Caruuskii isaga iyo walaalkiis ka yar lagu dhex dilay tukaankii ay waalidkood ka biili jireen

Wiilasha la dilay
Qoraalka sawirka, Yuusuf (bidix) Maxamed (midig)

Baraha Bulshada waxaa tan iyo khamiistii ku baahay muuqaal ay duubtay kaamirada CCTV, taas oo laga arkayo dhacdada niman budhcad ah oo tooganaya wiilal Soomaali ah oo ku sugan dalka Koonfur Afrika.

Dilkan oo ka dhacay xaafad ku taal duleedka magaala xeebeedka Koonfur Afrika ee Cape Town ayaa muuqaal laga arkayaa nimanka dilka geystay oo ugu yaraan mid ka mid ahi ku hubaysan yahay qoryaha darandooriga u dhaca ama kan ay Soomaalidu u taqaan aakaha.

Mid ka mid ah wiilasha, ayuu tooganayaa dableyda midkood, wiilkii oo dhaawac ah oo salka ku siqaya ayuu mid kale la dul imanayaa bastoolad kadibna wuu dhaawac tirayaa.

Halkaasna waxaa ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Yusuf Maxamed Takow iyo Maxamed Deeq Muxyadiin dhaakul oo ah laba wiil oo ilma adeer dhow ah.

Dukaan

Waxaa BBC la hadlay Sheekh Xasan Xayaate oo labada wiilba ilma adeer la ah isla markaana goobta aaska ku sugnaa xilliga aan la hadlaynay.

Sida uu noo sheegay Sheekh Xasan; Yuusuf wuxuu Koonfur Afrika joogay muddo dhowr iyo toban sano ah balse Soomaaliya ayuu dib ugu laabtay isaga oo kasoo guursaday, sidaasna hadda wuxuu uga tagay xaas cusub oo ay wada noolaayeen muddom qiyaastii hal sano ah.

“Yuusuf maadaama uu dalkii dib ugu laabtay, fursaduu u helay waa soo guursaday, marka xaas ayaa jirta dhanka Soomaaliya waddankana mardhow ayuu dib ugu soo laabtay,” ayuu yiri Sheekh Xasan oo qeexay in uu Yuusuf Koonfur Afrika kusoo laabtay bishii Sebtembar ee sannadkan.

Maxamed ayaa isaguna joogay dalka illaa shan sano, wuxuuna yimid bilowgii 2019 kii, kamana uusan tagin wax xaas ama caruur ah.

Waxa uu sheekh Xasan ku tilmaamay; “laba wiil oo isku qoys ah oo da’da iska ag dhow oo aad u yaryar oo dhalin yaro ah, oo ah ilmo mustaqbal leh oo waalidkooda iyo bulshaduba ay ku tashanaysay”.

Qoraalka Muuqaalka, Muuqaalka ay duubtay kaamiradu marka wiilasha la dilayey

Cabaas Cabdullaahi Maxamed oo ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Johannesburg ayaa noo sheegay in muddo todobaad ah ay aaseen 8 wiil oo meelo kala duwan lagu dilay todobaadkaan gudihiisa.

Aaska wiilasha
Qoraalka sawirka, Aaska wiilasha

Dembiyada ka dhanka ah ajaaniibta

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dembiyada ka dhanka ah dadka ajnibiga ah ee ku sugan Koonfur Afrika ayaa kasoo darayey xilliyadii u dambeeyay, waxaana sii huriya kooxo siyaasadda lug ku leh oo aad ugasoo hor jeeda dadka soo galootiga ah.

Dhawaan, Koox Koonfur Afrikaan ah oo labaxday ‘Hawlgalka Dudula’ ayaa caan ku noqotay inay u dhacaan meheradaha ay leeyihiin dadka ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ku jirto, waxayna ku qasbaan in dukaamada la xiro. BBC Africa Eye ayaa heshay xubnaha dhaq-dhaqaaqa waddooyinka ee ugu caansan dalkaasi.

