Orodkii Jolien Boumkwo iyo sida uu uga duwan yahay kii Nasro

Jolien Boumkwo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn u faafiyay muuqaalka Jolien Boumkwo oo u dhalatay Belgium, taasoo kaalinta u dambeysa ka gashay orodka bootinta wata ee European Athletics Team Championships oo June ka dhacay Poland.

Qaar badan ayaa ku dooday in marka la eego natiijada liidata ee Boumkwo, ay ka dhigan tahay in Nasro Abuukar aanay ahayn ciyaartooyda ugu hooseysa ee abid ka qeyb qaata tartan orod ah.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 1

Nasro ayaa Soomaaliya ku metashay orodka 100-ka mitir ee tartan jaamacadaha loogu qabtay dalka Shiinaha, waxaana sheekadeeda ay qabsatay caalamka, halka Jolien Boumkwo ay bishii June ka qeybgashay orodka 100-ka mitir ee bootinta wata.

Halkan ka daawo qaabka ay u oroday Jolien Boumkwo.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 2

Jolien Boumkwo oo xirfadeedu tahay ciyaaraha tuuritaanka walxaha culus ayaa orodka uga qeybgashay si ay u badbaadiso waddankeeda Belgium oo ay dhaawac uga fariisteen laba ciyaartooy uu uga qeybgali lahaa orodka bootinta wata.

Haddii Belgium aanay ka qeybgali lahayn tartankaas, waa laga saari lahaa oo taasi dan uma ahayn. Sidaas ayaa looga codsaday Jolien Boumkwo oo aan u diyaarsaneyn in ay ka qeybgasho orodka.

Orodkaas waxaa ku guulaysatay Teresa Errandonea oo Spain u dhalatay, iyadoo ku oroday 13.22 ilbiriqsi, halka Jolien Boumkwo ay ku oroday 32.81 ilbiriqsi.

Mar la weydiiyay sababta ku dhalisay in iyadoo aan aqoon orodka ay uga qeyb qaadatay ayaa Boumkwo waxa ay xilligaas sheegtay in ”kooxda qarankeeda ay badbaadinaysay”.

”Waxaan oggolaansho ka helay tababarahayga oo ii sheegay in haddii aan dhaawac iska ilaalin karo oo aan ku faraxsanahay, aan ka qeyb qaadan karo tartankaas, maadaama ay dhaawac noqdeen gabdhihii loo diyaariyay,”

Hadal-hayntii Jolien Boumkwo

Si ka duwan Nasro oo dadweynaha iyo warbaahintu ba ay si dhaliil leh uga hadleen guuldaradeeda, ayaa Jolien Boumkwo waxaa xilligaas lagu tilmaamay qof qarankeeda u dadaashay oo xaalad adag u istaagtay.

Warbaahinta qaar ayaa xilligaas ku tilmaantay Jolien Boumkwo boqorad waqti muhiim ah u hurtay dalkeeda, maadaama ay doonaysay dhibicda lagu bixiyo ka qeybgalka.

Nasro Abukar oo warbaahinta baraha bulshada la hadashay guuldareeda kadib ayaa sheegtay in muruq ay ka dhaawacantay oo ay sidaa ku ordi weyday.

Arrinteeda ayaa dhalisay in wasaaradda ciyaaraha ee Soomaaliya ay shaqo joojin ku samayso gudoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud, Khadiijo Aadan Daahir oo lagu eedeeyay in ay Nasro u dirtay tartankaas.