Masar oo samaysatay diyaarad nooca isqarxiya ah iyo hadal heyn wayn oo ka dhalatay

Dowladda Masar waxay soo bandhigtay diyaarad cusub oo ah nooca ismiidaamiya oon aan duuliye- lahayn lana yidhaahdo "Jabbar 150," taas oo ah ah tii ugu horreesay ee gebi ahaanba gudaha dalkeeda lagu sameeyo, sida ay sheegtay shirkad gaar loo leeyahay oo ka qeyb-galaysa bandhigga warshadaha difaaca "EDEX," oo ay sanad kasta qabato Wasaaradda Difaaca ee Masar.
Soo-saareyaasha ayaa sheegay in Jabbar 150 ay leedahay awood weerar oo sarreysa, maadaama ay u duuli karto masaafo gaadheysa 1,500 kiiloomitir, iyadoo xawaare ahaan gaari karta 200 kiiloomitir saacaddii, isla markaana hawada ku sii jiri karta ku dhowaad toban saac oo xidhiidh ah. Sidoo kale waxay qaadi kartaa 40 ilaa 50 kiiloo oo qalab dagaal ah.
Diyaaraddan waxay ku shaqeysaa GPS iyo Inertial Navigation System (INS), taas oo u oggolaanaysa inay bartilmaameedka hesho iyadoo adeegsanaysa dareemeyaasha kulaylka haddii GPS-ku carqaladoobo.
"Jabbar 150" waxay noqonaysaa noocii ugu horreeyay ee taxane cusub oo qalabka ismiidaaminta ah oo sidoo kale ka mid yihiin "Jabbar 200" iyo "Jabbar 250."
Ka dib guuldarradii 1948 [dagaalkii Carabta iyo Israa'iil], Masar waxa ay diyaarisay mashruucii ugu ballaadhnaa ee taariikhdeeda si ay gudaha ugu soo saarto hubkeeda, iyadoo oggolaansho ka haysata Britain iyo Maraykanka sida ku cad dukumiintiyada Biritan.
Qaahira: "Ciidamada jooga Siinaay waxay ujeedkoodu ugu horreeyo yahay inay sugaan xuduudaha Masar kana difaacaan khatar kasta," iyadoo dowladda maanta isu diyaarinayso inay aqoonsato Dowladda Falastiin.
Shahed-136
Warbaahinta Iiraan ayaa tilmaantay in ay jiraan isbeddelo ama u ekaansho u dhexeeya "Jabbar 150" iyo diyaaradda Iiraan ee Shahed-136.
Saxafiga arrimaha difaaca Liz Craig waxay sheegtay in naqshaddu u muuqato mid laga dayday Shahed-136, oo ka mid ah diyaaradaha weerarka ee halka matoor leh taas oo ah nooca ugu guuleysiga badan sannadihii u dambeeyay. Waxay ku dartay in waxtarka diyaaradda Iran uu ka yimaado cabbirkeeda yar, raadkeeda raadaarka oo aad u kooban, iyo awoodda ay u leedahay inay weerarro ballaadhan fuliso, taas oo ka dhigaysa "qalab wax ku ool ah oo lagu wiiqo difaacyada cirka ee cadowga."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay u sheegtay BBC-da in Masar "ay tahay mid aan ahayn waddankii ugu horreeyay ee sameeya drone ismiidaamin ah oo ku dayda Shahed-136, mana noqon doono kii ugu dambeeyay," iyadoo tixgelinaysa in "dhammaan dalalku ay rabaan inay ku daydaan drone-ka Iran ee beddelay habka dagaalka cirka."
Waxay intaas ku dartay in astaamaha "Shahed" ay fursad siisay "ciyaartoyda yaryar" ee masraxa caalamiga ah si ay ugu babac dhigaan quwadaha waaweyn, iyadoo diyaaradda ku tilmaamtay "hub qalqal gelin ah" maadaama ay saamayn weyn leedahay isla markaana ay qiime jaban tahay.
Si kastaba ha ahaatee, soo-saaraha Masriga ah ayaa beeniyay in ay jirto wax xidhiidh farsamo ah oo u dhexeeya diyaaraddaas iyo tan Iran, isaga oo sheegay in isku ekaanshuhu uu ku egyahay muuqaalka dibedda oo keliya.
Jeneraal Brigadier Maxamed Sayed, oo ah lataliyaha shirkadda wax-soo-saarta, ayaa u sheegay BBC-da in "diyaaraddu gebi ahaanba ka duwan tahay, islamarkaana ay naqshadeeyeen ay dhiseen gacmo Masri ah, oo aan waxba kala mid ahayn diyaaradaha kale ama nooc kasta oo drone ah oo dunida yaal." Waxa kale oo uu ku daray in Masar "ay ka bilaabayso meesha kuwa kale ku hakadeen, iyada oo horumarinaysa tignoolajiyada u adeegaysa isticmaalkeeda iyo baahideeda gobolka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Diyaarad hal-jiho ah
Shahed-136 waxay dhalisay muran ballaadhan tan iyo markii la shaqo geliyay. Waa diyaarad hal-mar u dhaqaaqda oo qaada ku dhowaad 50 kiilo oo qarax ah, sidoo kalena is burbureysa marka ay bartilmaameedkeeda garaacdo, waxayna duuli kartaa masaafo gaadhaysa ilaa ku dhowaad 2,000 kiiloomitir.
Inkasta oo ay leedahay dareemayaal kooban marka loo eego nidaamyada casriga ah, haddana kharashka wax-soosaarkeeda oo hooseeya iyo fudaydka lagu adeegsado ayaa ka dhigay qalab istaraatiiji ah oo wax ku ool ah. Badanaa waxaa loo adeegsadaa in lagu abuuro faro gelin iyo daldaloolo ku yimaada shabakadaha difaaca cirka, ka hor inta aan la ridin gantaallada ballistic-ga ama hubka duula ee kale.
Iran waxay si ballaadhan u adeegsatay noocan drone-ka ah intii lagu jiray iska horimaadkii ciidan ee ay la yeelatay Israa'iil bishii Juun ee la soo dhaafay, iyada oo isku dayaysay inay ka badiso difaacyada cirka ee Israel, kuna qasbeysa inay isticmaalaan gantaallo qaali ah oo looga hortago, marka loo barbar dhigo drones-ka oo aad u jaban.
Tehran waxay sidoo kale ku wareejisay Ruushka tiro kooban oo ka mid ah noocan sanadkii 2021, waxaana markii dambe loo adeegsaday dagaalka ka socda Ukraine.

