Maxaad ka ogtahay khatarta aad kala kulmi karto jaajarada duqa ah, sideese uga fogaan kartaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar badan oo naga mid ah ayaa isticmaala fiilooyin jaajar oo duq ah, kuwaas oo laga yaabo in ay fiiqmeen, dadka qaar ayaana ku duuba koolo ama shay kale oo sii wada isticmaalka jaajarka fiiqmay, sidaas ayay ku dabaystaan taleefanadooda. Balse in sidaas la sameeyo ayaa leh qatarteeda.
Waxaan dad badani ku baraarugsanayn dhibaatada uu taleefankaaga u keeni karo isticmaalka jaajar ciladeysan.
Sidoo kale jaajarada raqiiska ah ee laga soo iibsado suuqa ayaa cilad xoog leh u keeni kara taleefankaaga.
Maxay tahay dhibaatada ka dhalan karta?
Marka aad taleefankaaga ku dabaysid fiilo ciladeysan oo dhaawac gaaray waxaad u nugushahay qarax koronto oo ku qabsada.
Dad badan ayaa dunida ku waayay noloshooda isticmaalka jaajaro ay isticmaaleen.
Mararka qaar ayay dhacaan dhacdooyinkaan oo kale marka la isticmaalo jaajaro aan is lahayn oo la isku keeno.
Machada badbaada Korontada ee Ingiriiska ayaa sheegay in jaajarada nuucaas ah ay ‘qatar keenaan’.
Sida ay ku daabaceen bogagooda machadka waxay sheegeen “in ay aruuriyeen jaajaro tayo liita oo aan ahayn kuwii asalka ahaa ee shirkaduhu soo saareen, ayna ogaadeen in 98% jaajaradaasi qatar ku yihiin macaamiisha.”.
Sidaas daraadeed ayaa waxay talo ku bixiyeen in aan maanka ku hayno marka aan jaajarada iibsaneyno waxa nooga imaan kara mustqabalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dab iyo qarax
Isticmaalka jaajar tayo liita ama xitaa la dayac tiray ayaa waxa uu sababi karaa qarax.
Machadka Badbaadada Korontada ayaa waxa uu ka digayaa qarax ay sababaan xargaha jaajarada ee waxyeeleysan kadib marka ay kulayl xad dhaaf ah ka qaadaan maayadda koronto ee dhexmaraysa. Taas ayaa suuragal ah in ay dhaawac halis ah gaarsiiso shaqsiga isticmaalaya.
“Taleefanka ayaa laga yaabaa in uu dab qabsado taas oo siyaadin karta halis ah in gurigu kugu gubto.” Ayaa lagu yiri xogta uu baahiyay machadku.
Sida uu baahiyay Mappier Foundation qiyaastii 25 boqolkiiba dababka ka kaca guryaha ayaa waxaa sbabaa xargo koronto. Inta badan kiisaskana waxaa loo aaneeyaa taleefano iyo jaajaro.
Hadii batariga taleefanku dab la’aan kaa noqdo.
Marka aynu isticmaalno xargo tayadoodu liidato iyo kuwa waxyeeleysan intba, waxaa dhacda in ay hoos u dhigaan Tayada batariga kaydiya dabka taleefankaaga, taas oo xitaa abuuri karta fursad taleefankaagu uu cillad guud u yeesho.
Sababta tani u dhacdo ayaa waxay tahay in jajaarada ciladeysan aysan awoodin in ay dab fiican galiyeen batariga taleefankaaga sidaas daraadeedna ay hoos u dhigaan fayo qabka nolosha batariga.
Hadaba talada la soo jeediyo ayaa ah in hadii qayb ka mid ah xariga jaajarka ay fiiqanto in aadan ku duubin sharooto. Waxaana lagu taliyaa in adiga qudhaadu aadan isku dayin in aad cilad bixiso jaajarka si walba oo ay suuragal kuula noqoto.
Talada ugu wanaagsan ayaa ah in aad soo iibsato jaajar cusub oo la jaanqaadi kara tayada koronto ee taleefankaagu u baahan yahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sideed ku ogaan kartaa hadii jaajarka aad iibsaneyso uu san ahayn mid asal ah?
Dadka ku xeesha dheer ayaa aaminsan in aysan dhib badnayn in la kala garan karo jaajar asal ah iyo mid la been abuuray xilliga aad iibsaneyso jaajar cusub.
Waxaad u baahan tahay in aad iska fiiriso meelahaan:
- Iska fiiri bacda ku dhagan jaajarka: wuxuu kaa caawin karaa in aad markiiba fahanto tayada iyo shirkadda
- Fiir halka gasha godka: hadii ay aad u dhalaaleyso dhib ayay noqon kartaa.
- Culeyska jaajarka: Jaajarada raqiiska ah ee fiicnayn ayaa kuwa dhalaalaya oo dhexda ka maran.
- Cabirka: Hadii jaajarku yahay mid liita halka gasha godka ayaa aad u wayn.
Sida loo ilaashado fayaqabka jaajarka.
Waxaa aad u wanaagsan in aad ka fikirto badqabka jaajarkaaga si aad muddo dheer u isticmaasho.
Marka aad duubeyso fiilada jaajarka ka taxadar oo qaab jajabka ka ilaalineysa u duub. Ha qasbin marka aad duubeyso, sidoo kalana ka ilaalo ileyska qoraxda iyo meel kull intaba.
Marka taleefankaagu buuxsamo aya asidoo kale lagu taliyaa in ay wanaagsan tahay in aad jaajarka bixo dabka oo aadan ku sii hayn.
Taleefanka oo habeenkii dabka looga seexdo ayaa waxay keeni kartaa waxyeelo soo gaarta batariga taleefankaada.













