Sababta dalkan lagu daadiyay dhiigga Soomaalida loogu doortay kan ugu wanaagsan dalxiiska dunida

dalxiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Akhristayaal uu rai'yi uruurin ka sameeyay wargeyska Telegraph ee dalka UK ka soo baxa ayaa waxay sheegeen in Koofur Afrika tahay dalka ugu wanaagsan dhanka dalxiiska adduunka.

Wargeyskan ayaa diiradda saaray quruxda magaalada Cape Town, iyo buuraha ku yaalla.

Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay in dalkan ku wanaagsan yahay dhanka safarka dhulka.

Dalalka Kenya iyo Botswana ayaa sidoo kale soo galay kaalmaha 10 iyo toddoba.

Maxaa loo doortay Koofur Afrika?

dalxiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inkastoo ay ku taallo cirifta ugu dambeysa qaaradda Afrika, dalkan ayaa ka mid ah kuwa ay fududdahay in la tago.

Sababaha kale ee loogu doortay ayaa ah in ku safarka dhulka uu ku wanaagsan yahay.

Waxaa sidoo kale jirta in lagu ammaanay quruxda buuraha iyo farshaxanka.

Koofur Afrika ayaa sidoo kale qiimeyn la sameeyay sanadihii 2017 iyo 2018 waxay kala gashay kaalmaha saddex iyo labo.

Dhanka kale marka la eego, Koofur Afrika waxaa ka dhacayay dilal loo geysto dadka ajaanibta ah.

Soomaali badan oo ganacsato ahayd ayaa lagu dilay magaalooyin ka mid ah dalkaas, qaarkoodna dukaamadooda ayaa lagu dhex dilay.

New Zealand

dalxiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxay u muuqataa nin xanuunka safmarka ah ee Covid uu saameyn ku yeeshay ra'yiga dadka. Wargeysku wuxuu leeyahay ma jiri karto sabab kale oo New Zealand – oo ah dal kaalinta koowaad ku jiray ku dhowaad labo sano – uu hoos uga dhaco liiska.

New Zealand waxay ka mid tahay meelaha ay dalxiisayaashu aad u ammaaneen tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Tan iyo sanadkii 2011 ayuu wargeysku sheegay inay ku jirtay kaalmaha hore ee dalalka dalxiiska ugu wacan adduunka.

Dalkan ayaa si la mid ah Koofur Afrika waxaa lagu ammaanay quruxda dabiiciga ah ee dhulkiisa, buuraha iyo farshaxanka.

Maldives

dalxiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Jasiiraddan ayaa kaalinta saddexaad ka gashay dalalka ugu wacan dhanka dalxiiska.

Waxay ku taallaa Badweynta Hindiya, waana dal ay dadku u tagaan dalxiiska, gaar ahaanna munaasbadaha gaarka ah sida aroosyada iyo xafladaha dhalashada.

Dalkan ayaa lagu tilmaamay in xitaa xilliyada roobka ay qorraxdu ka hillaaceyso cirka, sida bilaha May ilaa October.

Geedaha qumbaha ayuu caan ku yahay iyo xeebaha qurxoon ee soo jiidanaya dalxiisayaasha.

Guud ahaan waa jasiirad ay dadku jecel yihiin inay ku nastaan.

Japan

dalxiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dalkan ku yaalla qaaradda Aasiya ayaa sidoo kale waxay bulshadiisu la daalaa dhacaan musiibooyin badan.

Xanuunno safmar ah, dhulgariir, duufaanno iyo dhacdooyin nukliyeer ayaa saameeyay dalkaas.

Balse intaasoo dhan iyadoo ay jiraan, haddana dalxiisayaashu taas kama hor istaagin inay u dalxiisaan.

Tobankii sano ee lasoo dhaafay, Japan ayaa ku jirtay liiska dalalka ugu wacan dhanka dalxiiska.

Waxaa lagu ammaanay quruxda dhulka iyo cuntada, xeebaha iyo waddooyinka sida kuwa magaalada caasimadda ah ee Japan.

Australia

dalxiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dalka Australia ayaa kaalinta shanaad ka soo galay dalalka addunka ugu wanaagsan dhanka dalxiiska.

Inkastoo ay ka mid ahayd dalalka xiray xuduuddahooda markii uu yimid xanuunka safmarka ah ee coronavirus, haddana taas kama hor istaagin in dadku u dalxiisaan.

Dalkani qurux uma dhinna, balse wuxuu wargeysku leeyahay in laga yaabo in sababta uu kaalinta shanaad u galay ay tahay fogaanta uu ka fog yahay dalalka kale.

Wuxuu leeyahay ayaa la yiri qurux dabiici ah sida magalada caasimadda ee Sydney.