Maxaa loo hadal hayaa wixii ka dhacay hoolka arooska gabadha uu dhalay jilaaga caanka ee Amir Khan?

AROOSKA LA YAABKA LAHAA

Xigashada Sawirka, GETYY IMAGES

Qoraalka sawirka, tababare jirdhiska ah, Nuper oo guursaday gabadha uu dhalay jilaaga caanka ee Amiir Khan

Ira Khan oo ah gabar uu dhalay jilaaga caanka ah ee Amiir Khan oo si weyn looga yaqaan Bollywood-ka ayey is guursadeen Nupur Shekhar oo ah nin tababare jirdhiska kaas oo isna caan ka ah dalka Hindiya.

Sida caadiga ah aroosyada Bollywood-ka waa kuwo heer sare ah dhanka labiska, goobta iyo qurxinta intaba laakiin kan ayaa si weyn looga hadal hayaa dalkaasi.

Lacag badan laguma kharash garayn goobta arooska, taas beddelkeedna labada lammaane ayaa arooskoodu ka dhacay hoteel ku yaalla Mumbai oo ay ku qaateen dhowr saacadood oo soo dhaweyn ah.

Nupur Shekhar ayaa maalintii arooska xirnaa surwaal gaaban iyo jaakad, dadka ayaana la yaabay markii ay arkeen, ma jiraa qof sameeya sidan oo kale arooskooda? ayey is waydiiyeen qaar ka mida dadkii xafladda ka qayb galay

Hadda waxaa magaciisu noqday mid si weyn loo yaqaan Nuper, laakiin waxaa jira dad ku taageeray tallaabadan iyo kuwo ku dhaleeceeyey intaba.

Sheekada kale ee xiisaha leh ayaa ah marka laga soo tago dharka uu xirnaa Nuper go'aanka kale ee ay qaateen oo ah in faras iyo gaari qaali ah midna u kaxaysan goobta aroosku ka dhacay balse wuxuu la ordayey xaaskiisa.

AROOSKA LA YAABKA NOQDAY

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

Wuxuu socday 8 km isagoo xiran jaakad madow iyo surwaal gaaban oo cad, wuxuuna sidoo kale guurkiisa ku diiwaan galiyay isla dhar isku mid ah.

Muuqaallada iyo sawirrada arooska ee Nupur iyo Ira ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada. Haddaba dadka ayaa xiiseenaya in ay ogaadaan qofka uu soddogga u yahay ninka caanka ka ah Bollywoodka ‘Mr Perfectionist’ ee Nupur Shekhar?

Waa kuma Nupur Shikhar?

AROOSKA LA YAABKA LEH

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Ira Imran Khan iyo Nupur Shekhar
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nupur Shekhar waxa uu ku dhashay magaalada Pune oo ka tirsan maamulka Maharashtra oo ah magaalo caan ku ah warshadaha dalka hindiya

Wuxuu ka qalin jabiyay machadka RS Podar ee dhaqaalaha iyo ganacsiga kaas oo ku yaalla magaalada Mumbai.

Nupur sidoo kale waa tababare jirdhiska iyo lataliye. Magaciisa waa mid ka mida kuwa ugu caansan ee jirdhiska adduunka.

Muuqaallada jirdhiskiisa ayaa ah kuwo ku jira bartiisa Instagram oo ay ku xiran yihiin ilaa sodon kun oo qof

Sido kale xiddigo badan oo Bollywood-ka katirsan ayuu tababar dhanka jirdhiska ah siiyay sido kale waa macallinka Amir Khan oo ah soddogiis.

Xiddigaha kale ee ka tirsan Bollywood-ka ee uu tabaraha gaarka u noqday waxaa ka mid ah atariishada Sushmita Sen oo muddo sanado uu tababare u ahaa.

Nupur wuxuu sidoo kale macallin xagga jirdhiska ah u ahaa xaaskiisa Ira, waxayna is jeclaadeen intii uu siinayey tababarka jirdhiska ah.

Ka dib muddo labo sano gudahood oo uu xiriirkoodu sii qoto dheeraaday waxay go'aansadeen inay is guursadaan.

Ira inkasto oo uu dhalay xiddig weyn oo Bollywoodka ah, haddana ma isticmaalin sumacada Bollywood wayna ka fogaatay mana rabin inay sidoo kale isticmaasho saamaynta magaca aabaheed iyadoo doonaysay inay abuurato mid iyada u gaar ah.

Aira Khan waa aasaasaha iyo maamulaha NGO 'Agatsu'. Ururadani waxay ka shaqeeyaan caafimaadka maskaxda iyo fayoobida dadka.

Is araggoodii u horreeyey ee 2020-kii

Ira Khan iyo Nupur waxay kulmeen markii ugu horeysay sanadkii 2020-kii. Aira waxay u timid inay joogto guriga aabaheed inta lagu guda jiro xayiraadkii COVID-19kii, waxayna labadooduba kulmeen inta lagu jiro waqtigan.

Bishii Sebtembar 2022, Nupur ayaa u soo jeediyey hal sano oo xiriir ah iyagoo ku wada jira dhacdo baaskiil wadid ah.

Labada xaas ee Aamir Khan ayaa goob joog ka ahaa arooska halka Aira walaalkeed Junaid iyo walaalka ka yar ee Azad ay ku sugnaayeen. Qoyska Nupur oo dhan ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa arooska.

Nupur wuxuu rabay in guurkoodu fududaado una gutaan dhamaan caadooyinka iyaga oo an wax bandhiga qaaliya samayn wayna u dhacday siday rabeen