Waxa ciddiyaha farahaagu ka muujin karaan caafimaadkaaga

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Jasmin Fox-Skelly
Ciddiyuhu waxay caawiyaan inay maqaarka hoose ka ilaaliyaan dhaawaca, waxayna sidoo kale kaa caawiyaan adiga markaad rabto inaad is xoqdo, markaad dareento cuncun ama diirka kore marka aad wax ka fiiqeyso. Laakiin maxay ka muujiyaan caafimaadkaaga?
Ma yara xikmadaha dadwaynaha ee ku saabsan sida looga soo ururiyo xaaladda caafimaadkaaga guud ciddiyahaaga, sida fikradda baahsan ee ah in barbaro cadcad oo mararka qaarkood ka soo baxa - loona yaqaano leukonychia afka qalaad- ay yihiin calaamad muujinaysa yaraanta calcium.
Laakiin ma jiraan wax run ah oo ku saabsan fikradahan waa su'aale? Marka hore bal aanu eegno xoogaa qaab dhismeedka ciddiyaha ee aasaasiga ah. Ciddiyuhu waa qeyb dheeri ah oo ka tirsan maqaarka.
Waxay ka samaysan yihiin keratin, oo ah borotiin adag oo gaashaan u ah suulasha lugaha iyo faraha, kana ilaaliya dhaawaca.
Qaabka dayaxa nuska ah ee lagu arko salka cidiyaha waa lunula, kaas oo u shaqeeya sidii "xarunta korriinka" ee ciddiyaha, taasoo soo saarta unugyada ugu dambeyntii adkaada ee noqda saxanka ciddiyaha.
Waxay qeybtaasi ka sarreysaa lakab unugyo dhintay ah oo ku xiraya salka asaaska ciddida maqaarka. Lakabkaasi oo afka qalaad loo yaqaano cuticle ayaa bixiya badbaadin joogto ah asagoo u shaqeeya sidii wax dhowra oo difaaca ciddida, asagoo joojinaya bakteeriyada, fangaska iyo dullinada kale ee soo wajaha.
Ayadoo laga yaabo in indhuhu ay noqon karaan dariishado ay leedahay ruuxdu, dhaqtarku wuxuu aaminsan yahay in ciddiyuhu ay daaqado u noqon karaan caafimaadkaaga.
Dhaqaatiirta ayaa u isticmaali kara ayaga inay ka gartaan xaaladaha idilkood, min dhibaatooyinka maqaarka ilaa cudurrada kelyaha ama xitaa cilladaha difaaca jirka.
Calaamad muujinaysa wax halis ah
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee aan ku bartay iskool caafimaad wuxuu ahaa inaan eego wax loo yaqaano clubbing, oo ah in ay lunto ama is dhinto xagasha u dhexeysa ciddida iyo salka ciddida qudhiisu," sidaasi waxaa sheegay Dan Baumgardt, kaasi oo ah dhaqtar guud oo qaabilsan caafimaadka iyo bare ka dhiga sayniska neerfaha iyo cilmi nafsiga iyo sida jirka nooluhu u shaqeeyo jaamacada University of Bristol.
Markii ay dhacdo xaalada clubbing, salka ciddida ayaa jilca, oo ciddidu waxay u muuqataa mid ku dhow inay "sabbeyso" baddalkii ay si xooggan ugu dhaganaan lahayd farta.
Faraha caaradahooda ayaa sidoo kale waxay u muuqdaan kuwo weyn ama bararsan.
"Waxay keentaa muuqaal aan caadi ahayn oo fartu u muuqato mid bararsan oo fartu ay u yara eg tahay usha lagu tumo durbaanka," sida uu yiri Baumgardt.
Clubbing waa astaanta heerarka oksajiinta ku jirta dhiigga oo aad u hooseeya. Waxaa badanaa lala xiriirshaa kansarka sambabka, laakiin waxay sidoo kale muujin kartaa caabuq ah dhanka dahaarka qeybaha kala duduwan ee wadnaha, iyo xaalado kale.
Xaalado kale oo la arkay waxaa ku jira cudurka celiac oo ah in difaaca jirku si geyri caadi ah u shaqeeyo, kansarka beerka ee cirrhosis iyo caabuqyada sambabka iyo xaalado kale oo caafimaad darro.
Cidiyo jilcay waxay u qaab egyihiin sidii qaado foorarta, waxayna noqon kartaa tilmaan muujinaysa xaalad dahsoon oo halis ah sida kansarka sambabka.

