Sameecadaha dhegaha ee dhawaqa xanniba miyaa sababay dhibaatada maqalka ee dhalinyarada?

sameecado

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haddii ay ahaan lahayd dhawaqa yar ee kasoo baxa mashiinnada ay lacagta ku xisaabiyaan shaqaalaha dukaamada waaweyn amaba kan mashiinta kafeyga ee maqaayadaha, maskaxda ayaa si joogto ah uga shaqeysa duubista boqollaal dhawaq maalin walba.

Balse, dadka qaar, dhawaqaas ayaysan u dulqaadan karin wuxuuna ka hor istaagaa inay aqoonsadaan codadka amaba dhug u yeeshaan digniinaha.

Arrintan waxay heysataa Sophie, oo ah 25 jir maamule ku xigeen ka ah magaalada London, taas oo in badan loo sheegay inaysan dadka dhegeysan.

"Inkastoo xitaa aan maqli karo in dhawaq uu baxayo, ma dhegeysan karo halka uu ka imaanayo. Waan ogahay inuu yahay codka qof, si degdeg ah uun uma garan karo," ayay tiri.

Kadib markii baaritaan maqalka oo ay sameysay ay natiijada caadi noqotay, Sophie ayaa la kulantay dhaqtar dhanka maqalka ah oo khaas ah si baaritaan dheeraad ah uu ugu sameeyo. Waxaa kadib laga helay xaalad loo yaqaanno APD oo ah marka maskaxdu ay ku adkaato garashada dhawaqyada iyo erayada lagu hadlay.

Dhaqtarkeeda maqalka iyo kuwo kale oo ku sugan England ayaa haatan ku baaqaya in baaritaan lagu sameeyo haddii xaaladdan lala xiriirin karo isticmaalka xad-dhaafka ah ee sameecadaha dhawaqa xanniba.

'Erayadu waxay u dhadhamaan sida waxaan jirin'

Iyadoo kusoo kortay beer nabad ah oo ku taalla miyiga dalkaas, dhowr sano kahor unbey Sophie oo jaamacad ka billowday London isbeddel ku aragtay maqalkeeda – gaar ahaanna dhibaatada ay ku qabto garashada halka uu codku ka imaanayo.

Marar dhif ah unbey jaamacadda tagtaa, taas beddelkeed online-ka ayay casharadda ku qaadataa iyagoo maqalkooduna qoraal la socdo.

"Dhammaan erayada waxay u muuqdeen kuwo aan la fahmi karin marka aay fasalka dhex jooo, waxaana isku dayayay inaan maqlo," ayay tiri.

Waxay sidoo kale taas saameysay nolosheeda bulshada, Sophie ayaana isaga huleeli jirtay baararka iyo maqaayadaha sababo la xiriira dhawaqa aysan u adkeysan karin ee kasoo baxaya.

Sophie
Qoraalka sawirka, Sophie waxay sheegtay inay diiqad dareento marka ay ku sugan tahay meel buuq badan oo aysan xirneyn sameecad
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa sababay xaaladda APD ee Sophie lama yaqaan, balse dhaqtarkeeda ayaa aaminsan in isticmaalka xad-dhaafka ah ee sameecadaha dhawaqa xanniba, oo Sophie ay xirato shan saacadood maalintii, laga yaabo inuu door ku leeyahay.

Dhaqaatiirta kale ee maqalka ayaa ku raacsan, iyagoo sheegay in baaritaan dheeraad ah loo baahan yahay oo ku aaddan saameyntooda muuqata ee ka dhalan karta isticmaalkooda waqtiga dheer.

Shan waaxood oo maqalka ah oo ka diwaan-gashan waaxda caafimaadka Ingiriiska ee NHS ayaa BBC u sheegay inay kordhayeen tirada dhalinyarada ay usoo direen dhaqaatiirta guud ee ay heysato dhibaato maqalka ah – kuwaasoo marka la baarayna la ogaaday in maqalkoodu caadi yahay dhibtuna tahay awooddooda garashada dhawaqa.

Xaaladda APD ayaa ku badan dadka dhaawac maskaxda uu kasoo gaaray amaba dhegaha uu caabuq kaga dhacay markii ay yaraayeen. Si kastaba, bukaanno badan oo qaba APD ayaa oo aysan xaaladahaas ku dhicin ayaa soo baxaya, taas oo keentay in dhaqaatiirta maqalla ay is weydiiyaan haddii xaalado ka baxsan, sida sameecadaha dhawaqa xanniba, ay qeyb ka yihiin.

Maqalka marka la barbardhigo dhegeysiga

Maqalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Renee Almeida, oo ka tirsan isbitaalka Imperial College Healthcare NHS Trust, ayaa sheegtay inay muhiim tahay maqalka codad kala duwan si maskaxdu ay u go'aansato waxa muhiimka ah ee ay tahay inay diiradda saarto.

Kooxdeeda ayaa arkay kororka dhalinyarada loo soo dirayo adeegyada maqalka ee sanadkii lasoo dhaafay. Waxay tiri: "Farqi ayaa u dhexeeya maqalka iyo dhegeysiga. Waxaan aragnaa in xirfadaha dhegeysigu ay dhib ka taagan tahay."

Sameecadaha dhawaqa xanniba ayaa faa'iidooyinkooda leh, gaar ahaan caafimaadka dhegta ee muddada dheer, iyagoo dhawaqa dheer ka difaaca inuu dhaawaco dhegta – xitaa marka la dhegeysanayo muusikada.

Balse Claire Benton, oo ah madaxweyne ku xigeenka Machadka British Academy of Audiology, ayaa soo jeedineysa in xannibidda dhawaq walba sida xiinka gawaarida, ay ka dhalan karto in maskaxdu ay illowdo kala soocidda dhawaqa.

"Waxaad abuurtay jawi been ah adiga oo xirtay sameecado aad keliya dhegeysaneyso waxa aad rabto inaad dhegeysato." Ayay tiri.

Haatan waa wax caadi ah in la arko dad waddada socda oo xiran sameecadaha maqalka dhegaha oo daawanaya muuqaal leh qoraal, iyadoo ay si wacan u maqlayaan codka.

Baaritaan xaddidan

Baaritaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wayne Wilson, oo wax ka dhiga jaamacadda Queensland, ayaa sheegay in baaritaan dheeraad ah loo baahan yahay in laga sameeyo xiriirka ka dhaxeyn kara arrintan iyo sameecadaha.

Si kastaba, wuxuu farta ku fiiqay sameynta baaritaan xakameysan oo dhinacyo badan leh ay adkaan karto.

"Waxa xun waa xogta maaddaama jawaabta laga yaabo inay ku xirnaato maqalkee, goobahee, nooca dhawaqa, nooca xannibaadda dhawaqa, muddada, iyo da'da ilmaha, iwm."

Sophie ayaa bilaha soo socda dooneysa inay billowdo iska daweynta xaaladdeeda APD, rajo wacan ayayna mustaqbalka ka qabtaa.

"Haddii aniga iyo saaxiibkey aan dibadda u aadno baarka, mararka qaar xilli hore ayaan kasoo tagnaa buuqa dartiis. Way fiican tahay inaan ogaado laga yaabee daaweyntan kadib, inaan awoodi doono inaan aado meelaha buuqa badan oo aan xoogaa u dulqaato."