Sidee aabahaa oo dhegaha la’ ugu sheegi lahayd in uu dhimanayo?

Xigashada Sawirka, .
Markii Farncesca Bussey aabaheed oo dhegaha la' la dhigay isbitaalka sanadkii 2019-kii, waxay ku qasbanaaday in ay joojiyo hawl kasta oo ay haysay si ay luuqada meedaarta ugu kala turjumo dhaqaatiirta iyo aabihiis.
Balse waxay ugu darnayd markii iyada oo sariirta aabihiis dhinac fadhiya uu dhaqtarkii yimid, wuxuuna siday war naxdin leh.
"Marka aabahay uu roonyahay, wuxuu akhrisan karaa dadka faruuryahooda, balse hadda wuxuu gaaray xitaa aragiisa waa daciif" ayay tiri gabadhani oo sheegtay in adeeg turjumaad oo rasmi ah ay weysay.
Waxay ku qasbanaatay in ay aabaheed u sheegto wixii dhaqtarka uu u sheegayay oo ahayd in uu qarka u saaranyahay in uu dhinto.
Gabadhani oo ay iska dhaleen labo waalid oo maqalka naafo ka ah ayaa ku kortay barashada afcelinta dadka aan waxo maqlaynin.
Iyada oo 4 sano jir ah ayay xitaa kasoo muuqatay jaldiga sare ee buug laga barto luuqadda meedaarta sanadihii 1980-naadkii , iyada oo si joogto ah waalidkeed uga caawin jirtay in ay xiriir sameeyaan.

Prof Jemina Napier ayaa ammaantay kartida iyo waxgalnimada carruurta waalidkood u turjumada , waxayna ku tilmaamtay in ay yihiin Afyahano xirfad sare leh,
Waxa ay intaasi ku dartay in carruurtani ay leeyihiin xirfado garasho, faham iyo dareen heersare ah oo ay ku afgaran karaan dadka dhegaha la', maadaamaa carruurtani xilli aad usii horeysa ay ku milmeen nolosha dadka waaweyn, islamarkaasna wax ka barteen xalinta mushkiladaha ad adag.
Prof Jamina laf ahaanteeda ayaa kusoo barbaartay guri dad dhegaha naafo ka ah ay ku noolyihiin , waxayna kasoo horjeeddaa aragtida ah in dhagoolnimada ay tahay arrin taban, taas badelkeeda waxa ay qabtaa in ay tahay arrin togan.
Gudaha UK waxaa ka diiwaangashan illaa 11 milyan qof oo dhegaha la' ama maqalka dhib ku yahay, balse Wakaaladda Bixinta Adeegga turjumaadda dadka dhegaha la' ayaa waxaa u diiwaangashan 151 kun turjumaano oo keliya.
Pearl Clinton waa 30 jir , iyada oo 12 jir ah ayay ku qasbanaatay in ay u turjunto ayaydeed oo aad u xanuunsadeyd, waxayna noqotay in ay u sheegto in ay geeriyoonayso.
Hadda waxa ay u istaagtay ololaha in xubnaha qoyska ay u turjumaan qofka ehelkooda ah, sababtoo ah waxa ay sheegtay in aysan lahayn fahamka la xiriira in ay si sax u turjumaan xogaha caafimaadka ee ay dhaqaatiirta siiyaan bukaanada.
Sida uu qabo xeerka sinnaanta ee 2010-ka ee Britain, dadka dhegaha la' ayaa waxa ay xaq u leeyihiin in ay helaan turjumaan xirfadle ah oo uga afceliya goobaha adeegyada dadweynaha.
Hadda nolosha dadka dhegaha la' wax badan ayaa iska badelay, waxaa xitaa aad u caawiyay tiknoolajiyadda iyo isbadelada kale ee bulshada ka dhex dhacay. Xitaa gabadha lagu magacaabo Rose Ayling-Ellis ayaa noqotay atariisho wax ka jisha filimka EastEnders, iyada oo sidoo kale ka qeybgashay barnaamijka qoob ka ciyaarka.










