Maxaad ka ogtahay orodyahannada Soomaaliya ku matalaya tartanka Shiinaha ka dhacaya?

Xigashada Sawirka, Facebook
Waxaa shalay garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde laga sagootiyey laba orodyahan oo Soomaaliya uga qayb gali doona tartan orod oo ka dhacaya dalka Shiinaha.
Labada oradyahan ayaa ka qayb geli doona tartanka orodka ee jaamacadaha aduunka oo sagaal iyo labaatanka bishan ka dhacaya magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha. Waxaa magaaladaas ka dhacaya noocyada kala duwan ee ciyaaraha fudud balse Soomaaliya waxaa ku matalaya oo kaliya laba ciyaartoy oo labaduba tartamada orodka ka qayb gali doona.
Waxaa tartanka ka qayb geli doona orodyahanno ka kala socda jaamacadaha caalamka ee shanta qaaradood, waxayna orodyahannada Soomaaliya wajihi doonaan ciyaartoy qaarkood ka qayb qaata tartannada heer calami.
Haddaba maxaan ka naqaan taariikhda orodka ee labada oroyahan ee Soomaaliyeed?
Nasra Abuukar Cali

Xigashada Sawirka, Facebook
Nasra Abuukar waa 20 jir, sannadkii 2003-dii ku dhalatay magaalada Muqdisho, halkaasna ku soo qaadatay waxbarashada hoose dhexe. Hadda waxay dhigataa Jaamacadda Jobkey oo ah halka lagasoo xulay si ay orodkan caalamiga ah ugu matasho jaamacadaha Soomaaliya.
Nasra ma laha taariikh orodyahannimo oo ka horreysa midda hadda, balse guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, Khadiija Aadan Daahir oo aan wax ka waydiinay waxay noo sheegtay in ay qaadatay layliyo adag oo ay isugu diyaarinayso ka qayb galka orodka boqolka mitir.
Ururka Jaamacadaha Aduunka ayaa hal arday ama ka badan ka xusha jaamacadaha waddamada waxaana la marsiiyaa qiimeyn, taas oo ka dhigan in aysan Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya si toos ah u dirsan iyagu soona xulan ardayga lagasoo xulayo jaamacadaha sida ay Khadiijo noo xaqiijisay, “waxaa lagasoo xulay jaamacadda Jobkey laakiin magaca Jaamacadaha Soomaaliaya ayey ku ordeysaa.” Ayey tiri Khadiija Daahir oo ka hadleysay sida lagu soo xulay Nasra.
Inkasta oo aysan Nasro lahayn taariikh orodyahannimo oo hore hadana waxay khadiijo sheegtay in ay orodka taqaan soona qaadatay layli orod oo ay kaga qayb qaadato tartanka , “qof aan orodka aqoon maba ordi karo” ayey tiri khadiijo mar ay ka hadlaysay in ay Nasro ordi karto.
Nasra waa arday jaamacadeed, welina xirfad ahaan ma aysan noqon orodyahan balse waxay muddo laba sana ah isu diyaarinaysay ka qayb galka tartankan sida aan kasoo xigannay Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya Marwo Khadiija Aadan Daahir.
Cali Iidow Xasan

Xigashada Sawirka, Facebook
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cali waa 24 jir ku dhashay magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si ka duwan Nasra, Cali waa orodyahan marar badan Soomaaliya ku matalay tartammo caalami ah, waxaana isaga soo xushay Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya, wuxuuna ordaa orodka dheer ee kun iyo shanta boqol ee mitir (1,500m).
Wuxuu orodkiisa ka bilaabay Soomaaliya isaga oo ka qayb qaatay tartankiisii u horeeyay ee caalami ah muddo ay Guddoomiyaha Xiriiirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya, Khadiija Daahir ku qiyaastay lix sano ka hor isaga oo Soomaaliya matalaya.
Bishii Maarso ee sannadkan, wuxuu Cali dalka Jabuuti kaga qayb galay tartanka orodka ee dalalka bariga Afrika, kaas oo uu ka galay kaalinta labaad halka tan kowaad uu galay orodyahan u dhashay dalka Kenya, sidaas ayuuna Cali ku hantay billadda qalinka ee la siiyo qofka gala kaalinta labaad. “Wuxuu ka qayb galay tartankii Meeting Djibouti oo uu kaalinta labaad ka galay,” ayey tiri Khadiijo
Sannadkii 2021 wuxuu orodka Soomaaliya ku matalay ciyaarihii Olympic-ta ee ka dhacay dalka Japan isaga oo orday 1500 oo mitir, umana suurta gelin in uu wax billad ah ka keeno.
Bishii Juun ee sannadkan wuxuu sidoo kale ka qayb galay tartanka dalalka carbeed oo ka dhacayey dalka Algeria waana kiisii u dambeeyay ee heer calami, sida ay BBC u sheegtay Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaalia -Khadiija, wuxuu ka mid noqday tobanka orodyahan ee ugu fiicnaa balse wax billad ah ma uusan guddoomin.
Waxaa soo kabanaya xadhiidhada ciyaaraha ee Soomaaliya oo mar kale kasoo muuqanaya saaxada ciyaaraha caalamiga ah, kadib muddo labaatan sano ka badan oo ay Soomaaliya dowlad la’aan ahayd. Waxaase tartammo ay orodku u badan yihiin ka qayb gala Soomaali matalaya dalal kale kuwaas oo qaarkood billado dahab ah ku guulaysta.














