Hurdo la'aan ma ku haysaa? Soo qaado qalin iyo warqad si aad u hesho jawaabo ku caawinaya

Hurdo la'aan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haddii aad dhibaato ku qabto hurdada, waxaa helikartaa xal ee soo qaado qalin iyo warqad.

Waxaa jirta waxyaabo kaa hor istaagaya inaad seexato oo ay kamid yihiin ka fekerka waxyaabaha aad filanayso inaad qabato maalinka xiga, si fudud waa inaad aad uga fekerto howlo aad bilowday oo qabyo kuu ahaa kuwaas oo aadan wali dhamayn.

Daraasad lagu sameeyay shaqaale ka tirsan shirkad IT ah oo ku taala Jarmalka, kuwaas oo aanan dhammayn hawlihii u harsanaa dhammaadka toddobaadka, ayaa la ogaaday inay aad uga fekerayeen dhibaatooyinka aysan wali xalka u helin iyo shaqada ku dhimanayd, marka la barbar dhigo shaqaalihii kale ee dhameeyay shaqadii u taalay kuwaas oo aanan la kulmin wax walwal ah ama hurdo la'aan ah.

Christine Syrek, oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacadda Trier, ayaa qortay in natiijada ay muujinayso in "Iyada oo ay shaqo u taalo qofka uu dhamaado asbuuca ay saamayn ku yeelanayso caafimaadka shaqaalaha, sidoo kale ay hurdo la'aan ku keenayso maalmaha fasaxa uu yahay."

"Maskaxda oo shaqaysa in badan" waxa ay aad uga fakaraysaa waxyaabo xunxun oo kugu dhacay ama aad filayso inay mustaqbalka dhaw dhacaan.

Haddii aad mashquul ku tahay howlaha subaxda dambe, waxaa laga yaabaa inaad seexan weydo, maadaama aad ka fekerayso hawlaha hortaada yaal ee qabyada kuu ahaa iyo shaqooyinka maalinkaas ee ku sugaya.

Maxaad sameyneysaa si aad u seexato hurdo wanaagsan oo aadan aad uga fikirin?

Hurdo La'aan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qoritaanka waxa aad filayso inaad qabato maalinta xigta waxay kaa caawin doontaa inaad dhaqso u seexato, sida lagu ogaaday cilmi baaris

Inta aadan seexan kahor isku day inaad wax aqriso, ama ka feker waxyaabaha kugu xeeran markaas oo ay kamid yihiin qolka aad dagantahay ama dhagayso garaaca wadnahaaga iyo dareenkaaga kugu xeeran iskana ilaali inaad ka fekerto waxyaabaha aad filayso inaad samayso maalinta xigta si maskaxdaadu u degto.

Dhanka kale inaad qorto oo aad liisgarayso waxyaabaha maskaxdaada ku taagan ee aad qorsheenayso ayaa qayb ka ah inaad yarayso fekerka badan sida lagu sheegay daraasad lagu sameeyay gudaha dalka Maraykanka, taas oo muujinaysa in qorista qorshayaasha kahor xilliga hurdada ay wax ka tarayso in maskaxda dejiso oo ay si degdeg ah u seexato.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Michael Scullin, oo ah maamulaha shaybaarka Neuroscience, oo ah shaybaar waxbadan oo ku saabsan hurdada iyo garashada maskaxda lagu ogaado ee jaamacadda Baylor oo ku taalla dalka Maraykanka, ayaa ka codsaday koox mutadawaciin ah xilliga hurdada kahor inay qoraan liiska waxkasta oo ay ku guulaysteen, si lamid ah koox kale ayuu ka codsaday howlihii qabyada u ahaa oo ay ahayd inay qabtaan si ay u dhamaystiraan berri, baaritaanka ayaana lagu sheegay inay si degdeg ah u hurdeen kooxda labaad.

Intii howlo kugu taagan oo aan nidaamsanayn ay maskaxdaada wareerin lahaayeen waxaa lagu taliyay inaad isku habayso oo aad kala qorto sida ay u kala muhiimsanyihiin.

Saynis yahannada kuma tiirsana qiimaynta lagu sameeyay baaritaankii mutadawaciinta ee hurdada, balse waxaa sidoo kale nooc daraasad ah oo lagu magacaabo polysomnography, lagu ogaaday in maskaxda ay aad u shaqayso marka uu qofka soo jeedo, si loo sameeyo baaritaankaas ayaa kooxo lagu dhajiyay qalab si loola socdo dareemeyaasha madaxa qofka iyo qaybaha kale ee jirka si ay ula socdaan hirarka maskaxda, neefsashada iyo dhaqdhaqaaqa.

Hurdo la'aan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Inaad ku qorto waxyaabaha aad rabto inaad ku sameyso warqad waxaa loo yaqaanaa "wax dhimista maskaxdaada".

Si aad naftaada u jeehayso waa inaad samysaa tallaabooyin kugu hagaya waddada aad hayso kuwaas oo ka qayb qaadanaya inay yaraato shaqada maskaxdaada iyo culayska fuulaya ee u diidaya nasiinada iyo hurdada.

Samaynta liiska qaabeysan ama jadwalka berri waxaad ka shaqayn kartaa inta aadan seexan adiga oo isticmaalaya warqad iyo qalin ama ablikeeshinada wax lagu qoro ee moobilada casriga ah, waana mid ka qayb qaadanaysa yaraynta fekerka badan inta aadan seexan kahor.

Waxaa lagu taliyaa in aad kala shaandhayso howlaha kuu yaal si qodobaysan, intii aad si guud u qori lahayd inaksta oo liiskaaga ay ka dhigayso mid dheer.

Cilmi baaris uu sameeyay Professor Scullin ayaa lagu ogaaday in dadka mashquulka ah ee sameeyay in ka badan 10 liis oo shaqo ah ay seexdeen celcelis ahaan 15 daqiiqo marka loo eego dadka aan samayn liisaska wax qabadka.