Haweenay Ruush ah oo sumaysay gabadh Maraykan ah si ay isaga dhigto

Victoria Nesi Rova (midig) iyo Olga Tsyuk (bidix)

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Victoria Nesi Rova (midig) iyo Olga Tsyuk (bidix)

Haweeney u dhalatay dalka Ruushka ayaa lagu xukumay magaalada New York ee dalka Mareykanka, kadib markii lagu helay dambi ah inay qorsheyneysay inay disho haweenay ayada u eg si ay u adeegsato aqoonsigeeda.

Nessi Rova ayaa lagu xukumi doonaa bisha soo socota kiiskan, iyadoo wajihi karta ilaa 25 sano oo xabsi ah.

Sannadkii 2016-kii, haweenay u dhalatay dalka Ruushka oo lagu magacaabo Victoria Nesseva ayaa sun dilaa ah ku dhex dartay toorto si ay u disho Olga Tsvek oo ah haweenay quruxda dumarka ku taqasustay, balse Tsvek ayaa si mucjiso ah uga badbaaday.

Markii ay isbitaalka ka soo laabatay daawaynta ka dib, waxay ogaatay in la xaday warqadaheedii aqoonsiga.

Marka Nessi Rova ay isku dayaysay inay disho Olga Tsvek, waxay ahaayeen dumar meelo badan isaga eg. Labaduba waxay lahaayeen timo madow iyo midab isku mid ah, labaduba waxay ahaayeen dumar ku hadla luqadda Ruushka.

Dhanka maxkamadeynta, xeer ilaaliyaha degmada Queens Melinda Katz ayaa hadalkeeda ku sheegtay in ' xeerbeegtida ay si taxadar leh u baareen shirqoolka lagu dilay dhibbanaha, nasiib wanaag dhibbanaha waa badbaaday, suntiina waxay fududeysay in la helo dambiilaha’.

Qareen
Qoraalka sawirka, Nessi Rova waxaa laga yaabaa in 5 sano oo xabsi ah lagu xukumo marka maxkamadeyntu dhamaato.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maxkamadda ayaa loo sheegay in bishii Ogosto 2016, Nessie Rowa, oo hadda 47 jir ah, ay toorto geysay guriga haweenaydan oo dhanka quruxda ayada u qaabilsanayd, iyada oo cuntay laba gabal oo toortada kamid ah ka dibna midkii saddexaad oo sumaysan siisay Tuswick. Markii ay cuntay ayay matagtay oo dhacday.

Waqtiga dhacdadan, dhibbanaha, Tusvek, waxay jirtay 35 sano oo kali ah.

Sida ay sheegtay qareenka degmada Melinda Katz, 'waxa ugu dambeeyay ee Tuswick oo sumeysan ay xasuusato ka hor inta aysan miyir daboolmin ayaa ah in ay arkaysay Nessie Rowa oo qolkeeda ku dhex wareegaysa.'

Markii mid ka mid ah saaxiibadii Tuswick uu u yimid maalintii xigtay, waxay aragtay iayada oo miyir daboolan oo sagxada jiifta, dharkeediina lagaga beddelay dhar hoose oo jeexan, rasaasna dhulka lagu daadiyey sidii ayadoo doonaysa inay is disho.

Markii ay ugu dambeyntii ku soo laabatay gurigeeda, baasaboorkii Tsvek ee Ukraine iyo ogolaanshiyaha shaqada ee Mareykanka, iyo dahabkeeda iyo ilaa 4,000 oo doolar oo cadaan ah ayaa la waayey, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha intii lagu guda jiray bayaannada furitaanka maxkamadeynta.

Nessi Rowa

Xigashada Sawirka, facebook

Qoraalka sawirka, Sida lagasoo xigtay warbaahinta Maraykanka, Nessi Rowa ragga ayey siri jirtay si ay ugu qasabto inay lacag bixiyaan

Inta lagu guda jiray baaritaanka, daawada suuxinta ee Phenazepam ayaa laga helay hadhaaga toortadii, halka isla daroogada sidoo kale lagu xaqiijiyay inay ku jirtay kaniiniyada ku firirsan dhulka.

Nessie Rowa, oo ku nool Brooklyn, ayaa lagu xukumay xabsi iyadoo lagu eedeeyay isku day dil, weerar.

Tani maaha markii ugu horeysay ee Nesi Ruwa ay sharciga damve ka gasho kana baxsato.

Sannadkii 2015-kii, Interpol waxay soo saartay ogaysiis casaan ah oo ku saabsan in loo soo xiro Nessie; dilka qof dumar ah oo lagu dilay Ruushka. Sida ku cad ogeysiiska, 2014, Nancy waxay dishay deriskeeda, Alla Alec Senko, waxayna xaday dhammaan wixii u keydsanaa.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, Nessie Rowa waxay soo jiidan jirtay ragga iyo daroogada waxayna ragga ku khiyaameyn jirtay goobaha shukaansiga ee internetka.

Labada xukunba sidoo kale waxay ahaayeen mawduuca 2017 dukumentari ku saabsan barnaamijka baadhista ee CBS 48 saacadood.