Hadallada nacaybka ah ee ay adeegsadaan qaar ka mid ah saraakiisha dawladda, siyaasiyiinta iyo kooxaha ka soo horjeeda soogalootiga ayaa gacan ka geystay in la sii huriyo warka ah in dalka ay buux dhaafiyeen muhaajiriin.

Sahanka habdhaqanka bulshada ee Koonfur Afrika ee 2021 ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad kala bar dadka Koonfur Afrika ay aaminsan yihiin in ay jiraan inta u dhaxaysa 17 iyo 40 milyan oo soo galooti ah oo dalka ku sugan.

Codbixinta hadda socota ayaa muujineysa in taageerada loo hayo xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC) oo ah xisbiga uu mar hogaaminayey Nelson Mandela ay hoos u dhici karto 50% markii ugu horeysay.

Hawlgalka Dudula waxa uu leeyahay hammi ah in uu buuxiyo booskaas bannaanka, waxana uu hadda isu beddelay xisbi siyaasadeed oo heer qaran ah, isagoo sheegay in uu doonayo inuu u tartamo doorashada guud ee sannadka dambe.

Dudula

Zandile Dabula, oo loo doortay inay noqoto madaxweynaha Hawlgalka Dudula bishii Juun ee 2023, waa haweenay deggan, soo jiidasho leh oo xoogga saartay farriinta kooxda ee ah: "Shisheeyuhu" waa asalka dhibaatada dhaqaale ee Koonfur Afrika.

Marka loo sheego in ololahani uu ku salaysan yahay nacayb oo keliya, waxay BBC-da u sheegtay: “Waa in aan halkan ku xaqiiqsanno in inta badan dhibaatooyinka ina haysta ay sabab u yihiin qulqulka dadka ajaanibka ah.

“Dalkeena waa qasan yahay, dadka ajnabiga ah waxay wadaan qorshe 20 sano ah oo ay kula wareegayaan Koonfur Afrika”.

Markii dib su’aalo looga weydiiyay run ahaanshiyaha qorshahan 20-ka sano ah, waxay qiratay inuu ahaa war kutiri-kuteen ah balse waxay sheegtay inay rumeysan tahay inuu run yahay.

"Waxaad meel walba ku arkeysaa maandooriye oo inta badan dadka maandooriyaha caadeystay waa Koonfur Afrikaan ee maha ajaaniibta, marka maxaa dhacaya, ma waxay quudinayaan walaalaheen si ay ugu fududaato inay la wareegaan dalka ?" ayey tiri.

Howlgalka Dudula ayaa ku adkeysanaya in ay walaac ka qabaan daroogooyinka faraha badan ee ku soo qulqulaya bulshooyinka danyarta ah ee Koonfur Afrika, taasoo ah cabashadooda ugu daran, balse ma jirto xog lagu xoojinayo sheegashada ah in dadka daroogada iibiya aysan ahayn muwaadiniin Koonfur Afrikaan ah.

Tirakoobka isbarbardhigga ah lama heli karo dambiyada daroogada, inkastoo warbixinta ISS ay soo xiganeyso wasiirka cadaaladda oo sheegtay in soogalootigu ay ka yihiin 8.5% dhammaan kiisaska la xukumay sannadkii 2019 iyo 7.1% sanadkii 2020 ee daroogada la xiriira. ISS waxay intaas ku dartay in 2.3% maxaabiista la xiro sanad walba aysan sharci haysan.

Hase yeeshee Soomaalida ayaan weli si gaar ah loogu eedeyn inay daroogo ka ganacsadaan, balse waxay ka yihiin xubin firanfircoon ganacsiyada yaryar ee dalkaas, taas oo bartilmaameed dabiica ah uga dhigaysa kooxaha ajnibi nacaybka ee aaminsan in dadka soo galootiga ahi ka qaateen shaqooyin iyo fursado ay ka faa’iideysan lahaayeen.

Dilalka ka dhanka ah Soomaalida Koonfur Afrika ayaa iska caadi noqday iyada oo ku dhawaad maalin walba lagu dilo halkaas wiilal Soomaaliyeed oo u shaqo tagay.