Suufiyada Hindiya oo dhexda u galay muran ka taagan goob ay Muslimiinta iyo Hinduuda ku wada cibaadeystaan

Goobtan waxaa la sheegaa in ay jirto in ka badan 700 oo sano
Qoraalka sawirka, Goobtan waxaa la sheegaa in ay jirto in ka badan 700 oo sano

Macbad suufiyeed oo badanaa ay soo booqdaan dadka Hindida ah ee haysta dhammaan diimaha kala duwan ayaa dhawaanahan qabsaday ciwaanada wararka ka dib markii hoggaamiye sare oo siyaasadeed uu sheegay in uu doonayo inuu macbadka u "u xoreeyo" dadka haysta diinta hinduuga oo kaliya. Weriyaha BBC-da Cherylann Mollan ayaa goobta booqatay si ay u fahanto waxa uu muranku ku saabsan yahay.

Waxaa adag in la fuulo goobtan oo ku taal meel buur ah, iyada oo ilaa 457 mitir oo sallaan laga sameeyay dhagax la qoray uu kasoo horeeyo kuwa doonaya in ay goobta gaaraan : Qabri suufiyeed oo saldhig u noqday diin iyo taariikh muran leh.

Xayndaabka dhismaha oo lagu magacaabo Masjidka Haji Malang dargah oo ku fadhiya buur ku taal duleedka magaalada Mumbai ee gobolka Maharashtra ee galbeedka dalkaasi ayaa la sheegay in uu ku aasan yahay wadaad carbeed oo Hindiya yimid in ka badan 700 oo sano ka hor. Sida goobo badan oo kale oo suufiyadu leeyihiin oo ku yaala Hindiya, dargah waxaa loo arkaa calaamad muujinaysa isku-dhafka iyo dulqaadka, inkastoo ay udub dhexaad u tahay khilaaf diimeed.

Markii aan booqday, Hinduuga iyo Muslimiintuba waxay geynayeen ubaxyo iyo chadar – oo ah gabal maro ah oo loo keeno qabriyada “awliyada” calaamad muujinaysa ixtiraamka ahaanwaxay dadku aaminsan yihiin in duco kasta oo qofku ku weydiisto "qalbi saafi ah" la siin doono.

Guddiga maamulka macbadku waxa uu ka tarjumayaa dareenkan wada-noolaanshaha ixtiraamka leh - halka laba ka mid ah mas'uuliyiinteeda ay yihiin Muslimiin, ilaaliyeyaasheeda dhaxalka ah ayaa ka soo jeeda qoys Hinduu ah.

Suufiyada Hindiya
Qoraalka sawirka, Dad badan oo kala haysta diimo kala duwan ayaa halkan ku cibaadeysta

Laakiin horaantii bishaan, madaxa gobolka Maharashtra, Eknath Shinde ayaa kiciyay muran isaga oo dib uga soo nooleeyay isosoo bax siyaasadeed sheegashadii tobanaan sano jirtay ee Hinduuga. Waxa uu sheegay in qaab-dhismeedka, oo dhaqan ahaan loo tixgeliyo dargah, uu yahay macbad ay leeyihiin Hinduuga, wuxuuna caddeeyay in ay ka go'an tahay in uu "xoreeyo".

Shinde kama uusan jawaabin codsigii BBC ee ahaa inuu faallo ka bixiyo hadalkiisa.

Sheegashadiisa ayaa ku soo beegantay xilli qaar ka mid ah masaajidda caanka ah iyo taallooyin ay muslimiintu sameeyeen oo ku yaalla Hindiya ay hareeyeen muranno la xiriira sheegashada ah in laga dul dhisay macbadyaal Hinduu ah oo qarniyo ka hor la dumiyey.

Sanadihii 1980-meeyadii, lataliyaha siyaasadeed ee Mr Shinde, Anand Dighe, ayaa hormuud ka ahaa olole lagu gacanta Hinduuga dib loogu "soo celinayo" macbadka Haji Malang. Sannadkii 1996-kii, waxa la sheegay in uu hogaaminayey 20,000 oo shaqaale ah oo ka socday xisbiga Shiv Sena si ay goobta ugu gutan cibaadada Hinduuga ee ‘pooja’.

Tan iyo markaas, Hinduu adag, kuwaas oo tixraacaya qaab-dhismeedka Malanggad, waxay sii wadeen dhaqanka pooja ee macbadka maalmaha Dayaxa buuxa, marmarka qaarkoodna waxay horseedaan isku dhacyada Muslimiinta iyo dadka deegaanka.

