Ereteriya: 13 qof oo muddo 18 sano ah ku xidhnaa xabsi ciidan oo hadda la siidaayay

Xigashada Sawirka, SM
Dawladda Eritrea ayaa sii daysay 13 qof oo ku xidhnaa xabsiga milateri ee Mai Serwa ku dhawaad 18 sano, sida ay BBC-da u sheegeen qaraabada dadka la sii daayay.
Kooxdan oo ka koobnayd ganacsato, saraakiil booliis iyo xirfadlayaal ayaa afarta December dib ugu laabtay qoysaskooda.
Qaar ka mid ah dadkii ku xidhnaa xabsigan Mai Serwa oo aan rabin in la magac dhabo ayaa BBC-da u sheegay in maxaabiista la xidhay Oktoobar 2007, kadib isku day dil oo lagu qaaday Taliyihii Amniga Gudaha ee xilligaas, Colonel Simon Gebredingil. Arrintan ayaa lala xidhiidhay kiis ku lug lahaa labo ganacsade.
Ishan ayay BBC-du waka ka hesay ayaa intaasi ku dartay in qiyaastii 30 qof la xidhay bilowgii. Qaar ayaa muddooyi kala duwan la sii daayay, laakiin ku dhawaad 20 qof ayaa weli xidhan.
Waxaa ka mid ah kuwa la sii daayay, ciyaaryahankii hore ee tartanka baaskiilka Olombikada iyo ganacsadaha la yidhaahdo Zeragabir Gebrehiwot; ganacsatada caanka ah Tesfalem Mengsteab iyo Bekure Mebrahtu iyo laba nin oo walaalo ah, oo la kala yidhaahdo injineer David Habtemariam iyo joometeer Matthews Habtemariam.
Lix xubnood oo ka tirsan booliiska Eritrea ayaa sidoo kale la sheegay inay ka mid yihiin dadka muddada dheer xidhnaa oo ay ku jiraan madax hore oo ka tirsanaa ka hortagga dambiyada, baadhitaanka dambiyada, maaliyadda iyo maamulka, kormeerka iyo sidoo kale hal kaptan iyo laba dambi baadhayaal oo sare.
Saraakiil hore oo ka tirsanaa Amniga Gudaha ayaa sidoo kale la sheegay in la sii daayay.
Nolosha xabsiyada Eriteriya

Xigashada Sawirka, Human right council
Hay'adda la yidhaahdo Amnesty International ayaa hore u sheegtay in xabsiyada ay ka mid yihiin Adi Abeito iyo Mai Serwa ay maxaabiista kala kulmaan xaalado adag, iyaga oo aan helin biyo iyo nadiif ah oo ku filan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qoysasku ayaan loo oggolayn in ay booqdaan maxaabiista muddada ay ee xidhanayeen, sida ay ehallada dadkaasi sheegeen.
13-ka qof ee dhawaan la sii daayay ayaa la fahamsan yahay in aan maxkamad la soo taagin, mudaddaas aadka u dheer ee 18-ka sano ee ay xabsiga ku jireen.
Xabsiga milateri ee Mai Serwa, oo markii hore ka koobnaa 76 qaybood ayaa sannadihii ugu dambeeyay la ballaadhiyay iyadoo lagu daray shan unug oo waaweyn iyo in ka badan 20 waaxood oo dheeri ah, sida ay ilo-wareedkaasi uu BBC-da u sheegay. Waxuu ku yaallaa qiyaastii sagaal kiiloo mitir waqooyi-galbeed Asmara.
Dawladda Eritrea weli ma soo saarin wax war ah oo ku saabsan sii deynta dadkaas.
Sida lagu sheegay xog laga helay Major Goitom, xubnaha Sirdoonka Gudaha ee aan la magacaabin ee xabsiga ku jiray kama ay warqabin siidayntooda. Colonel Goitom, oo la xidhay sannadkii 2011-kii, ayaa muddo shan sano ah ku jiray xabsiga, kaddibna muddo saddex sano ah kaddib ayaa dib loogu soo celiyey.
Sidoo kale, Colonel Gebre'Egziabher Gebretsion iyo kuwa kale oo xabsiga ku jiray ayaa la sheegay in xaalado caafimaad iyo tacadiyo kale ay ay la kulmeen intii ay xabsiga ku jireen. Waxaa jiray toddobo qof oo weli aan ka bixin xabsiga oo muddo dheer xabbisan, inkastoo hay'adaha caalamiga ah ay ku baaqeen in si degdeg ah loo sii daayo.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xabsiyada, sida Mai Serwa, ay dadka ku suagn yihiim xaalado adag oo caafimaad, iyada oo aan loo oggolaan si siman in loo daryeelo ama loo hubiyo badbaadadooda. Waxaa sidoo kale la sheegay in tacadiyada lagu la kaco maxaabiista aan la joojin.













