Ma dhibsataa dhawaqa ugu yar sida calalinta xanjada? Ogow cudurka ku haya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gaadiidka dadweynaha ha noqdo baska amaba bajaajta, diyaaradaha iyo kuwa kaleba, waxaa macquul ah inaad ku aragtay dad badan oo xiran sameecadaha dhegaha.
Dabcan, iyagaa iskood u xirtay, balse ka warran haddii ay muhiim u tahay inay xirtaan? Marka ka warran haddii ay xirtaan sameecado iyagoo aan jecleyn balse ku qasban?
Haa! Dadka qaar waa inay xirtaan sameecadaha dhegaha. Margot Noel, oo 28 jir ah, way ku qasban tahay inay xirato sameecadaha dhegaha. Dadkan waxay sidaa u sameynayaan inay naftooda ka badbaadiyaan dhibaato iyaga u gaar ah.
Margot Noel waxay qabtaa xaalad lagu magacaabo misophonia. Haddii si fudud loo yiraahdo, misophonia waa xanuun. Dhawaqyada caadiga ah ayaa dadkan ka xanaajiya oo diiqad ku beera.
Tan ayaa ka careysiisa, mararka qaarna way baqaan, mar mar xitaa waxay ku sugtaan wadno xanuun.
Marka ay maqlaan dhawaqyada qaar, qeybaha maskaxdooda ka mid ah ee qaabilsan inay isku xirto dhawaqa iyo dareemaha ayaa degdeg u howlgala.
Ma ogtahay in dhawaqyada caadiga ah ee yaryar sida qof neefsanaya, wax la xoqayo, cunto cunidda iyo xitaa dhawaqa qalinka wax qoraya inuu diiqad ku abuuri karo dadka qaar kana xanaajin karo?
Dadka sidan ah waxay qabaan misophonia.
Waa maxay Misophonia?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Misophonia waa xaalad lala xiriiriyo carada iyo diiqadda.
Misophonia waa xaalad neerfaha saameysa. Waa qofka oo dhibsada dhawaqa amaba buuqa.
Xaaladdan, ayaa qofka qaba u nugleysa inuusan dulqaad u yeelan dhawaqyada qaar. Sidaa darteed qofkan wuxuu bilaabaa inuu caroodo, baqo amaba walwalo.
Ilbiriqsi gudihii, ayay dhawaqyadan u sheegaan maskaxda inay wax khaldan yihiin.
Dhawaqyadan ayaa toosiya amygdala, oo ah hannaanka dhiillada ee maskaxdaada, iyagoo muujinaya khatar.
Durbana hoormoonnada ku hareereysan ayaa degdeg u falceliya.
Dhawaqyadan marnaba khatar kuma ah qofka caadiga ah.
Lama oga inta qof ee arrintan ay heysato, balse misophonia waxay ku badan tahay dadka qaba xaaladaha maskaxeed sida autism iyo wixii la hal maala.
Sababta ay arrintan u dhacdo weli ma cadda. Balse baarayaasha ayaa sheegaya in xaaladdan laga yaabo inay la xiriirto dhanka maskaxda.
Daraasad ay sameeyeen baarayaasha Jaamacadda King's College London iyo Jaamacadda Oxford ayaa lagu ogaaday in calaamadaha xaaladdan ay qabaan boqolkiiba 18.4 dadka ku nool Britain. Taasi micnaheedu waa in shanti qofba uu mid dhibsadp dhawaqa dadka wax cunaya, calalinaya xanjo amaba quurinaya.
Dr. Cilia Vitortou oo baarayaashan ka mid ah ayaa sheegtay in dadka qaba xaaladdan ay aalaaba dareemaan cidlo. Waana in maskaxda lagu hayaa inaan la qabsanno.
Saameynta ay misophonia ku leedahay nolosha maalinlaha
Olana Tansley Hancock, oo deggan dalka Ingiriiska ayaa sheegtay inay calaamadaha misophonia isku aragtay markii ay siddeed jir ahayd.

Calaamadda ugu weyn ee misophonia

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay yareysaa dulqaadka dhegaha ee buuqa waxayna soo saartaa falcelin taban taasina waa calaamadda ugu weyn.
Neefsashada amaba dhawaqa soo laalaabta ee qof kale uu sameeyo marka ay wax cunayaan ayaa diiqad gelisa dadka qaba misophonia.
Waxaa caadi ahaan dhiba dhawaqa wax cunidda amaba neefsashada. Keliya maaha dhawaqa bani’aadamka balse sidoo kale dhawaqa qalabka korontada ayaa dhiba degdeg ayayna uga tagaan goobta.
Waxay daboolaan dhegahooda dhawaqan ayaana ka careysiiya amaba baqdin ku abuura.
Mala dawyen karaa misophonia?
Baarayaasha ayaan ilaa iyo haatan jawaab sayniseed u helin joojinta dhawaqa diiqadda ku bera maskaxda.
Dabcan, dhaqaatiir xanuunnada maskaxda ayaa dhowaan isku dayay inay daweeyaan xaaladdan, iyadoo la tijaabinayo garaadkooda.
Ilaa 90 qofood ayaa laga daweeyay boqolkiiba 42 ayaana soo roonaaday.
Waxaa jira siyaabo kale oo dhowr ah oo loo daweyn karo balse weli lama ansixin.