Waxa kale oo jira macbadyo badan oo buurta ku yaal - sida kan oo kale oo u dhow Qabuurta Suufiyada
Qoraalka sawirka, Waxa kale oo jira macbadyo badan oo buurta ku yaal - sida kan oo kale oo u dhow Qabuurta Suufiyada

Laakiin dadka siyaasadda indha indheeya ayaa sheegaya in mawqifka Mr Shinde laga yaabo in uusan diin ku salaysanayn ee uu siyaasad u badan yahay. Ololaha Dighe ayaa hoos u dhigay soo jiidasho uu ka helay codbixiyaasha Hinduuga ee gobolka Maharashtra.

"Shinde waxa uu hadda isku dayayaa in uu matalo 'badbaadiyaha Hinduuga' ee Maharashtra," ayuu yiri Prashant Dixit, oo ah saxafi hore.

Marka laga reebo doorashada qaranka, Maharashtra oo ah gobolka ugu qanisan Hindiya ayaa u codayn doona golaha gobolka dabayaaqada sanadkan. Helitaanka taageerada Hinduuga aqlabiyadda ah ayaa muhiim u ah Shinde, marka loo eego muuqaalka siyaasadeed ee gobolka, ayuu yidhi Dixit.

Doorashooyinka Maharashtra inta badan waa tartan afar geesood ah oo u dhexeeya xisbiyada nativist, Hindu Shiv Sena iyo Bharatiya Janata Party (BJP) iyo xisbiga dhexe ee (NCP) oo mid kasta uu kogereska ku leeyahay saami u gaar ah ee codbixiyayaasha aasaasiga ah.

Laakiin Mr Shinde ayaa wajahaya dhibaato dheeraad ah - 2022, isaga iyo taageerayaashiisa waxay ka goosteen Shiv Sena.

Waxay rideen dawladdii markaas talinaysay oo ahayd isbahaysi ka koobnaa saddexda xisbi ee shiva Sena, Congress iyo NCP - wuxuuna la samaysatay isbahaysi cusub BJP si ay u soo dhisaan dawladda cusub.

"Laakin iyadoo sharci-dajiyayaashu laga yaabo in ay beddelaan xisbiyada, way adag tahay in la helo cod-bixiyayaasha asaasiga ah si ay u beddelaan cidda ay daacadda u yihiin," ayuu yidhi Mr Dixit. "Isaga oo sare u qaadaya xiisadda Macbadka, Mr Shinde wuxuu rajeynayaa in uu soo jiito shucuurta codbixiyaashii udub-dhexaadka u ahaa Shiv Sena oo uu xoojiyo keydaka codadka Hinduuga," ayuu yidhi.

dadka soo booqda waxay fuulaan 1,500 tilaabo si ay u gaadhaan macbadka Haji Malang
Qoraalka sawirka, Dadka soo booqda waxay fuulaan 1,500 tilaabo si ay u gaadhaan macbadka Haji Malang
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ay ku dhibtoonayaan sidii ay u heli lahaayeen waxyaabaha aasaasiga ah sida biyaha la cabbi karo, gaar ahaan bilaha xagaaga oo aad u dhib badan.

"Biyaha waa in la qaybiyaa, qoys walba waxaa la siiyaa 10 litir oo biyo ah maalintii," ayuu yiri Ayuub Sheekh, oo xubin ka ah golaha deegaanka.

Buurtu sidoo kale malaha isbitaal habboon, dugsi ama ambalaas.

"Qofka wax bartay ma rabo in uu halkan ku noolaado, ma jirto wax ay sameeyaan," ayuu yiri Shaikh oo ah 22 jir bajaajle ah, oo codsaday in magaciisa koowaad la isticmaalo.

"Siyaasiyiinta oo dhan waxay rabaan in ay ciyaaraan shax si ay codad u helaan, ma jiro qof runtii dan ka leh waxa ay dadku rabaan."

Dareenkaas waxaa ku dhawaaqay dad badan oo deegaanka ah.

"Hinduuga iyo Muslimiintu waxay ku wada noolaayeen si wadajir ah buurtan qarniyo badan," ayuu yidhi Sheekh. “Waxaan si wadajir ah u xusnaa ciidaha, waana is garab istaagnaa marka ay baahi jirto.

"Ma jirto cid kale oo na garab istaagta - haddaba maxaan isu dagaalaynaa?"