Xigashada Sawirka, Alamy
"Haddii aad aragto bukaan leh cidiyo jilcan, qaanuunka ayaa ah in si degdeg ah raajada loo saaro, sababtoo ah waxay noqon kartaa kansarka sanbabada ee dahsoon taa ayaana ka tarjumi karta," sida uu yiri Baumgardt.
"Markaan dhahay inkastoo ay tahay mid ka mid ah waxyaalihii ugu horreeyay ee aan ku baranay iskoolka caafimaadka, runtii ma garanayo sababta, sababtoo ah dhammaan 14-kii sano ee aan dhakhtarka ahaa, weligay hal mar oo kaliya ayaan arkay arrinkaas," sidaa ayuu sheegay.
Barobaro cadcad oo ku yaala cidida – loona yaqaano leukonychia – inta badan waxaa lagu tiriyaa inay calaamad u yihiin yaraanta fitamiin ama macdanta..
Si kastaba ha ahaatee, caddaynta lagu taageerayo arrintan waa mid isku murugsan. Hal daraasad oo yar oo ay sameeyeen ardayda jaamacadda ee wada aqoonta dhigriiga ugu horreeya waxaa lagu ogaaday, inaysan jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya calaamaddan iyo qaadashada qofka ee zinc ama calcium.
Si kastaba ha ahaatee, hal kiis oo warbixin ah oo ku saabsan bukaanka qabay cudurka Crohn kaas oo ku yeeshay leukonychia daran cidiyaha faraha iyada oo ay ku yar tahay selenium, waa la waayay oo meesha ayay ka baxeen barobarohii kadib markii lagu daweeyay macdantan.
Guud ahaan, leukonychia waxay u badan tahay inay ka dhashaan dhaawac soo gaaray cidiyaha. Inaad suulkaaga lugta ku dhufsato meel, cididaada albaabka ku qabato adigoon ogeyn, in aad loo hoolo markii la qurxinaayo cidiyaha, ama shay culus oo cagtaada ku dhaca inta gacantaada uu kasoo fakado waxay keeni kartaa calaamad inay meeshaasi yeelato.
Si kastaba ha ahaatee, midabka cad ee cidiyaha uu midabku ka suulayo ayaa muujin kara arrin caafimaad darro ah oo qarsoon.
Tusaale, calaamadaha cadcad ayaa noqon kara astaan muujinaysa in qofku aad ugu sumoobay maado bir ah gaar ahaan maadada liidh amaba arsenic. Midabka cad ee ciddiyaha uu midabku ka suulayo waxay noqon kartaa astaanta xaalada psoriasis, oo ah xaalad halis ah oo maqaarka ah oo keenta in qolfoqolfo uu maqaarku yeesho kuwaasi oo ka sarreeya oogada inteeda kale aadna u xanuun badan.
Haddii cidiyaha oo dhami ay caddaan noqdaan, tani waxay muujin kartaa yaraanta borotiinka ee dhiigga, taas oo muujin karta cudurrada kelyaha, cudurrada beerka ama sonkorowga.
"Haddii dadka heerarkooda borootiinka ku jira dhiigooda uu hooseeyo taasi [badanaa] waxay sababtaa in cidida oo dhami noqoto caddaan," sida uu sheegay Baumgardt. "Waxaanu arrinkaasi la xiriirinaa inta badan dadka qaba xanuun beerka ah, sida waxyaabo la mid ah kansarka beerka ee cirrhosis, oo laga yaabo inuu ka dhashay qamri badan cabbid."
Cidiyo buluu ah teeda kale waa astaan muujinaysa in jirka laga yaabo in oksijiin aysan kujirin. Waxay noqon kartaa calaamada wadne xanuun halis ah ama emphysema oo ah sambab xanuun ba'an iyo wax ay tahay inuu dhaqtari kaa baaro sida ugu dhaqso badan.
Waa isla sidaas haddii aad layman madoow ku aragto cidida hoosteeda, inkastoo dhaawac uu sidoo kale sababi karo arrinkaas, waxay sidoo kale taasi astaan u noqon kartaa subungual melanoma, oo ah nooc dhif iyo naadir ah oo kansarka maqaarka ah balse halis ah.
Dhiigbaxa cidida hoosteeda – haddii uu joogsan waayo – wuxuu kaloo muujin karaa wax ka sii daran. "Waxay muujin kartaa taasi waxa aan ugu yeerno dhiigbaxa firirka, oo ah wax u eg xariijimo yaryar oo cas oo dhiig ah, sida firir haddii aad malayso inuu galay cididaada hoosteeda," sida uu sheegay Baumgardt.
