Masar iyo Qatar oo war ka soo saaray duqayn dad badani ku dhinteen oo Israa'iil fulisay

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Ugu yaraan 32 qof ayaa lagu dilay mowjad duqeymo cirka ah oo ay Israa'iil ka fulisay guud ahaan Marinka Qaza maalintii Sabtida, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maxalliga ah.
Hay'adda difaaca rayidka, oo ay maamusho Xamaas, ayaa sheegtay in carruur iyo haween ay ka mid yihiin dadka la dilay. Waxay intaas ku dartay in mid ka mid ah weerar ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dagaalka ay duqeeyeen teendho ay ku jireen dad barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Khan Yuunis ee koonfurta.
Falastiiniyiintu waxay ku tilmaameen duqeymahan kuwa ugu culus tan iyo markii wejigii labaad ee xabbad-joojinta, oo uu dhexdhexaadiyay madaxweynaha Mareykanka Trump bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, uu dhaqan galay horraantii bishan.
Milatariga Israa'iil ayaa xaqiijiyay in weerarro dhowr ah la fuliyay, iyagoo sheegay in ay jawaab u ahaayeen waxa ay ku tilmaameen jebin ay Xamaas sameysay heshiiska maalintii Jimcaha.
Labada dhinac ee Israa'iil iyo Xamaas ayaa midba midka kale ku eedeeyay jebinta xabbad-joojinta tan iyo markii ay dhaqan gashay sanadkii hore.
Bayaan ay soo saareen ciidamada difaaca Israa'iil (IDF) ayay ku sheegeen in "siddeed argagixiso la arkay iyagoo ka soo baxaya kaabayaasha argagixisada ee dhulka hoostiisa ku yaalla bariga Rafah," oo ah aag ka tirsan Qasa halkaas oo ciidamada Israa'iil lagu dejiyay heshiiskii bishii Oktoobar.
IDF ayaa sheegtay in iyaga oo kaashanaya hay'adda ammaanka Israa'iil (ISA) ay beegsadeen bartilmaameedyo ku kala yaalla meelo kala duwan, oo ay ka mid yihiin "afar taliye iyo argagixiso kale," iyo sidoo kale bakhaar hub, goob lagu farsameeyo hub, iyo "laba goobood oo gantaallo laga rido oo ay leedahay Xamaas" kuna yaalla bartamaha Marinka Qasa.
Xamaas ayaa cambaareysay duqeymaha, waxayna ugu baaqday Mareykanka inuu qaado tallaabo degdeg ah, iyagoo intaa ku dartay in "xadgudubyadan joogtada ah" ay caddeynayaan in Israa'iil ay "sii waddo dagaal arxan-darro ah oo xasuuq ah oo ka dhan ah Marinka Qasa."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay sidoo kale sheegtay in toddobo ka mid ah dadka la dilay ay ka wada tirsanaayeen hal qoys oo barakac ah oo ku noolaa Khan Yuunis, iyadoo afhayeen u hadlay difaaca rayidka uu intaas ku daray in duqeymahu ay haleeleen guryo dabaqyo ah, teendhooyin, hoyo ah, iyo xarun booliis.
Mas'uuliyiinta isbitaalka Shifa ee magaalada Qasa ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo lagu qaaday magaalada ay haleeshay guri dabaq ah oo la deggan yahay, taasoo dishay saddex carruur ah iyo laba haween ah.
"Waxaan wadada ka helnay saddex gabdhood oo aan abti u ahay. . Waxay leeyihiin 'xabbad-joojin' iyo waxaas oo dhan. Maxay carruurtaasi sameeyeen? Maxaan annagu sameynay?" ayuu yiri Samer al-Atbash, oo adeer u ahaa saddexda carruurta ah ee la dilay, sida ay werisay wakaaladda wararka Reuters.
Muuqaallo fiidiyow ah iyo sawirro laga qaaday daafaha Qasa ayaa muujinayay maydad badan oo laga soo saarayo burburka, iyo dhismayaal tiro badan oo gabi ahaanba la dumiyay.
Duqeymahan ayaa imanaya xilli la filayo in marinka Rafah, oo ah xadka u dhexeeya Qasa iyo Masar, dib loo furo Axadda, kaddib markii Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ay horraantii toddobaadkan heleen meydka la haystihii ugu dambeeyay ee Israa'iil.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa cambaareysay duqeymahaas bayaan ay aragtay wakaaladda wararka AFP, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay "muujiyaan is-xakameyn buuxda."
Qadar, oo ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha ugu waaweyn ee wadahadallada xabbad-joojinta, ayaa sidoo kale cambaareysay "xadgudubyada Israa'iil ee soo noqnoqda," sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas.
Bishii Janaayo, ergayga gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff ayaa ku dhawaaqay bilowga wejiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta.

Xigashada Sawirka, Reuters
Wejiga koowaad, Xamaas iyo Israa'iil waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin dhaqan gashay bishii Oktoobar 2025, iyo sidoo kale is-weydaarsi la haystayaal iyo maxaabiis, ka bixitaan qayb ah oo ay Israa'iil sameyso, iyo gargaar bani'aadamnimo oo la kordhiyo.
Dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas ayaa billowday kaddib weerar ay hoggaaminaysay Xamaas oo lagu qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, markaas oo ku dhawaad 1,200 qof la dilay, halka 251 kalena la afduubtay.
Israa'iil ayaa ka jawaabtay iyadoo billowday olole militari oo ka dhan ah Qaza, intii uu socdayna in ka badan 71,660 qof ayaa la dilay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ugu yaraan 509 Falastiiniyiin ah la dilay tan iyo markii xabbad-joojintu bilaabatay 10-kii Oktoobar 2025. Sidoo kale, afar askari oo Israa'iili ah ayaa la dilay.
Inkasta oo Israa'iil ay horey u murantay tirooyinka ka imanaya wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas, haddana ilo amni oo sare ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in militarigu aqbalayo in in ka badan 70,000 Falastiiniyiin ah lagu dilay intii uu socday dagaalka Qaza.
Tirooyinka ay soo bandhigtay wasaaradda caafimaadka ayaa Qaramada Midoobay iyo ururro kale oo xuquuqda aadanaha ah u arkeen kuwo lagu kalsoonaan karo, waxaana si ballaaran u xigta warbaahinta caalamiga ah. Israa'iil ma oggola in hay'adaha wararka, oo ay ku jirto BBC, ay galaan Qaza si ay si madaxbannaan uga soo warramaan.













