Maxaa kitaabka masiixiyiinta ee Baybalka looga mamnuucay iskuulaadka Maraykanka qaar?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dugsi hoose dhexe oo yal degmo ku taal gobolka Utah ee dalka Maraykanka ayaa mamnuucay kitaabka masiixiyiinta ee baybalka iyaga oo ku eedeeyay in ay ku jiraan “cay iyo dagaal”.
Tallabadan ayaa imaanaysa ka dib markii mid ka mid ah waalidiinta uu gudbiyey cabasho ku aaddan in baybalka loo yaqaan ‘king james’ oo ay ku mideysan yihiin inta badan kiniisadaha masiixiyiintu uu ka kooban yahay qoraal aan ku haboonayn caruurta.
Gobolka Jamhuuriyiinta ee Utah ayaa sannadkii tagey meel mariyey sharci dugsiyada lagaga joojinayo buugaagta “galmada ka hadla ama anshax xumadu ku qoran tahay”.
Buugaagta ugu badan eel aga mamnuucay dugsiyada gobolka ayaa ahaa kuwa ka hadlaya jinsiga iyo galmada.
Mamnuucista baybalka ayaa imaanaysa xilli ay jiraan dadaallo badan oo gobolada jamhuuriyiinta ee Maraykanku ay ku doonayaan in lagu joojiyo barista caruurta ee mowduucyada muranka dhaliyey eek u saabsan waxyaabaha ay ka midka yihiin, xuquuqda dadka isku jinsiga ah guurkooda iyo cunsuriyadda.
Xeerarka mamnuucidda buugaagta qaarkood ee loo arko inay meel-ka-dhac yihiin ayaa sidoo kale yaalla gobollada Texas, Florida, Missouri iyo South Carolina. Qaar ka mid ah dawladaha hoose ee xorta ah ayaa sidoo kale mamnuucay buugaagta dugsiyada iyo maktabadaha qaarkood, iyaga oo tixraacaya waxyaabaha cunsuriyadda loo arko.
Go'aankan gobolka Utah waxaa sameeyay usbuucan Dugsiga Davis ee waqooyiga magaalada Salt Lake, ka dib cabasho la gudbiyay bishii December ee sannadkii tagey. Saraakiisha ayaa sheegay inay horay u saareen toddoba ama siddeed nuqul oo Kitaabkan ay aaminsan yihiin masiixiyiintu oo ay ku haysteen khaanadaha, iyagoo xusay in qoraalku uusan marna ka mid ahayn manhajka ardayda.
Guddidu ma faah faahin sababta sababayntooda iyo tuducyada ay ku jiraan waxyaabaha “afxumada iyo dagaalka ah”.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida lagasoo xigtay wargeyska Tribune ee magaalada Salt lake, waalidka dacwooday ayaa sheegay in kitaabkan uusan “wax qiimo ah u lahayn caruurta, maxaa yeelay wuxuu dhacayaa qeexidda gobolka ee waxay ay anshax xumo tahay”, taas oo loola jeedo sharciga 2022 ee lagu mamnuucaya buugaagta noocaas ah.
Sharci dajihii qoray sharcigan gobolka Utah ee 2022 kii ayaa horaan meesha ka saaray in Baybalka laug diro buugaagta la mamnuucayo isaga oo ku tilmaamay in ay taasi tahay “jeesjees, balse mar dambe ayuu is baddelay toddobaadkan isaga oo ugu yeeray kitaabkan mid “ku adag caruurta” in ay akhriyaan.
“dhaqan ahaan, maraykanka waxaa si fiican baybalka loogu bartaa xaafadaha iyo aqallada, qoys ahaan,” ayuu Ken Ivory kusoo qoray Facebook.
Xukunka degmada ayaa sheegay in baybalku uusan ka hor imaanayn sharcigii 2022, balse waxaa ku qoran waxyaabo “afxumo iyo dagaal ah” kuwaas oo aan u wanaagsanayn ardayda yaryar”. Buugga ayaa sii yaalli doona dugsiyada sare.
Bob Johnson, oo ah aabaha arday dhigata dugsiga hoose ee degmada Davis, ayaa u sheegay CBS News inuu ka soo horjeedo in Kitaabka Quduuska ah laga saaro.
"ma garan karo waxa Baybalka ku jira ee u baahan in laga saaro. Ma aha sida sawirro ku jira oo kale," ayuu yiri.
Degmadani maaha tii ugu horeysay ee Maraykanka oo Kitaabka masiixiyiinta ee baybalka ka saarta khaanadaha dugsiyada wax barashada.
Degmo dugsiyeedka Texas ayaa sannadkii hore ka saartay Kitaabka masiixiyiinta khaanadaha maktabadda ka dib cabashooyin ka yimid xubnaha dadweynaha oo ka soo horjeeda dadaalka muxaafidka ee lagu mamnuucayo buugaagta qaar.
Bishii hore, ardayda Kansas waxay codsadeen in Kitaabkan laga saaro maktabadda dugsiga.












