Wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato xanuunkan caloosha ku dhaca ee ay dad badan qabaan

Calooshu waxay ka mid tahay xubnaha uu ka kooban yahay hab-dhiska dheefshiidka

Xigashada Sawirka, PROSTOCK-STUDIO VIA GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Calooshu waxay ka mid tahay xubnaha uu ka kooban yahay hab-dhiska dheefshiidka

Marka la soo koobo, boogaha caloosha ama xiidmaha waa nabar qoto dheer oo kasoo baxa xuubka caloosha ama qaybta hore ee mindhicirka yar ee loo yaqaan 'duodenum' xaaladaas oo kale waxaa sabab bakteeriyada loo yaqaan helicases ee ku dhacada habka dheef-shiidka.

Dr Roland Kojo, oo ah dhakhtar ku taqasusay (gastroenterist) oo ah Caabuqa caloosha iyo mindhicirka iyo cilmi-nafsi kana howgal isbitaalka jaamacadda Campos ee Lomé, Togo, ayaa la hadlay BBC-da si aan wax badan uga fahanno cudurkan.

Calooshu waxay ka mid tahay xubnaha uu ka kooban yahay hab-dhiska dheefshiidka, doorkeeduna waa shiididda cuntada iyo in ay u soo qaaddo xiidmaha.

Waxay ku taal dhinaca bidix ee caloosha ee feeraha hoostooda waxaana qariyay beerka.

Calooshu waxay ku fidsan tahay malawadka waxay ku xidhan tahay hunguriga, iyo xiidmaha si looga saaro cuntada caloosha.

Waa maxay boogaha caloosha?
Boogaha caloosha

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Boogaha caloosha

Boogaha caloosha waxay ka dhashaan marka qayb ka mid ah hilibka caloosha iyo mindhicirka ay dhaawacmaan.

Sida uu qabo Dr Roland Kogoe, oo ah dhakhtarka Caabuqa caloosha iyo mindhicirka boogahaan ayaa ah kuwa halis ah .

Waa boog si joogto ah uga saaraysa xuubka gudaha caloosha ilaa uu ka gaaro xuubka jilicsan ee xameetida” dadka qaar ayaa dhaha waxaan la ildaran nahay xanuunka gaasaska,” ayuu yiri.

Hadii ay boogtu ku faafto calaasho oo dhan ama qaybta ugu dambeysa ee caloosha waxay keentaa xanuun degdeg ah.

Maxaa sababa boogaha caloosha?
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sababta ugu weyn ee boogaha caloosha waa bakteeriyada Helicobacter pylori (H. pylori) oo laga helo boqolkiiba 90 kiisaska iyo isticmaalka dawooyinka aan lahayn ka hortagga caabuqa (NSAIDs).

“Marka aan ka hadalno sababaha nabarrada keena, waxa aynu u kala saaraynaa laba nooc oo kala ah, tan koowaad waa Helicobacter pylori infection, waa bakteeriya marka aynu yar nahay aynu ku qaadno cunista waxyaabo kala duwan oo sababa in caloosha ay ka soo baxdo badan oo awood u leh keenana boog,” ayuu yiri Dr. Kogoe.

Sababta labaad ee boogaha ayaa ah caadooyinka qaarkood iyo hab nololeedka, kuwaas oo gacan ka geysan kara koritaanka bakteeriyadan.

"Waa run, tusaale ahaan, in aad cuntada iska dhaafto marar badan , ama isticmaalka daawooyinka ay ku jiraan steroids bararka, gaar ahaan aspirin ama ibuprofen ayaa keeni kara boogaha caloosha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay .

Sababta kale ee keeni karta boogaha ayaa ah isticmaalka "khamriga caloosha oo maran la cabo markaa walxahan waxay si toos ah ula xiriiraan xuubka caloosha ama qaybta ugu dambeysa ee caloosha ee cuntada u qaadda mindhicirka waxayna keenaan barar sababi kara boog. " ayuu yiri Dr. Kogoe.

Caabuqa bakteeriyada Helicobacter pylori waa mid ka mid ah cudurrada daba-dheeraada ee ugu badan adduunka 20% ilaa 90% dadka qaangaarka ah waxayna ku dhacaan dadka ku nool dalal kala duwan, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Caabuqu wuxuu ku badan yahay waddamada soo koraya (80% ilaa 90%) marka loo eego wadamada horumaray (25% ilaa 30%).

Caadooyinka sababi kara boogaha caloosha

Sigaar cabista: Sigaar cabista waxaa lala xiriiriyay khatarta sii kordheysa ee boogaha caloosha sigaarku wuxuu halis galin karaa habka difaaca caloosha wuxuuna sidoo kale dib u dhigi karaa habka bogsashada boogaha jira.

Isticmaalka khamriga ee xad-dhaafka ah: Isticmaalka khamriga ee xad-dhaafka ah wuxuu baabi'iyaa xuubka caloosha, kordhinta khatarta boogaha ayuuna kaalinta ka qaata .

Cadaadiska: Inkastoo walwalka laftiisa uusan si toos ah u keenin boogaha caloosha, balse waxaa sii xumeyn karaa xaaladaha jira.

Cadaadiska daba-dheeraada wuxuu u horseedi karaa isbeddel dabeecadeed oo ku dhaca mindhicirka, sida caadooyinka cunnada ee aan caafimaadka lahayn ama isticmaalka khamriga iyo tubaakada oo kordha, taas oo gacan ka geysan karta horumarinta boogaha.

Isticmaalka kafeega ee xad-dhaafka ah: Inkasta oo isticmaalka dhexdhexaadka ah ee kafeega guud ahaan loo tixgeliyo badbaado dadka intooda badan, isticmaalka xad-dhaafka ah wuxuu kicin karaa soo saarista aashitada caloosha oo suurtogal ah inay gacan ka geysato horumarinta boogaha.

Cunista badan: Cunista cuntooyin badan waxa ay culays badan ku keentaa caloosha, taas oo keenta in ay korodho wax soo saarka ,tani waxay dhaawici kartaa xuubka caloosha waxayna ka qayb qaadan kartaa boogaha.

Waa maxay calaamadaha boogaha caloosha?
Waxaa jira Calaamado dhowr ah ayaa lala xiriiriyaa boogaha caloosha

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Waxaa jira Calaamado dhowr ah ayaa lala xiriiriyaa boogaha caloosha

Calaamado dhowr ah ayaa lala xiriiriyaa boogaha caloosha.

Darnaanta calaamadaha waxay ku xiran tahay darnaanta boogaha. Calaamadaha ugu caansan waa gubasho ama dareen xanuun oo ka jira bartamaha caloosha inta u dhaxaysa laabta iyo badhanka caloosha.

Xanuunku inta badan waxa uu noqonayaa mid aad u daran marka calooshu madhan tahay oo uu socon karo dhawr daqiiqo ilaa dhawr saacadood.

Boogaha mindhicirka yaryar waxay u badan tahay inay ku dhacaan xanuun joogto ah.

Xanuunku wuxuu toosi karaa qaar badan saqda dhexe habeenkii, laakiin ma soo muuqdo waxa ugu horreeya subaxda.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo, sababtoo ah guud ahaan waxaan aragnaa dad mar kasta oo ay calooshu xanuunayso sheega inay nabar leeyihiin, ka digtoonow, caloosha waxaa ku jira xubno badan oo xanuun keeni kara, xanuunku wuxuu la mid noqon karaa boogaha caloosha marka loo eego waxa fiican inaad hesho talo dhakhtar'', ayuu yiri Dr. Roland Kogoe.