Oscar Pistorius: Sidee noqon doonaa mustaqbalka orord-yahankan loo heysto dilka saaxiibtiis ee haatan cafis lagu sii daayay?

Xigashada Sawirka, AFP
Xiddiggii hore ee ciyaaraha Oscar Pistorius ayaa noqon kara dilaaga ugu caansan adduunka.
Xiddiggii hore ee orod-yahannada naafada ah ayaa shalay kasoo baxay xabsi ku yaalla Koofur Afrika oo cafis loo fidiyay, kaddib markii uu soo qaatay kala bar sanadihii lagu xukumay oo 13 ahaa iyadoo loo heysto dilka saaxiibtiis Reeva Steenkamp oo geeriyootay Valentine's Day 2013.
Sidii ay isu beddeleysay iyo wejiyadii ay yeelaneysay dacwaddiisii ku dhowaad 10 sano kahor ayaa qabsatay dalkaas – sii deyntiisa ayaana war aad u weyn ka ah Koofur Afrika iyo dunidaba.
Ninkan ka go’an labada lugood ayaa ku guuleystay lix billad dahab ah kaddib markii uu saddex cayaaraha oroddada ka qeyb galay uuna taariikh dhigay sanadkii 2012 wuxuuna noqday orod-yahankii ugu horreeyay ee naafo ah oo ka qeybgala tartankii oroddada ee London.
Balse Pistorius waxaa haatan loo yaqaannaa dilaa la xukumay.
Ma aha qof caan ah oo doonaya inuu dib usoo shaac-boxo kaddib markii uu saaxada caalamka ka baxay.
Xirfaddiisii orod-yahannimo way dhammaatay. Shirkadaha waaweyn ma rabi doonaan inay maalgeliyaan. Looma soo raadsan doono inuu noqdo tebiyaha cayaaraha.
Ninkan 37 jirka ah, oo mar loo aqoonsanaa "Sakiinta Ordeysa", ayaa la sheegay inuu jir ahaan ka duwanaa orod-yahankii ay dadku xusuusteen.
Warbaahinta gudaha ayaa saadaaliyay mustaqbalkiisa, waxaana ka mid ah inuu baadari noqon doono, taasoo ka dambeysa in aabbihiis uu dhowr sano kahor sheegay in Pistorius uu door muhiim ah ku lahaa bulshada Kirishtaanka ee xabsiga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Weli si rasmi ah looma xaqiijin halka uu ku noolaan doono, inkastoo ilo dhowr ah ay sheegeen inuu la joogi doono adeerkiis Arnold oo deggan mid ka mid ah meelaha aadka loo ilaaliyo magaalada Pretoria.
Waa halkii ay weriyeyaasha, ay ka mid yihiin kuwa BBC, isugu tageen shalay subixii. Qaar ka mid ah qaraabadiisa ayaa la arkayay iyagoo imaanaya kuna sii baxaya gawaari balse wax su’aalo ah. Ubaxyo badan oo loogu talogalay Pistorius ayaa la geeyay guriga adeerkiis xilligii qadada.
Pistorius qudhiisa ma awoodi doono inuu ka jawaabo su’aalaha warbaahinta ee ku aaddan mustaqbalkiisa. Shuruudaha cafiskiisa – oo ku ek 2029 – waxaa ka mid ah inay mamnuuc ka tahay inuu warbaahinta la hadlo.
Haddii uu jebiyo shardigan, amaba shuruudaha kale oo ka xannibaya inuu cabo khamri amaba daroogo la mamnuucay, waxaa lagu celin karaa xabsiga.
In badan oo ka mid ah xannibaadaha cafiska ee Pistorius uu wajihi doono shanta sano ee soo socota wuxuu la wadaagaa qof walboo dembi laga cafiyay oo dalkaas ku nool.
Si kastaba, inuu yahay qof aad caan u ah ayaa sii deyntiisa ka dhigeysa mid aan caadi ahayn.
Caadiyan, markii qof lagu caddeeyo dil kaddib maxkamadeynta, xogta iyo muuqa dilaaga – oo laga yaabo inay tiiraanyo geliso qoyska dhibbanaha – ayaa caadi ahaan ka qarsoonta bulshada, iyadoo dilaaga laga qariyo indhaha bulshada oo la geliyo xabsi muddo tobnaan sano ah.
Kiiskan dilaaga waa mid dunida caan ka ah waxaana la sii daayay isagoo ku jira sanadaha ugu dambeeya ee da’da 30-meeyada, kaddib markii uu in ka yar siddeed sano xabsiga ku jiray.
Ms Steenkamp, oo baratay sharciga ahaydna qof dhar-xayeysiinta guul ka gaartay, ayaa mustaqbalkeedii lagu soo gabagabeeyay iyadoo 29 jir keliya ahayd.
Mamnuucidda wareysiyada warbaahinta ee Pistorius ayaa dhacaya kaddibna wuxuu xor u noqon doonaa inuu hadlo. Caannimadiisa waxay ka dhigan tahay inuu heli doono meel uu ku hadlo.
Gwyn Guscott, oo ah saaxiibta ay isku dhowaayeen Ms Steenkamp, ayaa tiri "mar walba oo aan billowno inaan iska illowno wixii dhacay, Oscar ayaa nagu soo dhaca".
Waxay saadaalineysaa inuu raadin doono qaab uu warbaahinta u adeegsado mar kalena ku sheego aragtidiisa sida ay wax u dhaceen.
"Inuu isagu soo baxo oo uu bulshada la hadlo, suurtogalna ay tahay, sidaad ogtahay, waxay si khaldan u kicinayaan mid ka mid ah dareemaheenna, dib ayay dhammaanteen inoo celin doonaan."
Hooyada Ms Steenkamp, June, ayaa sheegtay inaysan rumeysneyn in Pistorius dhaqancelinta kusoo fiicnaaday iyo sheegashadiisa ah inuu u maleynayay in gabadheeda ay ahayd qof si qarsoodi ah ugu soo galay qolka habeenkii uu tooganayay toona.
Balse maalintii la sii deynayay waxay sheegtay in iyada iyo ninkeedii geeriyooday, Barru, ay aqbaleen in cafisku uu qeyb ka yahay hannaanka caddaaladda Koofur Afrika, inkastoo aysan weli kasoo kaban geerida gabadhooda.

Xigashada Sawirka, AFP
Gudaha Koofur Afrika, waxaad maqleysaa aragtiyo kala duwan oo ku aaddan kiiska. Qaar ayaa illaabay inuu ahaa qof loo xukumay dil uu geystay oo racfaan ka qaatay, iyagoo keliya u xusuusta xukunkii hore ee ahaa rabshad qoys oo ah dembi yar, xusuusihii dadka ee caddeymaha ayaana meesha kasii baxay.
Marka la eego sharciga Koofur Afrika, dhammaanba dadka dembiyada gala ayaa loo fidin karaa cafis mar haddii ay soo qaataan kala bar sanadihii lagu xukumay.
Balse Bulelwa Adonis, oo ka tirsan kooxda Koofur Afrika ka dhisan ee Women for Change, ayaa sheegta in sii deyntiisa xilliga hore ay muujineyso inay wax caadi ah tahay, marka ay timaaddo qof walba oo geysta tacaddiyaha haweenka ka dhanka ah.
Waxay dareemeysaa xaqiiqda ah inuu mar ahaa geesi qaran uu weli saameyn ku leeyahay aragtida dadka.













