Dhegeyso: Somaliland oo is-hor-taagtay Haramcad si sharci darro ah loo dhoofinayey
Dhegeyso: Somaliland oo is-hor-taagtay Haramcad si sharci darro ah loo dhoofinayey
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay is-hor-taagtay haramacad la doonayey in qaab sharci darro ah loo dhoofiyo.
Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada Somaliland, ayaa BBC-da u sheegtay in hawlgal ay ciidanka ammaanku ku soo qabanayeen dadka ka ganacsanayey haramacadkan ay iska caabin kala kulmeen Ciidanku, balse markii dambe ay ka baxsadeen, kana carareen haramacadkan.
Agaasimaha Waaxda Duurjoogta ee Wasaaradda Deegaanka Cabdinaasir Xuseen Siciid, ayaa Weriye saleebaan Saxansaxo uga warramay arrintan.


