Qoyska dhalay gabar la waayey 53 sano ka hor oo weli ka quusan la' codsina u diray dowladda

Xigashada Sawirka, Grimmer Family
Qoyska dhalay ilmo British ah oo lagu waayay Australia muddo 53 sano laga joogo ayaa qoraal u diray xeer ilaaliyaha guud ee gobolka New South Wales iyaga oo ka dalbanaya inuu dib u eego kiiska.
Cheryl Grimmer oo saddex jir ah ayaa sannadkii 1970kii ka luntay meel u dhow xeebta Wollongong.
In kasta oo ay booliisku si weyn u baareen, dib looma helin jaan iyo cirib mel ay dhigta, laakiin baaritaan sannadkii 2011-kii la sameeyay ayaa lagu soo gabagabeeyay inay dhimatay.
Kiiska ka dhanka ah nin lagu eedeeyay inuu qirtay afduubkeeda sannadkii 1971 iyo dilkeeda ayaa burburay sannadkii 2019.
Garsooraha maxkamadda sare ayaa go'aamiyay in qirasho la sheegay inuu sameeyay markii uu yaraa uu ku yimid wareysi booliisku uu bixiyay kaasoo aan raacin habraacyada su'aalaha carruurta aan qaan-gaarin, oo aan loo isticmaali karin caddayn ahaan.
Booliisku waxay diideen inay si cad u sheegaan in ninka – oo dembi algu waayay, oo aan la magacaabi karin sababo sharci - uu weli yahay tuhmane.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee maxkamadda, Mark Speakman ayaa ku tilmaamay burburka baaritaanka 2019 inuu yahay "dhamaadka" mid ka mid ah siraha ugu caansan Australia.
"Ma doonayo in qoys kale ay soo maraan wixii qoyskeena soo maray, waan xanaaqsanahay," Cheryl walaalkeed Ricki ayaa u sheegay weriyaha BBC-da Jon Kay xilligaas, isagoo u warramayay barnaamijka Fairy Meadow.
Laakin booliiska Australia ayaa sii waday baaritaanka, 2020-kiina dowladda gobolka NSW waxay gaarsiisay abaal-marinteeda ay ku bixinayso macluumaadka la xiriira kiiskan ilaa $680,000.
Hadda qoyska Grimmer waxa ay warqad u direen ninka beddelaya Mr Speakman oo lagu magaacabo Michael Daley, iyaga oo ka codsanaya inuu mar kale eego go'aanka garsooraha. BBC-da waxay la xiriirtay xafiiska Mr Daley si ay faallo uga bixiyaan.

Xigashada Sawirka, Grimmer family
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka la burinayey kiiska 2019-kii, Garsoore Robert Allan Hulme wuxuu sheegay in tuhmanaha da'da yar uusan lahayn wax ilaaliye ama qareen ah inta lagu guda jiray wareysiga booliiska ee 1971 kii.
Waxa uu ku tilmaamay wiilkan mid "garaadkiisu hooseeyo" oo aad uga nugul filkiisa 17 jirrada ah taas oo ah natiijo ka dhalatay korriinkiisa oo xumaday.
Laakiin qoyska Grimmer ayaa sheegay in go'aankaas aan wax tixgalin ah loo siin "dhibanaha dembiga", waxayna ku tilmaameen ka saarista magaca Cheryl ee xukunka inay tahay "wax qoyska dhibaya".
"Waxaan soo jeedin lahaa in tani ay si aad ah uga soo horjeedo waajibaadka Australiya ee hoos yimaada xeerarka xuquuqda aadanaha," ayaa lagu yiri warqadda uu saxiixay Michael Grimmer, Cheryl ina-adeerkeed.
Qoyska ayaa sheegay in faahfaahinta qiraalka la xaqiijiyay "intii lagu guda jiray dib u baadhista 2016-17".
Warqaddu waxay ugu baaqaysaa Mr Daley inuu oggolaado codsiga Maxkamadda Sare ee gobola NSW ee baaritaanka cusub, iyo in la qaado xannibaadaha warbaahinta ee ka hortagaya in magaca tuhmanaha hore la baahiyo si ay u soo dedejiso markhaatiyada kale ee suurtagalka ah inay yimaadaan.
Qoyska Grimmer waxay markaas uun u soo guureen Australia iayag oo ka yimid boqortooyada Ingiriiska markii Cheryl la waayay.
Waxaa markii ugu dambeysay la arkayay iyada oo ku qubeysanaysa meel u dhow xeebta, halkaasoo ay galabtaas kula qaadatay hooyadeed iyo labo walaalo ah oo ka weyn.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen nin aan la garaneyn oo sita ilmo ku duuban shukumaan kuna sii jeeday goobta baabuurta la dhigto ee xeebta.