"Dhiig-baxaasi wuxuu mararka qaarkood muujin karaa vasculitis, oo ah caabuq ku dhaca xididada dhiigga. Mid ka mid ah sababaha asaasiga ah ee ugu waaweyn waxay noqon kartaa caabuq ku dhaca waalka wadnaha, oo sababa bararadaan yaryar ee cascas ee aan caadiga ahayn," sida uu asagu sheegay.
Waxaa jira sababo badan oo suurtagal ah oo keeni kara leukonychia, oo ay ku jiraan waxyeellada dusha sare ah ee ka timaadda dhaawac – inkastoo ay sidoo kale calaamad u noqon karto wax ka sii xumaan badan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Fangaska xog yar oo ku saabsan
Xaalado kale oo aad u badan waxay noqon karaan sidoo kale kuwo baaritaan lagu ogaado oo lagu soo sheego qofka kadib markii la eego cidiyaha. Markay baarayaan bukaanka, takhaatiirtu waxay caadi ahaan raadiyaan isbeddelka midabka, dhumucda iyo qaabka.
Tusaale ahaan, ciddii caafimaad qabta asaaska hoose waa inuu ahaadaa midab basali ah waxaan ka ahayn fiidaha sare oo ayagu caddaan ah. Midabada kale waxay muujin karaan infekshan ku dhacay ciddida qudheeda, ama xaalad caafimaad oo dahsoon.
Ciddiyuhu waa qeyb ka tirsan oo dheeraad ku ah maqaarka, oo si wax ku ool ah, maqaarkaagu wuxuu kaaga sheegi karaa wax badan waxa ka socda jidhkaaga gudihiisa – Dan Baumgardt yaa sidaasi yiri.
"Haddii aad ku aragto midab cad ama jaalle ah suulashaada, gaar ahaan ciddiyaha lugahaaga, taasi waa calaamad muujinaysa caabuq fangas uu sababay," sida ay sheegtay Holly Wilkinson, oo ah haweeney ah bare dhigta buskoonshaha nabraha oo ka tirsan jaamacada University of Hull.
Inkastoo dalal badan, sida Mareykanka iyo Ingiriiska aad ayadoo dhaqtar uusan kuu soo qorin farmashi ka soo gadan karto dawada fangaska ama caabuqyada asiiba ciddiyaha ee dusha si toos ah maqaarka looga marsho, haddii aad iska indha tirto oo aadan muddo dheer daweyn taasi waxay noqon kartaa xaalad ay adag tahay in la dabiibo. (Waa muhiim inaad had iyo jeer la tashato dhakhtarka haddii aad ka shakisan tahay inaad qabto caabuqa cidiyaha ah.)
"Waxay ila tahay in waqti badan markii dadku garan waayaan midabka cidiyahoodu inuu meesha ka baxay aysan garawsan in sababtu tahay caabuq, marka waxay gaari karaan heer ay arintu sii xumaato, intaasi kabacdi ayayna ku qasbanaadaan inay baxaan oo la kulmaan dhaqtar qaabilsan lugaha iyo anqawyada iwm," sida ay sheegtay Holly Wilkinson.
Ciddiyaha nugul

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhanka kale qaabka ciddiyaha ayaa sidoo kale muujin kara dhibaatooyinka dahsoon. Suulka lugta iyo ciddiyaha faraha ee caafimaadka qaba waa inay ahaadaan wax diicsan, taas oo macnaheedu yahay in ay wax yar usoo leexdaan dhanka dibadda.
Waa inaysan ku jirin meelo hoos u godan ama daldaloolo. Haddii ay jiraan, waxaa laga yaabaa inay calaamad u tahay inaad qabto koilonychia, oo ah xaalad cididu hoos u godanto ayna u muuqato caato iyo wax nugul oo jabi og. Xaaladaha qaarkood, dadka qaba koilonychia waxaa jirta meel bartame ah oo godan oo ah cididooda taasi oo aad u godan oo xataa dhibic dareere ah lagu shubi karo, marka xaalada ayaa badanaa waxaa loogu yeeraa "cidiyaha qaadada ah".
Haddii wax ka mid ah cidiyahaaga ay u eg yihiin qaado, tani waxay noqon kartaa astaan dhiig yari, marka jirku uusan lahayn unugyo dhiig oo caafimaad qaba oo geyn kara oksijiin unugyada jirka. Dhiig-yarida waxaa sababi kara yaraanta birta. Si kastaba ha ahaatee, waxay sidoo kale noqon kartaa calaamada cudurka coeliac, iyo xaalado kale oo caafimaad darro.
