Ninkii badbaadiyay imran Khan iyo qaabkii uu uga hortagay ninkii hubeysnaa

Ibtesam Hasan

Xigashada Sawirka, TWITTER

Nin hubeysan ayaa Khamiistii rasaas ku furay ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan, isaga oo dhaawacay.

Toogashadan oo uu dhaawac kasoo gaaray Khan ayuu ku dhintay hal qof. Waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 14 ka mid ah shaqaalaha xisbiga Imran ee Tehrik Insaf. sidoo kale lagu dhaawacay hal qof uu ku dhintay. Imran Khan ayaa la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lahore, waxaana lagu sameeyay qalliin lagaga soo saaray xabbaddii lugta kaga dhacday. Khan ayaa maanta isugu yeeray shir ay yeelanayaan xisbigiisa, kaasoo uu kaga dhawaaqi doono istaraatiijiyad dheeri ah.

Xisbiga Tehrike Insaf ee Imran Khan ayaa socod dheer ka sameynaya Lahore ilaa caasimadda Pakistan ee Islamabad. Xisbiga ayaa doonaya in doorashada guud sida ugu dhaqsiyaha badan looga qabto Pakistan . Intii lagu guda jiray isu soo baxa, nin hubaysan ayaa rasaas ku furay gaarigii uu saarnaa Khan oo marayay Gujranwala oo ka tirsan gobolka Punjab Khamiistii.

Hakinta ninka weerarka geystay

Si loo joojiyo weerarka iyo rasastii soo dhaceysay, dad badan oo ka tirsan xisbiga Tehrik Insaf ayaa u dhaqaaqay dhanka ay xabbadda ka soo dhaceysay.

Mid ka mid ah shaqaalahan ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaasta.

Balse Ibtesam Hasan oo ka tirsan shaqaalaha xisbiga PTI ayaa ka hortagay ninka weerarka geystay.

Ibtesam aya bistooladii uu sitay kula dhagay ninkii weerarka soo qaaday waxaa ayna taasi suuragalisay in ninkii hubeysnaa uu rasas badan ridi waayo.

Ibtesam oo warbaahinta la hadlay dhacdada ka dib ayaa sheegay in uu toban tallaabo oo kaliya u jiray gaariga uu saarnaa Imran Khan.

Ibtesam wuxuu u orday dhanka ninkii weerarka geystay

Xigashada Sawirka, VIDEO SCREENSHOT

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa uu yiri, “Ninka weerarka geystay ayaa markii uu goobta ku soo dhawaaday cabeystay hubkiisa waxa uuna bilaabay in uu rasaas furo.

"Si degdeg ah ayaan xaggiisa ugu orday oo ka hortagay, Intaa ka dib rasaastiisu waxay ku dhacday dhulka hoose, Waxa aan damcay in aan bastooladda ka qaado waana ka dafay bastooladii oo dhulka ayaan kula dhacay," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

"Dabadeed wuxuu damcay inuu cararo, waxaan isku dayay inaan mar kale qabto. Intaa ka dib waxa u yimid booliis oo kaxeeyay”.

Ibtesam ayaa dhacdadan si faahfaahsan uga warramay mid ka mid ah TV-yada Pakistan.

Wuxuu u sheegay Bol News, "Ujeedkaygu ma ahayn inaan hiigsado Khan sahib. Markii aan arkay-ba waan ka shakiyay . Isla markiiba bastooladdii ayuu kala soo baxay sarwaalka, anigana si deg deg ah ayaan dhankiisa ugu soo cararay. “Si toos ah uma uusan bartilmaameedsan karin Mr Khan, waxaan kula dhagay gacantii uu ku hayay bistooladda," ayuu yiri Mr Ibtesam.

"Hadafkaygu wuxuu ahaa inuu aniga i dilo laakiin Khan sahib noloshiisa u badbaaddo," ayuu yiri.

Baraha bulshada oo lagu bogaadiyay

Geesinimada uu muujiyay Ibtesam ayaa aad loogu ammaanay baraha bulshada ee Pakistan.

Xaaska Imran Khan Jemima Goldsmith ayaa sawirka Ibtesam soo dhigtay Twitter-ka waxayna soo qortay – Halyeey.

Zartaj Gul Wazir, oo wasiir ka ahaa dawladdii xisbiga Tehrike Insaaf, ayaa yiri – Hadda ninkani waa halyeey qaran. Ma uusan oggolaan Khan sahib in la beegsado.

Mir Mohammad Ali Khan, oo ah ganacsade u dhashay Pakistan, ayaa sheegay in Ibtesam, oo u orday dhanka ninkii toogashada geystay oo uu bastooladda la qabsaday uu yahay geesi.

Maxaa dhacay Khamiistii?

Isu soo bixii xisbiga Imran Khan oo ka soo billowday Lahore kuna socday Islamabad ayaa gaaray Gujranwala oo ka tirsan gobolka Punjab. Kumannaan qof ayaa la socday kolonyadan.

Imran Khan ayaa saarnaa gaari korka ka banaan isaga iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga.

Ka dibna qof ayaa bilaabay inuu rasaas furo. Markii dambe waa laga itaal roonaaday ninkii weerarka geystay, waxaana ku dhawaacmay 14 qof ayaa ku dhaawacmay, hal qofna waa uu ku naf waayey.

Taas waxaa barbar socday, Imran Khan ayaa sidoo kale lugta laga toogtay.

Imran Khan ayaa isla markiiba la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lohar, halkaasoo lagu sameeyay qalliin xalay xilli dambe, waxaana hadda la sheegay inuusan dhaawaciisa halis ahayn.