Xigashada Sawirka, Reuters
Isbalaadhinta caalamiga ah
Diyaaradaha noocan waxaa loo yaqaannaa in ay yahiin "diyaarado dhinac socda" maadaama ay ku burburaan bartilmaameedka ay garaacaan. Isticmaalka diyaaradahaas ayaa si weyn u kordhay dhowr dagaal oo ka socda dunida, oo ay ku jiraan dagaalka Ruushka iyo Yukreeyn, isku dhacyada Israa'iil iyo Iiraan, iyo sidoo kale kooxo hubaysan sida Xuutiyiinta ee Yemen.
Hishaam al-Xalabi, oo ah lataliye ka tirsan Akadeemiyadda Millatariga Masar ee Daraasaadka Sare, ayaa sheegay in dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Ruushka, iyo Shiinuhu ay kordhiyeen soo saarista diyaaradahaas kadib isticmaalka baahsan ee sannadihii u dambeeyay.
Wuxuu sharaxay in diyaaradaha daroonnada ahi ay yihiin kuwo kharashkoodu hooseeyo marka loo eego awoodda burburka ee ay gaysan karaan, laakiin aysan kaligood go'aamin dagaalka, maadaama ay yihiin "Ku kaabis diyaaraddaha kale ah, laguna adeegsado hawlgallo gaar ah oo ay leeyihiin faa'iido dheeri ah."
Al-Xalabi wuxuu intaas ku daray in qiimaynta diyaaradaha noocan ahi ay ugu horrayn ku xidhan tahay "isticmaalka hawlgalka iyo sida saxda ah ee loo doorto bartilmaameedka," halkii ay ku xodhnaan lahayd tilmaamahooda farsamo ee sida masaafadda iyo culayska ay qaadi karaan.
Isla mowduucan, Craig waxay sharaxaysaa in dagaalka Ruushka iyo Yukreeyn, oo galay sanadkiisii afraad, uu muujiyay muhiimada daroonnada oo ah qalab raqiis ah oo loo adeegsado sahamin, weerar, iyo carqaladeyn, marka la barbar dhigo diyaaradaha dagaalka dhaqameed sida F-16 oo midkiiba ku kacda qiyaastii 90 milyan oo doollar, halka daroonnadu ay mararka badan ka hooseeyaan dhowr kun oo doollar.
Ciidamada Difaaca Masar

Xigashada Sawirka, Reuters
Bishii Agoosto 2025, hay'adda Global Firepower waxay soo saartay qiimeyntii sanadlaha ahayd ee ciidammada ugu xoogga badan dunida ee sanadka 2025, kadib daraasad lagu falanqeeyay 145 dal oo lagu salaynayay in ka badan 60 qodob, oo ay ku jiraan awoodda milatari, dhaqaale iyo tan sahayda (logistics).
Dunida Carabta gudaheeda, ciidanka Masar ayaa sii hayay kaalinta koowaad, waxaana uu ku jiray kaalinta sagaal iyo tobnaad ee caalamka.
Qiimeynta oo Masar siisay "0.3427", ayaa muujinaysa inay weli ka mid tahay 20-ka ciidan ee ugu xoogga badan dunida, inkasta oo ay hoos uga dhacday toban boos afar sano gudaheed marka la barbar dhigo qiimeyntii 2020 oo ay ka gashay kaalinta sagaalaad ee caalamka.