Dhanka kale, isbeddellada qaar ee cidiyaha ayaa muujin kara nafaqo darro. Dadka qaarkii waxay leeyihiin xariijimo gudub ah, oo loo yaqaano laymanka Beau, kuwaasi oo gudub gudub ugu yaala cidiyahooda.
Tani waxay tilmaami kartaa nafaqo darro sida barootiin yari. Si kastaba ha ahaatee, astaantani waxay sidoo kale noqon kartaa calaamad muujinaysa cudurka macaanka iyo cudurka peripheral vascular – oo ah xanuun ku lug leh isdhimitaanka wareegga dhiigga tagaya qeybo ka tirsan jirka, caadiyana ay ugu wacan tahay baruur ku badatay iyo dufanka dhiigga oo ah gudaha halbowleyaasha – marka waa muhiim wali in lagaa baaro.
"Laymanka Beau ayaa sidoo kale tilmaami kara zinc yaraan, ayadoo cidiyaha nugul ee jabi kara ay yihiin astaan muujinaysa hypothyroidism oo ah in qanjir dhuunta ku yaala uusan soo saareyn intii loo baahnaa hoormoono xakameeya shaqada jirka ama yaraanta fiitamiin B7," sida ay sheegtay Mary Pearson, oo ah dhaqtarad qaabilsan daweynta carruurta kana tirsan jaamacada University Hospital of Wales. "Xaaladaha qaarkood waxaa laga yaabaa inaan aad ugu dadaalno raadinta kuwan, tusaale ahaan ilaalinta kiisaska aan ka walaacsannahay nafaqeynta ilmaha, ama halka aan uga shakino cudur dabadheeraaday," ayay tiri.
Xaalado kale, isbeddellada cidiyaha waxaa sababi kara arrimo hab-nololeedka ah oo aan ahayn dhibaatooyin caafimaad. Tusaale cidiyo fiiqmaya, oo sidoo kale loo yaqaano onychoschizia, waxay dhacdaa markii lakabyo caato ah ay gaar ka noqdaan cidida oo ay gadaal usoo fiiqmaan. "Onychoschizia ayaa sidoo kale noqon kara natiijada gacmaha oo aad loo dhaqo, cidiyaha oo angaga, iyo isticmaalka riinjiga acrylics iyo waxyaabo kale oo lagu baalasho cidiyaha," sida uu sheegay Joshua Zeichner, oo ah barafasoor ku takhasusay maqaarka oo ka tirsan Isbitaalka Mount Sinai ee New York.
Caabuqyada ciddiyaha ee fangasku keeno waxay qaadan karaan ilaa hal sano in loogu daweeyo si guul leh (Masawirka waxaa laga helay mahadi ha ka gaartee: Getty Images)
Waxaa laga yaabaa inaad la yaabto waxa ku saabsan cidiyaha ee ka dhigaya inay si cad u muujinayaan caafimaadka hoose ee qofka. Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ayaa ah in cidiyaha ay si cad u yihiin qayb ka mid ah qaybaha jidhka ee aad gudahooda ka arki karto dibadda.
"Cidiyahu waa qeyb ka tirsan oo dheeraad ku ah maqaarka, si wax ku ool ah ayaana maqaarkaaga looga dheehan karaa waxa ka dhacaya gudaha jirkaaga," sida uu sheegay Baumgardt.
"Aragtidaada ugu horreysa ee bukaanku waxay inta badan ka soo bilaabataa sariirta dhinaceeda, marka eeg jirkiisa oo idil adigoo ka bilaabaya cidiyaha, kadibna eegaya indhaha iyo afkiisa. Intaasi kadibna waxaad bilaabaysaa inaad dhamayso qiimaynta sariirta dhinaceeda ah, adigoo isku dayaya inaad ka qaadato masawirro baaritaan halkaas marka ugu horreysa. Haddaba cidiyaha ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee aan aragno," sida uu sheegay.
Ayadoo waqtiyada badankood isbaddalada cidiyuhu yihiin wax aanan dhibaato lahayn, dhaawac cidiyaha gaarayna uu sababo, haddii aad isku aragto isbaddal dhanka qaabka ah, midabka, ama dusha sare ah inuu yahay mid joogto ah, marka waa inaad jirisaa talo dhaqtar.













