Muxuu yahay guurka sharciga khilaafsan ee lagu eedeeyay inuu ku dhaqaaqay ra'iisul wasaarahaan hore?

Xigashada Sawirka, Reuters
Maxkamadda ku taalla dalka Pakistan ayaa xabsiga u dirtay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan iyo xaaskiisa, kadib markii ay durtay guurkooda, inta lagu guda jiray maxkamadayntoodii ugu dambaysay.
Maxkamadda ayaa sheegtay in guurka Imran Khan iyo Bushra Bibi oo dhacay sanadkii 2018 kii uu yahay mid sharci darro ah, oo aan waafaqsanayn shareecada Islaamka.
Horay ayuu ugu jiray xabsiga markii lagu ridayay xukunkaan. Arbacadii la soo dhaafay, todobaad ka hor doorashada guud ayaa labadoodaba lagu eedeeyay inay ka faa’iidayeen hadiyadaha qaranka.
Imran Khan ayaa sheegay in kiisas badan oo lagu soo eedeeyay ay yihiin kuwa laga leeyahay dano siyaasadeed.
Kabtankii hore ee xulka ciyaarta kiriketka Pakistan oo markii dambe u xuubsiibtay siyaasi, noqdayna Ra’iisul wasarihii hore ee Pakistan, Imran Khan ayaa xukunka laga tuuray sanadkii 2022 kii.

Xigashada Sawirka, .
Maxkamadda ayaa kiiskeeda ku qaaday gudaha xabsi ku yaalla Rawalpindi, halkaas oo uu horay ugu xirnaa Imran Khan, oo lagu maxkamadeeyay kiisas hore.
Dacwadaan ayaa waxaa gudbiyay seygii hore ee Bibi, isaga oo sheegay in guurkoodi hore la musuqmaasuqay.
Sida ay qabto shareecada islaamka, haweenka ayay tahay in ay ciddu dhameystaan marka seygoodu dhinto ama uu furo. Maxkamadda ayaa sheegtay inay ogaatay in Bibi aysan ciddo dhameysan ka hor inta aysan guursan Imran Khan.
Xukunka ayaa sidoo kale waxaa wehliyay ganaax lacageed oo dhan $1,800 oo doolar oo laga rabo Imran iyo Bibi labadaba.
Lamaanaha ayaa is guursaday sanadkii 2018 kii, bilo kadib dib u doorashadii Imran Khan. Bibi oo tuf u akhrisa dadka, ayaa la aaminsan yahay in ay ku jirto sano afartanaad, waxayna mar walba xirataa niqab marka ay bulshada ku dhex jirto, waa xaaska saddexaad ee Khan.

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khan ayaa lagu yaqaanay in uu ahaa nin shukaansi badan waqtigii uu ciyaari jiray kiriketka, ka hor inta uusan guursan xaaskiisii Jemima Goldsmith sanadkii 1995 tii. Haweeneydaas oo ay wada joogeen sagaal san ayaa waxay u dshay laba wiil.
Guurkiisii labaad ee 2015 kii, oo ay is guursadeen gaar wariye ka ahayd BBC da ayaa isna jiray wax ka yar hal sano.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa uu ku jiraa xabsi tan iyo markii la xiray bishii August.
Xukunkii ku dhacay sabtidii ayaa ah kii saddexaad eek u dhaca todobaad gudihiis. Talaadadii ayaa waxaa lagu xukumay 10 sano kadib markii lagu eedeeyay in uu bixiyay xogo sir ah.
Maxkamadeyntii arabacadii ayaa waxaa iyana lagu eedeeyay in isaga iyo xaaskiisu ay iibsadeen dahab hadiyad ahaan loo siiyay dawladda, taas oo laga keenay Sacuudiga.
Kiis dartiis ayaa loogu xukumay labadaba 14 sano oo xabsi ah. Maxkamadda ayaa xukuntay in Bushra Bibi ay xabsiga ku qaadato gurigeeda.
Dad badan ayaa xitaa ka hor xukunka inta aan la ridin waxay su’aal galiyeen kalsoonida lagu qabi karo doorashada todobaadka soo socda, maadaama Khan iyo xisbigiisa geeska la galiyay.
Masuuliyiinta ayaa iska fogeeyay in ay dad xirxirayaan, balse hugaamiyaal badan oo ka tirsan xisbiga PTI ayaa ku jiray xabsiyada oo ka mid yahay Imran Khan.
Kumanaan ka tirsan taageerayaasha xisbiga ayaa xabsi la dhigay kadib dibad baxyo dhigeen, xilligaas oo ay rabshado ka dhasheen xarigii Imran Khan ee sanadkii hore.
Ninka loo saadaalinayo in uu guuleysto ayaa nin saddex jeer soo noqday ra’iisul wasaare – Nawaz Sharif.
Waxaa xabsiga la dhigay sanadkii 2018 kii, kadib markii lagu eedeeyay musuq, xilligaas oo uu doorashada ku guuleystay Imran Khan. Falanqeeyayaasha ayaa waxaa ay leeyihiin waxaa hadda ninkaas garab taagan milatariga awoodda badan ee Pakistan.













