Sidee loo arkayaa dayax-madoobaadka caawa ee qeybo ka mid ah Afrika laga dareemi doono?

Dayax madoobaadka ayaa dhacaya marka dhulku ka hortago iftiinka qorraxda iyo in dayaxu casaan noqodo sababtoo ah iftiinka qorraxda oo ku fidsan jawiga dhulka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dayax madoobaadka ayaa dhacaya marka dhulku ka hortago iftiinka qorraxda iyo in dayaxu casaan noqodo sababtoo ah iftiinka qorraxda oo ku fidsan jawiga dhulka.

Dadka fiirinaya cirka qaybaha badan oo UK ah waxay sugi karaan muuqaal cajiib ah galabta marka dayax madoobaadka bisha uu si buuxda isugu beddelo bisha oo guduudata.

Bishu markay dhex marto hooska dhulka, waxay yeelan doontaa midab cas oo mug weyn, taas oo ka dhigeysa 'Bisha Dhiig'.

Iyada oo si buuxa dhacdadani u bilaabaneysa18:30 illaa 19:52, dadka ku sugan kaliya UK waxay arki doonaan marka Dayaxu soo baxo, taas oo ku xiran meesha aad joogto.

Dadka jooga dhanka bari ee UK ayaa helaya muuqaalka ugu waqtiga dheer, iyadoo dayax uu kasoo baxayo Norwich saacada 19:25 tusaale ahaan, halka inta badan Waqooyiga Galbeed ee Wales iyo Cornwall kaliya ay arkayaan hal daqiiqo ama labo. Waqooyiga Ireland iyo Galbeedka Scotland ma arki doonaan laakiin waxay wali arki karaan hooska dhulka oo dul saaran dayaxa.

Goorma ayuu dayaxu madoobaanayaa?

In kasta oo inta badan Maraykanka aan laga arki doonin dadka ka daawanaya qeybo ka mid ah Afrika, Bariga Dhexe, inta badan Aasiya iyo Galbeedka Australia waxa ay u arki donaan dhacdadan dayax-madoobaadka si dhammeystiran laga bilaabo bilowga ilaa dhammaadka.

Dr. Edward Bloomer, cirbixiye ka tirsan Royal Observatory Greenwich ayaa yiri: " dadka UK jooga laga yaabee in aysan arkin mid ka mid ah midabada is beddelaya ee ugu weyn ee aad ku aragto dayax madoobaadka si buuxda... inta badana dadka waxay u baahan doonaan inay sugaan 10 ilaa 20 daqiiqo.

"Laakiin way habboon tahay inaad daawato maxaa yeelay waxaad arkeysaa sida uu dayxu isku beddelo," ayuu yiri. "Tani ma laha saameyn gaar ah. Mana nqon karto wax kale – waa wax ka dhacaya nolosha dhabta ah ee hortaada ka jirto."

Dayax madoobaadkii ugu dambeeyay ee UK wax uu dhacay sanadkii 2022.

Waa maxay dayax madoobaadka iyo bisha oo gaduudata?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dayax madoobaadku waxa uu dhacaa marka dhulka uu si toos ah u dhex maro Qorraxda iyo Dayaxa, taas oo hoos u dhigaysa iftiinka qorraxda isla markaana mugdi gelineysa Dayaxa.

Inta lagu guda jiro dayax-madoobaadka, dayaxa waxaa qariya hooska dhulka, wuxuuna isku beddeelaa mid casaan ah badanaaba casaan mug leh.

Ka hor iyo ka dib guud ahaan, dayaxu wuxuu maraa laba marxaladood oo kale.

Qeyb ka mida dayx madoobaadka waxay dhacdaa kaliya marka qeyb ka mid ah dayaxa uu galo hooska dhulka, isagoo sameynaya qaybo madow oo muuqda.

Dayax madoobaadkan Axadda wuxuu bilaabanayaa saacaadda 16:28 wuxuuna dhammaanayaa 21:55 marka iftiinka qorraxdu si buuxda u dhammaado.

Dayax-madoobaadka mararka qaarkood wax loo yaqaanaa "Dayaxa Dhiigga" sababo la xiriira midabka cas ee dayaxa inta lagu jiro dhacdada. "Taariikhda dahaan, dadka waxay u arkaan sidii xaalad xun. Laakiin runtii, waa kala soocidda iftiink dhulka - saameynta isku midka ah ee ay na siiso qorraxda," ayuu yiri Dr. Bloomer.

Muuqaalka casaanka ah waa natiijada muuqaal loo yaqaan "shucaaca xidigaha "taas oo sidoo kale cirka ka dhigta buluug iyo guduudka ama casaan marka ay qorraxdu dhaceyso. Waxay faafisaa iftiinka gaaban ee buluuga ah, taas oo ay suurtogal tahay in iftiinka dheer ee casaanku in uu noqdo mid muuqda.

Inta lagu jiro dayax-madoobaadka buuxa, iftiinku qaabeeynaya dayaxa waxa uu ka soo gudbaa hawada dhulka.

Waxa loo maleeyaa sidii qorrax soo bax iyo qorrax dhac dhulka taas oo qaabeeysa dayaxa.

Sidee loo arki karaa?

Siad ugu wanaagsan ee loo arki karo waa in aad, meel fog sare istaagtaa marka uu dayaxu soo baxayo adigoo istaagaya goob muuqaal furan oo wanaagsan si aad u aragto Dayaxa marka uu soo baxo, sida magaallo leh buuro ama meelo taag ah oo wax laga arko.

Doobin ama Telescope ayaa kaa caawin kara haddii aad haysato, si ka duwan, Qorrax madoobaadka, si toos ah uma dhaawacayo indhahaada maadaama iftiinka dayaxu aanu weyneyneyn.

Daruuraha ayaa saameyn ku yeelan kara aragga, markaa kahor hubi cimiladaada deegaanka.

Dayax-madoobaadka xita ee kaso muuqan doona UK, waxa uu noqon doonaa 28 Agoosto 2026, sidaa darteed xusus qorkaada ku qor si aad mar kale ula kulanto dhacdadan samada.

Cirku ma noqon doonaa mid buluug ah si loo arko?

Maanta oo Axadda waxaa jiri doona roob culus iyo duufaanno ka soconaya dhanka waqooyi-bari ee UK, laakiin galabnimada roobka wuxuu si xadidan ugu koobnaan doonaa Scotland iyo waqooyiga fog ee Ingiriiska

Maanta oo Axad ah waxaa jiri doona roob culus iyo duufaanno ka soconaya dhanka waqooyi-bari ee UK, laakiin galabnimada roobka wuxuu si xaddidan ugu koobnaan doonaa Scotland iyo waqooyiga fog ee Ingiriiska.

Goobaha kale, daruuraha waxay si tartiib ah uga yaraan donaan guud ahaan Ingiriiska iyo Wales, waxaa jiri doona waqtiyo iftiin fiican, fursad wanaagsan oo lagu arko dayaxa oo kasoo baxaya dhanka bari ee cirka.

Waqooyiga Ireland, weli waxaa jiri doona daruuro badan laakiin sidoo kale waxaa jiri doona fursado daruur la'aan ah, taasoo ka dhigan in ay jirto fursad lagu arko dayaxa intii u dhaxaysa marka ay daruurahu kala furmaan. Si kastaba ha noqotee, waqooyiga fog ee Ingiriiska iyo Scotland, weli roobab ayaa ka da'aya waxana ka jira daruura xooggan. Fursadaha lagu arko dayax-madoobaadkan ayey u yar tahay.