabaa inay faa'iido leedahay. Daraasadda ardayda dugsiga caafimaadka iyo cilmi-barista labadaba, oo ay kujiraan daraasadda in ka badan 1,800 arday oo qalin jabiyay oo kusugan Taiwan, ayaa lagu ogaaday in ka qeyb qaateyaasha cunay waqtiyo isku mid aanan ahayn ay dareemeen daal intii hore ka badan marka loo eego kuwa aanan sidaa yeelin.

Labadan daraasadood waxay ahaayeen indho-indhayn, markaa waxaa suurtogal ah in ka qaybgalayaasha aadka u daalan aanan aad loogu badinahayn inay waqti u yeelaan quraacda ama ay cunaan waqtiyo joogto ah oo isku mid ah. Waliba, urur sii kobcaaya oo daraasadeed ayaa ogaaday in dikaanada dhiiggeenna wareeggiisu ay saameeyaan marka aan wax cuneyno, iyo marka aanu wax cuneyno ay saameeyaan dikaanada wareegga dhigeen – marka waxay u muuqataa in loo badinaayo in xiriirku labada dhanba usocdo.

Haddii wax kale aysan jirin, haddii aad la halgameyso daal, cunidda waqtiga saxda ah labo ukun ah ama baaquli boorash ah ka hor inta aadan albaabka ka bixin waxay noqon kartaa mid aad u fudud in la isku dayo.