Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo baaq u diray guud ahaan Soomaalida Geeska Afrika

Xigashada Sawirka, EBC
Daahfurka mashruuca Shabalee Resort ee deegaanka Soomaalida ayaa soo jiitay hoggaamiyeyaasha dalalka Geeska Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku sugan Jigjiga. Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku soo dhoweeyay mas'uuliyiinta magaalada Jigjiga.
Booqashadu waxay timid iyadoo geeska Afrika ay ku jirto xaalad adag.
"Walaalahayga Geeska Afrika ku soo dhawoowada Itoobiya!" waa fariintaas lagu gudbiyay baraha bulshada ee ra'iisul wasaaraha.
Intii uu ka hadlayay daahfurka mashruuca, wuxuu u sheegay madaxda dallaka deriska ah waxa isugu keenay hal meel ay tahay daahfurka mashruuca dalxiiska deegaanka Soomaalida.
Wuxuu sheegay in horumarka iyo nabaddu ay yihiin waxa dadka isu keena.
"Mashruucyada, nabadda iyo horumarku waa waxa dadka isu keena. Haddii nabadani sii socoto, waxay isu keeni doontaa gobollo badan oo kale, waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo gobolka nabadda iyo horumarka la abuuray oo aan ku soo dhoweeyo martida dalkiinna," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, EBC
Ra'iisul Wasaaraha ayaa shalay sheegay in gobolka Soomaalida, oo horey caan uga ahaa colaadaha, uu yahay "guri nabad iyo horumar."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Gobolka Soomaalida waxaa horey loogu yaqaanay dagaal iyo khilaaf, hogaamiyeyaashuna halkan waxay u yimaadeen sidii ay isu soo dhaafin lahaayeen oo nabadda u ilaalin lahaayeen.
Maanta, sida aad dhammaantiin arki kartaan, dadweynaha Soomaalida ee jecel nabadda waxay ka faa'iideysteen horumar ballaaran oo ay ka mid yihiin kumanaan KM oo wadooyin ah, guryeynta, warshad shidaal oo dhowaan la furay, mashruuca bacriminta, ballaarinta garoonka diyaaradaha, iyo hadda Shabalee Resort. Waa maalin aan aragnay in nabaddu ka roobeyso Soomaaliya. Arrintan si fudud looma qaadan doono. Waa shaqo weyn iyo guul weyn," ayuu yiri.
Shabalee Resort waa mashruuca labaad ee muhiimka ah ee lagu fulinayo barnaamijka 'Source for the Generation'. Shabalee Resort waxaa laga dhisay 385 hektar oo dhul ah.
"Resort-kan ma aha kaliya meel madadaalo, balse sidoo kale waa diiwaan taariikhi ah oo muujinaya naqshad casri ah oo isku dhafan dhaqanka iyo hidaha gobolka Soomaalida," ayaa lagu yiri fariin baraha bulshada ah oo ka timid ra'iisul wasaaraha.
"Dadka Soomaalida ee jooga Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Geeska Afrika iyo Tanzania waa lagu martiqaaday inay na soo booqdaan, horumariyaan, wax baraan oo naga bartaan, maadaama Jigjiga ay diyaar u tahay inay idinku soo dhoweeyso sidii hore ka badan," ayuu yiri.
Bayaan ka soo baxay madaxtoooyada Somaliya ee Villa soomaaliya ayaa sheegay in hogaamiyeyaashu isugu yimaadeen si ay u helaan xalka caqabadaha horyaalla nabadda iyo xaaladda siyaasadeed ee gobolka, u xoojiyaan iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka diblomaasiyadeed.













