“Gabadhayda yar wax ma cunto haddii aanay haysan telefoon”

Inta badan carruurta ayaa sanadihii dambe fursad u helay isticmaalka telefoonnada gacanta, gaar ahaan kuwa casriga ah.
Waalidiin badan waxaa welwel badan ku haya saameynta caafimaad iyo tan dhaqan ee uu telefoonka ku yeelan karo carruurtooda.
Waxa ay dood ka taagan tahay da’da ugu haboon ee carruurta loogu oggolaan karo in ay isticmaalaan telefoonka gacanta.
Nayab Fawad waa hooyo haysata gabar lix jir ah, waxaana ay ku nooshahay magalaada Islamabad ee dalka Pakistan.
Waxa ay ka warrantay sida ay gabadheeda maalintii oo dhan u haysato telefoonka gacanta, laga billaabo subixii ilaa habeenka marka ay seexanayso.
In ka badan sideed saacadood maalintii ayay marna kaartoon ka daawataa marka ku ciyaartaa barnaamijyada carruurta.
Nayab ayaa hadda ka fekeraysa sidii ay gabadheeda uga jari lahayd isticmaalka badan ee telefoonka.
“Markii hore, waxaana gabadhayda telefoonka siin jiray marka ay wax cunayso, si ay uga daawato kaartoon. Markii dambe waxa ay gaartay heer ay cunnada diido haddii laga qaado telefoonka,” ayay tiri Nayab.
Waxa ay sheegtay in uu u joogo wiil sanad jir ah oo aanay dooneyn in isticmaalka telefoonka uu u qabatimo sida walaashii oo kale.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Carruurta iyo telefoonka
Sanadihii dambe waxaa soo badanayay shakhsiyaadka caanka ah ee ka walaacsan carruurta isticmaasha telefoonka gacanta.
Waxaa kamid ah fannaanada Madonna oo sheegtay in ay ka qoomamaynayso sababta ay carruurteeda ugu oggolaatay telefoon iyagoo 13 jir ah.
Cilmi baaris ay samaysan hay’adda Sapien Lab ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa lagu ogaaday in carruurta da’da yar ku billaaba isticmaalka telefoonka ay dhibaatooyin dhanka maskaxda ah la kulmaan marka ay weynaadaan.
Baaritaanno badan oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in saameynta ugu badan ee carruurta ay kala kulmaan isticmaalka telefoonka ay tahay xanuunnada indhaha.
Inkastoo ay digniinahaas jiraan, haddana waxaa maalin kasta sii badanaysa tirada carruurta isticmaala telefoonka.
Waalidiinta qaar ayaa lagu dhaliilay in carruurta ay u dhibaan telefoonka si ay “isaga mashquuliyaan.”
Sida carruurta looga ilaalin karo telefoonka
Sarah Laghmani oo ku takhasustay fahanka carruurta ayaa sheegtay in loo baahan yahay tallaabooyinka soo socda si carruurta looga jaro ama looga yareeyo isticmaalka xad dhaafka ah ee telefoonka.
- In waalidiinta ay yareeyaan isticmaalka telefoonka xilliyada ay guriga joogaan, maadaama carruurta ay wax badan ka bartaan waalidkood.
- Marka carruurta wax la barayo, waa in macallimiinta ama waalidka uu iska foogeeyo telefoonka oo uu u soo jeesto ilmaha.
- Si taxadar leh carruurta uga qaad telefoonka, adiga oo aan isticmaaleyn canaan ama awood.
- U wad carruurta bannaanka iyo goobaha lagu ciyaaro si aanay u helin waqti ay ku fiirsadaan telefoonka.
- U yeel carruurta howlo ay kaga mashquulaan isticmaalka telefoonka.













