Maxay tahay farriinta uu Turkiga u gudbiyay Iran?

Xigashada Sawirka, BBC/Getty Images
Dowladda Turkiga, oo si cad u sheegtay in aysan doonayn kor u qaadista xiisad milatari ama in dagaal ka dhex qarxo Iiraan iyo Mareykanka, ayaa kordhisay xiriirrada ay la leedahay labada dhinac si si diblomaasiyadeed loogu xalliyo khilaafka ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, uu ku yimid Istanbul 30-ka Janaayo, ayaa sidoo kale loo arkay mid muhiim ah marka laga eego aragtidan.
Sida ay sheegayaan warbixinno, Ankara ayaa wada-hadallo heer sare ah oo ay la yeelatay Mareykanka ku gudbisay aragtida ah in xalka milatari uu keeni karo khataro heer gobol iyo heer caalami ah.
Ankara ayaa sidoo kale muujisay inay diyaar u tahay inay qaaddo tallaabooyin lagu bilaabayo wadahadallo toos ah oo u dhexeeya labada dhinac.
Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ayaa sii kordheysay tan iyo horraantii Janaayo, kaddib tallaabooyinkii xoogga lahaa ee lagA qaaday mudaharaadayaasha Iiraan, iyo amarka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee lagu diray ciidamo badan oo awood leh gobolka, iyo sidoo kale hanjabaaddiisa ah inuu bixin doono amar lagu weerarayo Iiraan haddii Tehran diido wadaxaajood.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa 22-kii Janaayo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezzekian.










